Maxay Iiraaniyiintii aan la hadalnay ka yiraahdeen usbuucii ugu horreeyay ee dagaalka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii Xamid uu maqlay warka geerida Ayatollah Cali Khamenei toddobaad ka hor, waxaa buuxisay farxad iyo raynrayn . Wuxuu xaaskiisa iyo gabadhiisa ula baxay waddada bannaanka gurigiisa ku yaal Tehran si ay u dabaaldegaan.
Maalmihii xigtay, markii bambooyinka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku soo dhacayeen dhismayaasha ku yaalla caasimadda, qoyska ayaa fuulay saqafka gurigooda si ay u daawadaan weerarrada cirka, iyagoo sacab tumaya mar kasta oo la weeraro bartilmaameedka taliska.
Xamid ayaa ii sheegay isagoo hadalkiisa soo marinayey ina adeertiis oo ku sugan Ingiriiska "Isku day inaad hesho meel kale oo dhulka ah oo dadku ay aqbali karaan weerar dibadda ah oo lagu qaado dalkooda. Laakiin hadda waxaan rajeyneynaa in nidaamkan uu dhawaan meesha ka bixi doono. Waan ku faraxsanahay."
Xamid, oo an ahayn magaciisa saxda ah, kaligiisa kama taagna meeshan.
BBC Persian waa adeegga wararka ee BBC-da ee ku baxa luqadda Faarisiga, waxaana isticmaala qiyaastii 24 milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah - badankooduna ku sugan yihiin Iiraan - inkastoo ay si joogto ah u xannibaan mas'uuliyiinta Iiraan.
Dadka reer Tehran waxay heleen fariimo digniin ah: "Haddii xiriirkaaga internetku uu sii socdo maalmaha soo socda, khadkaaga taleefanka waa la jari doonaa waxaana laguu gudbin doonaa hay'adaha garsoorka."

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Nidaamku wuxuu sii wadaa inuu faafiyo argagax, mana jiro mid ka mid ah kuwa ka soo horjeeda oo ku dhiiranaya inuu magaciisa sheego, cabsi laga qabo cawaaqibka ka dhalan kara iyaga ama qoysaskooda.
Laakiin toddobaad kadib, halka qaar wali ay dabaaldegayaan cadaadis kasta oo lagu soo rogo nidaamka, kuwa kalena waxay sii kordhiyaan cabsi, iyaga oo su'aal ka keenaya ujeeddooyinka iyo hadafka ugu dambeeya ee dagaalka.
Cali wuxuu noo sheegay: "Hadafka dagaalkan ma aha in la gaaro xorriyad ama dimuqraadiyad dadka Iiraan... Dagaalkan wuxuu u dhacayaa yoolal juqraafiyeed oo u danaynaya Israa'iil, Mareykanka, iyo waddamada Carabta ee gobolka."
Maxamed, oo da'diisu tahay soddon jir, kuna nool Tehran, ayaa sheegay inuu rajeynayo heshiis dhexmara Mareykanka iyo Iiraan si looga fogaado dagaal.
Wuxuu intaas ku daray: "Si qoto dheer, had iyo jeer waxaan rajeynayay in heshiis la gaaro."
Wuxuu kaloo intaas ku daray inuu u maleynayay inuu farxad dareemi doono marka Khamenei dhinto, laakiin ugu dambeyntii "ma uusan dareemin waxba".
Saaxiibkay Soroush Pakzad, ayaa ii sheegay inuu hadda aad uga walaacsan yahay mustaqbalka, iyo iyadoo goobaha kontaroolada ee nidaamku meel walba yaalliin, iyo duqeymaha cirka ee joogtada ah, uu dareemayo cabsi.
Dadka kale ee Iiraaniyiinta ah waxay ka hadlaan inay dareemayaan isku-darka cabsi, walwal, iyo rajo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haweeney ayaa ii sheegtay inaan u baahanahay inaan ku noolaado Iiraan afartan sano si aan u fahmo sida ay u adag tahay iyada iyo dadka kale ee Iiraan inay dareemaan hadda.
Waxay tiri: "Waan qosolnaa oo waan ku faraxnaa marka nidaamka la jabiyo, laakiin marka carruurtu dhintaan oo kaabayaasha dhaqaaluhu burburaan, waxaan ka walwalnaa mustaqbalka dalkeenna."
Ma jiraan ra'yi ururin laga sameeyay Iiraan, laakiin waxay u muuqataa in dadka Iiraan badankood ay neceb yihiin nidaam u keenay dhibaato aad u weyn.
In kasta oo uu wali haysto taageerayaal badan oo daacad ah, haddana kuwa badan ee ka soo horjeeda waxay u kala qaybsan yihiin kuwa taageersan Mareykanka iyo Israa'iil, iyo kuwa aad uga shakisan.
Saciid wuxuu noo sheegay: "Maamulka Trump - laga bilaabo kor ilaa hoos - dhammaantood waa been abuur. Ma jirin sabab ay u weeraraan Iiraan, marka laga reebo rabitaanka Israa'iil ee ah inay sidaas sameyso."
Marka laga reebo hadallada ka soo yeeraya nidaamka laftiisa, waxaan maqalnaa codad aad u yar oo ka imanaya taageerayaashiisa.
Laakiin dad badan oo Iiraaniyiin ah ayaa BBC-da u sheegay in, ka dib 47 sano oo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ahayd joogeen, ay noqdeen kuwo aad u quus ah oo ay u arkaan dagaalka hadda socda inuu yahay rajada kaliya ee ay ka qabaan xorriyadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ina-adeertii Hamid ee Britain oo ka mid ah malaayiin Iiraaniyiin ah oo hadda musaafuin ku maqan ayaa ku soo koobtay dareenka iska soo horjeeda ee dad badan farriin ay WhatsApp u dirtay BBC Sabtidii hore: "Waan necebahay dagaallada, mana doonayo in hal qof oo aan waxba galabsan la dilo ama la waxyeeleeyo, iyadoon loo eegin dhinaca ay ka tirsan yihiin, laakiin waxaan dareemay farxad markii aan maqlay weerarrada saaka."
Waxay intaa raacisay "Waan ogahay in tani ay u muuqato mid iska hor imaanaysa oo waali ah, laakiin waa run. Fikradda ah in riyada ah in laga xoroobo gacanta aayatullah-ka dilaaga ah ay ugu dambeyntii noqon karto mid rumowda waxay iga buuxinaysaa farxad aan la qeexi karin."
Waxay tiri: "Fadlan ha i xukumin, laakiin waxaan aaminsanahay in duqaytu ay sii socoto. Hawlgalku waa in la dhammaystiro."
Dhammaadkii toddobaadka, waxaan weydiisanay caawimaad si aan ula xiriirno Xamid, laakiin way awoodi weyday inay la xiriirto.
Xamiid wuxuu u sheegay in duqeymaha cirka ay inta badan si sax ah u bartilmaameedsanayeen "dad xun".
Laakiin waxaan sidoo kale maqalnaa tirada sii kordheysa ee dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay, oo ay ku jiraan carruur badan, oo ku nool waddan aan lahayn gabaadyo iyo siiriga digniinta duqayn cirka ah.
Sida laga soo xigtay hay'adda Human Rights Activists News Agency (HRANA oo fadhigeedu yahay Maraykanka in ka badan 1,000 oo rayid ah aya ala dilay ilaa hadda oo ay ku jiraa laba boqol oo carruur ah
Markii dagaalku biowlday hay'adda HRANA, waxay wali isku dayeysay inay aqoonsato kumanaanka dibadbaxayaasha ah ee lagu dilay howlgalkii nidaamku ku qaaday kacdoonkii dadweynaha ee bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Saman , oo aan ahayn magaciisa saxda ah oo ka soo jeeda Isfahan, shaqsi ahaan wuu garanayay lix qof oo lagu toogtay waddooyinka magaalada wakhtigaas, haddana laba ka mid ah qaraabadiisa ayaa lagu dilay weeraro cirka ah oo ka dhacay Tehran.
Dhammaadkii toddobaadkan ayuu farriin u diray Soroush Pakzad oo ka tirsan BBC Persia, isagoo sheegay in xaaladda Isfahan ay "runtii ahayd mid naxdin leh," iyadoo qaybo ka mid ah maydadku ay yaalliin agagaarka waddada mid ka mid ah goobaha la beegsaday.
Wuxuu isku tilmaamay inuu ku jiro xaalad naxdin iyo caro leh, isagoo leh: "Weligay ma qiyaasi jirin, xitaa riyooyinkayga ugu xun, inaan noqon doono waddan uu dagaalku kala qaybiyay."
Haweeney dhallinyaro ah oo labaatan jir ah oo ku nool Tehran, oo hore u sheegtay inay "aad u faraxsan tahay" markii ay bartilmaameedsadeen Hoggaamiyaha Sare, ayaa u sheegtay Ghoncheh lix maalmood ka dib: "Hadda ma faraxsani mana murugaysna, waan daalanahay."













