Istaraatiijiyada dagaalka Iran ee Mareykanka ku adkeyneyso in dagaalka uu ku guuleysto

Waxay sheegeen in awoodda milatari ee Tehran la wiiqay kaddib weerarradii ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran.
"Ciidamada cirka iyo maraakiibtooda dagaalka waa la burburiyay. Hoggaamiyayaashooda waa la dilay. Waxay iga dalbadeen wadahadal. Balse waxaan ku iri, waqtigaas waa la soo dhaafay", ayuu yiri madaxweyne Trump.
Iran waxay sii waddaa weerarro aargoosi ah oo ay ku qaadeyso Isreal iyo dalal Bariga Dhexe ah ee ay ku yaallaan saldhigyada milatari ee Marayku leeyahay.
Sidee ayay u eg tahay istaraatiijiyadda milatari ee Iran marka la fiiriyo in Maraykanka iyo Israel ay leeyihiin awood milatari oo ka sarreysa?
Qorshaha daciifinta awoodda
Sida uu sheegay Dr. H. A. Hellyer, oo ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe, kana tirsan machadka difaaca iyo arrmaha ammaanka ee RUSI ee UK, ayaa qaba in istaraatiijiyadda milatari ee Iran aysan aheyn in ay kaga adkaato Maraykanka iyo Israa'iil "dagaal caadi ah".
Waxa uu ku doodayaa in dagaalka Iran uu noqonayo mid "daba dheeraada, gobolka ku fida, kaddibna abuura qalalaase dhaqaale".
"Iran kuma guulaysan karto dagaal caadi ah. Waxa kaliya ay ku badbaadi karto waa in ay ka hortagtaa in dalalka kale ay si fudud ku guuleystaan, waxayna sameyneysaa burbur dhaqaale" ayuu yiri Dr Heyller.
Sida ay sheegtay Nicole Grajewski, oo ah bare ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ee Faransiiska ayaa sheegtay in habka ay Iran qaaday uu yahay "Dagaal lagu daalo". Waxay dooneysaa Iran ayey tiri in ay daciifiso oo ay daalisa kuwa la dagaallamaya.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Istaraatiijiyaddan milatari waxay sidoo kale leedahay dhinac maskaxeed. Khubaradu waxay sheegeen in markii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee sanadkii hore ee ay la galeen Israa'iil, Iran waxay "isku dayday in ay abuurto cadaadis maskaxeed iyadoo weerartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, si toos ahna uma beegsan bartilmaameedyada milatari." Iran waxay inta badan adeegsatay gantaallo iyo drones.
Gantaallada ridada dheer ee Iran qaar ayaa waxyeello soo gaartay intii lagu jiray dagaalkaas 12-ka maalmood socday ee ay la galeen Israa'iil. Lama oga inta gantaal ee u hartay.
Falanqeeyayaashu waxay xuseen in Iran ay hubkeeda ku soo saarto oo ku kaydiso meelo qarsoodi ah.
Sida ay Israa'iil sheegtay, Iran waxay haysataa qiyaastii 2,500 oo gantaal, sida ku cad xog ay ururiyeen Midowga Yurub oo soo baxday Janaayo sanadkan 2026.
Gantaaladan waxay isugu jiraan kuwa ridada gaaban oo gaaraya ilaa iyo 1000 kiilomitir iyo kuwa ridada dheer oo gaaraya inta u dhexeyas1000 ilaa iyo 3,000 oo kiilomitir.
Saraakiisha Iran waxay sheegeen in ay isticmaaleen hub kale, oo ay ku jiraan sawaariiqda Sajil.
Waxaa la sheegay in gantaalkan uu gaari karo ilaa iyo 2000 oo kiilomitir. Tehran waxay ku dhawaaqday in gantaalkan uu yahay kuwa ka dheereeya guuxooda.
Magaalooyinka Gantaallada
Warbaahinta Iran waxay sheegeen in gantaalada ay ku jiraan xarumo ku yaal dhulka hoostiisa halkaas oo lagu sameeyo laguna keydo. Waxaana lagu magacaabaa "Magaalooyinka gantaalada". Lama hayo xog la xaqiijiyay oo ku saabsan tirada saxda ah ama awooddooda.
Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka, awooda gantaalada Iran ee gaari kara Yurub waxaa hoos loo dhigay boqolkiiba 23, waxaana keydka hoos loo dhigay 86 boqolkiiba
Sida uu sheegay Dr. H. A. Hellyer oo ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe, Iran waxay weli awood u leedahay in ay beegsato kaabeyaasha Israel iyo saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe. Waxay sidoo kale carqaladayn kartaa Iran maraakiibta shidaalka ee mara Marinka Hormuz taas oo saameyn dhaqaale ku yeelaneysa adduunka oo dhan.
Boqolkiiba 20 shidaalka adduunka ayaa mara halkaas. Iran waxay ku hanjabtay in ay xireyso marinkaas iyadoo weerareysa maraakiibta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay qabto Nicole Grajewski, inkastoo Iran aysan haysan gantaallo aad u horumarsan, hadana waxay haysataa tiro aad u badan oo drones ah.
Waxaa la rumeysan yahay in ay soo saartay kumanyaal drone ka hor dagaalka. Naqshadaha drones-kan qaar waxaa laga soo guuriyay Ruushka. Maraykanka ayaa sidoo kale isku dayay in uu isticmaalo tiknoolajiyadan. Drones-kani, marka laga reebo weerarrada tooska ah, waxay sidoo kale carqaladeeyaan hawada.
"Waa drones awood u leh in ay daciifiyaan difaaca cirka. Ruushka ayaa drone noocan oo kale ah u adeegsaday dagaalka Ukraine," ayay tiri Nicole Grajewski.
Maraykanka waxa uu sheegay in kaydka drones-ka Iran uu hoos u dhacay 73 boqolkiiba.
Falanqeeyayaasha waxay sheegeen hadii dagaalka sii daba dheeraado in ay adkaaneyso adeegsiga hub aad u badan.
Iran waa dal muddo dheer milatari ku lahaa Bariga Dhexe. Waxay leedahay qiyaastii 610,000 askari. Ciidamada joogtada waa 350,000 halka 190,000 ay yihiin Ilaalada Kacaanka Iran.
Iran waxay taageertaa Xuutiyiinta Yemen , iyo sidoo kale dagaalyahanno ku sugan gudaha dalka Ciraaq, Xisbullah iyo Xamaas.
Kooxahan waxay taageeraan Iran inkastoo Xamaas ay Israel aad u wiiqday awoodeeda ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza. Sida ay qabaan dadka ka faalooda arrimaha gobolka, Iran waxay awood u leedahay in ay gasho dagaal muddo dheer socda.
Dagaal Goboleed
Gantaallo Iran leedahay oo galay hawada Turkiga ayaa la sheegay in ay qabteen raadaarada difaaca NATO.
Turkiga, oo hore u dalbaday in Iran iyo Maraykanku wada hadal yeeshaan, ayaa dagaalka kaddib sheegay in "dhammaan dhinacyada ay ka fogaadaan sii hurinta colaadda."
Ujeedka Iran ayaa ah in ay ku qasabto dalalka dagaalka wada in ay joojiyaan weerarka taas oo ah hab miiska wadahadalka uu ku imaan karo Mareykanka.
Dr. H. A. Hellyer waxa uu isna sheegay in inkastoo dalalka Khaliijka ay ka soo horjeesteen weerarka Iran, haddana waxay bilaabi karaan in ay taageeraan Maraykanka haddii weerarrada aargoosiga ee Tehran ay khatar ku noqdaan amnigooda.













