Maraykanka oo war kulul kasoo saaray go'aannadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Somalia

Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA

Dowladda Maraykanka ayaa si kulul uga hadashay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aaddan go'aanka Golaha Wadatagashiga Qaran ee Soomaaliya, waxuuna Maraykanku ka digayaa qaadashada tallabooyin siyaasadeed iyo wax ka beddelka nidaamka dowliga ah, iyadoo si buuxda taabbogal u ahayn siyaasad midaysan oo loo dhan yahay.

"Dhammaan dhinacyada saamileydu waa in ay cod ku leeyihiin go'aamada la xiriira isbeddellada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go'aamo aan la helin taageero loo dhan yahay waxay noqonayaan kuwo aan sharciyad buuxda lahayn, waxayna carqaladeyn karaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni ee degdegga ah." Waa qoraal kooban oo kasoo baxay waaxda Mareykanka ee arrimaha Bariga Afrika kaasoo lagu daabacay barta X, waxaana looga soo dul jawaabay faafinta rasmiga ahayd ee kasoo baxday Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shir ku lahaa magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadalay.

Qodobbada ugu waaweyn ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah in Goluhu "isla aqoonsaday" in maamulka SSC-khaatumo uu xubin ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Golaha ayaa isku raacay in maamul goboleedyadu ay guddiga doorashooyinka kala shaqeyaan dardar-gelinta iyo baahinta diiwaan gelinta dadweynaha si loo qabto doorasho „xor iyo xalaal ah”.

Qodobbada lagu heshiiyay oo gaaraya ilaa toban ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, ay keento talo iyo soo jeedin xaaladda maamul goboleedka Jubaland, iyadoo la waafajinayo dastuurka dalka iyo sharciyada kale

Qoraalka ayaa lagu yiri "si loo helo nidaam dowlad goboleed sharci ah".

Arrintaan ayaa u muuqata in ay daba socoto hadalkii dowladdu horey u sheegtay ee ahaa in aaney aqoonsaneyn dib u doorashadii madaxweynaha maamulka Jubland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dhacday bishii Nofembar sanadkii 2024-ka.

Maamulada Jubaland iyo Puntland oo aan shirka ka qaybgalin ayaa isla markiiba ka falceliyay, wasiirka warfaafinta Jubaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar ayaa qoraal kooban oo barahiisa bulshada soo galiyay sidaan ku yidhi. " Waa socon weynay ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda hal xisbi shirkooda, mana qusayso Dowladda Jubbaland."

Sidee looga falceliyay warka ka soo baxay shirka?

Shariif

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa muuqaal toban daqiiqo ku dhow oo baraha bulshada lasoo dhigay kaga hadlay waxii kasoo baxay shirka Golaha Wadagatshiga qaran wuxuuna sheegay "in waxii shirkaas kasoo baxay in ay yahiin ayaan daro."

"In la yidhaahdo waxaa loo xuubsiibanayaa xisbi weyn, waxay muujinaysaa aragti gaabni" ayuu yidhi isaga oo ka falcelinaya Xisbiga la sheegay in lagu dhisay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

"Waxaa nasiib darro ah in lasii fogeeyo qaar kamid ah gobolladii ay horeba dhibaatooyinkii ugu dhaceen, waxaan wada ognahay in isku day inqilaab lagu sameeyay"

"Maanta in dib loogu celiyo maamulkaas ma jiro runtii annigu waxaan u arkaa riwaayad" ayuu yidhi Sheekh Shariif.

"Meel aadan gacanta ku haynin talo ku lahayn in aad tidhaahdo maamul baan kasoo dhisayaa waa nasiib darro" isagoo hadalka sii wata.

"Haddii madaxda dalka ugu sareysaa ayku mashquulaan in ay aarsadaan ama ficil tamaan, meesha hadda la joogo meel kasii fog baa la gaadhayaa - marka waxaan leeyahay ficiltanka joojiya usoo jeedsada waajibaadka qaran ee la iidiin doortay."

Digniinanaha Maraykanka ee ku saabsan nidaam doorasho oo wadar-oggol ah ayaa kusoo aadaya xilli dalku ku jiro jahwareer siyaasadeed.

Dhanka kale, durba markii shirka la soo gabagabeyay waxaa soo baxay falcelinta maamullada Puntland iyo Jubalnd, oo wasiirro maamulladaasi ka tirsan ayaa barahooda bulshada iyo warbaahinta gudaha ku baahiyay hadallo ay ku sheegayaan in wax ka soo baxay aaney iyaga qusen isla markaana duulllaan lagu yahay labadaas maamul

"Shirka Villa Somalia ka socdey waxaa caawa ka soo baxey oo Xassan Shiikh ku xalaaleystey duulaan lagu qaado Puntland iyo Jubbaland" ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah.

Dhankiisa wasiirka war-faafinta maamulka Jubaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa isna qoraal uu ku baahiyay barihiisa bulshada ku sheegay, "Waa socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland."