Maxaa magaca looga beddelaa Pope kasta oo cusub?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaardinaal Robert Prevost ayaa loo doortay inuu noqdo Baadariga cusub waxaana lagu magacaabi doonaa Pope Leo XIV.

Ninkan 69-jirka ah ayaa noqday baadariga ugu horreeyay ee Mareykan ah ee hoggaamiya kaniisadda Katooliga ee caalamka oo ka kooban ilaa 1.4 bilyan oo qof.

Prevost wuxuu ku dhashay magaalada Chicago, waxaana loo arkaa qof wax badan beddeli doona. Wuxuu muddo dheer ka shaqeynayay hab faafin diineed ah dalka Peru, ka hor inta aan looga magacaabin arche-bishop halkaas.

Wuxuu sidoo kale haystaa dhalashada Peru waxaana si weyn loogu xasuustaa inuu la shaqeyn jiray bulshooyinka la takooro iyo inuu dhisay xidhiidh xooggan oo ka dhex abuurmay kaniisadda iyo deegaanka.

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu horreeya ee baadari cusub uu qaado waa doorashada magac cusub, isagoo beddelaya magaciisii baabtiiska ama kii dhalashidiisa.

Tani waa dhaqan soo jireen ah, in kastoo aysan mar walba sidan ahaan jirin. In ka badan 500 sano kahor, baadarigu wuxuu adeegsan jiray magaciisa caadiga ah.

Laakiin dhaqankan ayaa isbeddelay si loogu fududeeyo magaca, ama in la muujiyo ixtiraam loo hayo baadari hore.

Sanadihii la soo dhaafay, baadariyiinta waxay inta badan doortaan magacyada kuwii iyaga ka horeeyay si ay u muujiyaan ixtiraam, kalgacayl, ama rabitaanka inay raacaan jidkooda.

Tusaale ahaan, Baadari Francis wuxuu sheegay in magaciisu uu ku sharfayo St Francis of Assisi, isla markaana uu dhiirrigelin ka helay saxiibkiis reer Brazil, Kaardinaal Claudio Hummes.

Maxaa Pope-ka cusub loogu doortay magaca Leo XIV?

Baadariga cusub weli ma shaacin sababta uu u doortay magaca Pope Leo XIV.

Waxaa jiri kara sababo badan oo ku kalifay, balse magaca Leo waxaa hore u adeegsaday baadariyo badan oo taariikhi ah.

Baadari Leo I, oo sidoo kale loo yaqaan St Leo the Great, wuxuu ahaa baadari intii u dhaxeysay 440 ilaa 461 Miilaadiga.

Wuxuu noqday baadarigii 45aad ee taariikhda, waxaana lagu xasuustaa dadaalkiisii nabadda.

Sida ay sheekadu tahay, waxaa la sheegay in muujinta mucjisada ahayd ee quduusiinta Peter iyo Paul intii lagu jiray kulan u dhexeeyay Baadari Leo I iyo Attila, boqorkii Huns, sannadkii 452 Miilaadiga, ay sababtay in Attila uu ka tanaasulo duullaankii ku qaadi lahaa xillihaas Talyaaniga.