Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku baaqay "wadahadal toos ah" oo uu la yeesho Ukraine

Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku casuumay Ukraine inay ka qeyb gasho "wadahadal toos ah" oo dhici doona 15-ka May, saacado uun kadib markii hogaamiyeyaasha Yurub ay ku booriyeen Moscow inay ogolaato xabbad-joojin 30 maalmood ah.

khudbad telefishan oo dhif ah oo uu xiili dambe oo habeenimo ka jeediyey aqalka Kremlin-ka, Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu raadinayo "wadahadallo dhab ah" oo loogu talagalay "in loo dhaqaaqo xasillooni iyo nabad waarta oo xooggan".

Xilli hore oo sabtidii ah, Ra'iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa booqday Kyiv isagoo la socda hogaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, iyo Poland si ay cadaadis ugu saaraan Ruushka inuu aqbalo xabbad-joojin aan shuruudo lahayn oo bilaabmi doonta Isniinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa markii dambe sheegay in Moscow "ay tahay inay tan ka fikirto" - laakiin wuxuu ka digay in "isku dayga in la cadaadiyo ay tahay wax aan faa'iido lahayn".

Bayaankiisa gaarka ah, Putin wuxuu ku sheegay inuusan"ka saari karin suurtagalnimada ah" in wadahadalladu keeni karaan heshiis xabbad-joojin cusub oo ay gaaraan Ruushka iyo Ukraine.

Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in wadahadallada la soo jeediyay lagu qaban karo magaalada Istanbul ee Turkiga, sidii horayba loo sameeyay, isla markaana uu Axadda la hadli doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada hadlaan faahfaahinta.

Kyiv wali kama aysan jawaabin casuumaaddaas.

Hogaamiyaasha Yurub oo dhinac tagan madaxweynaha Ukriane shir jaraa'id oo wada jir ugu qabteen caasimada Ukriane ee Kyiv

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hogaamiyaasha Yurub oo dhinac tagan madaxweynaha Ukriane shir jaraa'id oo wada jir ugu qabteen caasimada Ukriane ee Kyiv

Caasimadda Ukraine ayaa sabtidii martigelinaysay Raysal Wasaraha UK Sir Keir, madaxweynaha Faransiika Emmanuel Macron, Jarmalka Friedrich Merz iyo Poland Donald Tusk, kuwaas oo qayb ka ah "isbahaysiga rabitaan" oo ah koox waddamo ah oo ay ka go'an tahay inay taageeraan Ukraine.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyagoo dhinac taagan madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, waxay ka qeyb galeen shir jaraa'id oo wadajir ah.

Hoggaamiyeyaashu waxay uga digeen Ruushka in "cunaqabateyn cusub oo baaxad weyn leh" lagu soo rogi doono qeybaha tamarta iyo bangiyada haddii Putin uusan ogolaan xabbad-joojin 30 maalmood ah oo aan shuruud lahayn, taasoo quseysa cirka, badda, iyo dhulka.

Waxay sidoo kale sheegeen inay arrinta soo jeedinta ay kala hadleen Donald Trump. Sir Keir ayaa markii dambe u sheegay BBC-da in Madaxweynaha Mareykanka uu ahaa "mid si buuxda u caddeeyay" in soo jeedintooda xabbad-joojin degdeg ah ay tahay "dalab ay tahay in la fuliyo".

Kulanka kadib, Madaxweyne Zelensky ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha isugu yimid Kyiv isagoo yiri: "Waad mahadsan tihiin taageeradiina Ukraine aad la garab taagan tihiin."

"Maanta waxaan diiradda saari doonaa sida loo dhiso loona dammaanad qaado amni dhab ah oo waara," ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabayay soo jeedinta, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov wuxuu yiri: "Waa horumar cusub. Laakiin isku dayga ah in nala cadaadiyo wax faa'iido ah ma leh."

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sidoo kale ka soo xigatay Peskov isagoo sheegay in hadallada ka imaanaya Yurub ay "guud ahaan yihiin kuwo colaadeed halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa lagu doonayo in lagu soo celiyo xiriirka naga dhexeeya."

Putin iyo Zelensky

Xigashada Sawirka, Getty Images

Moscow ayaa horay u sheegtay in ka hor inta aysan ka fiirsan xabad joojin ay tahay in reer galbeedku ay marka hore joojiyaan kaalmada milatari ee ay siiyaan Ukraine.

Putin ayaa markii dambe soo saaray bayaan u gaar ah, iyadoo muuqaal laga baahiyay uu muujinayo weriyeyaal isugu yimid hool ku yaalla Kremlin-ka.

"Waa tallaabadii ugu horreysay ee loo qaado dhanka nabad waarta oo muddo dheer socota, halkii ay noqon lahayd hordhac dagaallo kale oo hubeysan marka ciidamada Ukraine ay helaan hub cusub iyo ciidamo, ka dib hawlo degdeg ah oo qodis godad dagaal ah iyo sameynta saldhigyo cusub oo talisyo ah," ayuu yiri.

"Yaa u baahan nabad noocaas ah?"

Putin wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Ukraine inay marar badan ku guuldareysatay inay ka jawaabto dalabyo xabbad-joojin ah oo Moscow soo jeedisay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen joojinta weerarada lagu hayo kaabayaasha tamarta muddo 30 maalmood ah iyo xabbad-joojintii ciidda Easter ee bishii la soo dhaafay.

Xabbad-joojin kale oo uu Putin xusay waxay ahayd mid uu amray bishii Abriil si ay ugu beeganto xuska Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Xabbad-joojintaas waxay dhammaatay Sabtidii saqdii dhexe.

Kyiv waxay diidday xabbad-joojin hal dhinac ah oo soconaysay saddex maalmood, iyadoo ku tilmaantay "riwaayad masraxeed." Bedelkeed, Zelensky wuxuu mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa in la helo xabbad-joojin dheer, ugu yaraan 30 maalmood.

Inkasta oo dagaalku yaraaday, dhinacba kan kale wuxuu ku eedeeyey inuu isagu wax jabiyey

Khamiista - isla maalintii la filayey xabbad joojinta ayaa dhaqangashay - Ukraine waxay ku eedaysay Ruushka in ka badan 730 xadgudub waxayna sheegtay inay "si habboon uga jawaabeyso".

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxay ku adkeysatay in xabbad-joojintu ay socotay, ka hor inta aysan iyaguna ku eedeyn Ukraine 488 xadgudbyo ah

"In kasta oo ay wax walba jiraan, waxaan u soo bandhigeynaa maamulka Kyiv inay dib u bilaabaan wada xaajoodyada... dib u soo celinta wadahadalka tooska ah, waxaanan ku adkeynayaa, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin," ayuu yiri Putin Sabtidii.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee tooska ahaa ee u dhexeeyay Moscow iyo Kyiv waxay dhaceen sannadkii 2022, markaasoo Ruushku bilaabay duullaankiisii buuxa ee Ukraine.