Iiraan ma oggolaan doontaa hoggaamiye uu Trump u soo magacaabo?

Calanka Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    • Author, Lyse Doucet
    • Role, Chief international correspondent
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in Maraykanku kaalin ku yeesho doorashada hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, kaddib dilkii hoggaamiyihii sare ee dalka, Ayatollah Cali Khamenei iyo saraakiil kale.

Trump wuxuu caddeeyay inuusan aqbalayn hoggaamiye cusub ilaa Iran ay qaadato "si shuruud la'aan ah u aqbasho," isaga oo tilmaamay in doorka Maraykanku uu noqon doono in uu doorto "hoggaamiye weyn oo la aqbali karo."

Wuxuu tusaale u soo qaatay xaalad ka dhacday Venezuela, halkaas oo hoggaamiye cusub uu la shaqeeyey maamulka Mareykanka kadib markii hoggaamiyihii hore meesha laga saaray.

Arrintani waxay muujinaysaa in ujeeddada Trump aysan hadda ahayn beddelka nidaamka guud, balse ay tahay in la beddelo hoggaanka Iiraan iyadoo Maraykanku kaalin ka yeelanayo.

Hannaanka dawladnimo ee Iiraan oo leh lakabyo badan oo siyaasadeed, diimeed, iyo amni islamrkaana sannado badan wajahaysay hanjabaadaha dibadda iyo rabshado gudaha ah. Ma ahan nidaam lagu maamuli karo faragelin dibadda ka timaadda. Qorshe shisheeye oo ah in hoggaamiye la magacaabay loo dhiibo ayaa xasuusta Iiraan ku jirta ka hor qarni ka badan.

Sannadkii 1953-kii, CIA-da Mareykanka iyo MI6-ta Britain ayaa la kaashaday Iiraaniyiin si ay afgambi ugu sameeyaan Ra'iisul Wasaare Maxamed Mosaddegh, oo si dimuqraadiyad ah loo doortay. Ninka lagu beddelay, Shah Mohammad Reza Pahlavi, ayaa markii dambe laga tuuray kacaankii 1979-kii oo sidoo kale ka dhan ahaa Washington iyo London.

Trump ayaa sidoo kale caddeeyey cidda uusan doonayn in ay hoggaanka qabato. Wuxuu sheegay in wiilka Khamenei. Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayuu sheegay "in aan la aqbali karin." Mojtaba waa nin ku adadag waxa uu rumaysan yahay waxaana la saadaalinayaa in uu ka mid ah noqdo ragga ugu cadcad ee tartanka hoggaanka loogu jiro.

Tehran ayaa si cad uga jawaabtay, iyada oo ku tilmaamtay hadallada Trump "Ujeeddooyinka xun ee cadowga" iyo in "qoomiyadda weyn ee Iiraan aysan oggolaan doonin faragelin arrimaheeda gudaha iyo xaqa ay u leedahay in ay go'aamiso mustaqbalkeeda."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Doorashada hoggaamiyaha cusub ee Iiraan waa arrin qarsoodi ah xitaa xilliyada caadiga ah, iyadoo hadda la kala warqabo sababo la xiriira duqaymaha Mareykanka iyo Israa'iil. Waxaa la sheegay in Mojtaba Khamenei uu horey ugu jiray liiska Ansixinta Golaha Khubarada. Waa odayaal 88 ah oo mas'uul ka ah doorashada hoggaamiyaha. Dhismayaasha Tehran iyo Qom ee kulamada lagu qaban lahaa ayaa la duqeeyay, laakiin warar ayaa sheegaya in ay ku kulmayaan si maqal iyo muuqaal ah.

Mehdi Khalaji, oo ka tirsan Mac'hadka Washington ee Daraasaadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in aysan hubin in doorashada la dhammeeyey, maadaama golahaasi uu sheegay inay gacanta ku hayaan go'aamada dagaalka iyo nabadda. Khalaji wuxuu tilmaamay in Mojtaba uu ka tirsan yahay koox mayal adag oo ka mid ah Kacaanka Iiraan, balse uu u baahan yahay aqbalaadda hay'adaha Golaha Khubarrada, taasi oo uu wali ka maqan yahay.

Waxaa la sheegay sannado ka hor in Khamenei uu Mojtaba ka reebay hoggaaminta si looga fogaado nidaamka dhaxalka boqortooyada. Waxaa la saadaalinayaa in Khamenei uu noqon doono hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee leh awood sharci iyo go'aan kama dambays ah. Golaha Sare ee Kacaanka Iiraan oo la aasaasay 1979-kii si loo ilaaliyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa hadda gacanta ku haya dhammaan awoodaha, laga bilaabo amniga ilaa dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in Golaha Khubaradu ay dooran karaan guddiyo hoggaamin ah halkii hal qof ay taladu ku ekaan lahayd. Magacyada kale ee la sheegay in ay tartamayaan waxa ka mid ah Hassan Khomeini, oo ah wiilka ugu caansan faraca uu awoowga u yahay Ayatollah Ruhollah Khomeini, iyo Alireza Arafi, oo hadda ka tirsan Golaha ku meel gaadhka ah, balse waayo-aragnimadiisu ma aha mid ku habboon xilkan.

Ma cadda in hoggaamiyaha cusub la shaacin doono, maaddaama Israa'iil sheegtay in qof kasta oo soo baxa uu noqon doono "bartilmaameed cad." Qofka keliya ee si joogto ah uga hadlay doorashadan xasaasiga ah waa Trump, oo yidhi: "Inta badan dadka aan maskaxda ku haynay way dhinteen."