Ma ka warqabtaa faa'iidooyinka caafimaad ee ay leedahay inaad kabaha iska bixisid markaad guriga galeyso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hooyaday waxay nagu kaliftay inaan raacno qaanuunkan: inaanan bixino kabaha marka aan guriga soo galayno.
Markii aan yaraa waxaan moodayay in hooyaday ay adag tahay. Laakiin markii aan bilaabay in aan wax badan barto, waxaan ogaaday in aanay ahaydn nadaafadda aawadeed. Hadafka hooyadu wuxuu ahaa ilaalinta caafimaadka iyo nadaafadda.
Nadaafadda ayaa ah arrin muhiim ah. Laakiin marka ay timaado kabaha, waxa khatarta ah waa wasakhda aan la arki karin ee ku urursanta gunta kabaha.
Kabaha lagu xirto bannaanka waxay inta badan wataan jeermiska iyo bakteeriyada sababa caqabadaha caafimaadka.
Ka fakar inta meel ee kabaha aad xirantahay ku soo marto? laga soo bilaabo musqulaha, waddooyinka, isbitaalada iyo sidoo kale jardiinooyinka lagu buufiyay sunta cayayaanka si loo xakameeyo.
Sida lagu sheegay cilmi-baaris ay samaysay jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka, 96% kabaha waxa ay xambaarsan yihiin bakteeriyada loo yaqaanno coliform, taas oo laga helo saxarada.
Waxa kaloo la yaab leh in 27% ay ku jirto bakteeriyada E.coli, taas oo keenta cudurrada ugu khatarta badan ee bini'aadamka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo noocyada bakteeriyada E. coli aanay khatar ku ahayn bini'aadamka oo keliya, nooc kale oo bakteeriya ku jirta waa Shiga, taas oo keenta shuban dhiig wata waxayna keeni kartaa xaalad khatar ah oo loo yaqaan hemolytic uremic syndrome-cudur keeni karta kelyaha oo shaqayn waaya ugu dambeyntiina dhimasho sababta.
Carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis sare ugu jira hab-dhiskooda difaaca oo aan qaan-gaarin, iyo sidoo kale hab dhaqankooda joogtada ah ee gacmaha afka la galaan..
Si kastaba ha ahaatee, bakteeriyada E. coli ma aha fayraska kaliya ee ku jiri kara guriga, gaar ahaan qolka fadhiga.
Kabaha ayaa sidoo kale qaadi kara bakteeriyada Clostridium, taas oo keenta shuban iyo mararka qaarkood jirro halis ah, iyo sidoo kale bakteeriyada Staphylococcus aureus, oo ay ku jiraan noocyada iska caabbinta sida MRSA-bakteeriya u adkeysata daawada taasoo keeni karta caabuq maqaarka, oof-wareen, ama xitaa caabuqyo dhiig oo halis ah.
Ma aha oo kaliya jeermiska
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khatarta caafimaad kuma koobna bakteeriyada oo keliya.
Kabaha ayaa sidoo kale xambaarsan kiimikooyin khatar ah iyo xasaasiyad.
Cilmi baaris ayaa muujisay in kabaha lagu xirto guriga dibadiisa ay qaadi karaan haraaga sunta cayayaanka, herbicides, iyo biraha culus sida birta, maaddooyinka khatarta ku ah caafimaadka, gaar ahaan carruurta yaryar iyo xayawaanka rabaayada ah.
Macdanta rasaasta taas oo laga helo tiro badan oo ku jirta siigada ama ciidda magaalooyinka, waa sun khatar ah oo saamayn karta korriinka maskaxda ee ubadka oo dhibaato maskaxeed oo joogto ah ku keenta.
Kiimikooyinka laamiga ayaa ah kuwa khatar ah oo sababi kara kansar.
Daraasad lagu sameeyay dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in kiimikooyinkani ay galaan guryaha kana mid noqdaan boodhka guriga, mararka qaarkoodna waxa ay gaaraan ilaa 37 boqolkiiba sida kuwa dibadda laga helo.
Yay aad u saameeysaa?
Carruurta iyo xayawaanka rabaayada ah.
Carruurtu waa gurguuranayaan, dhulka ayay ku ciyaaraan, oo inta badan gacmahooda ayay afka geliyaan.
Xayawaanku sidoo kale waxay leefleefaan lugaha ka dib markay ku socdaan meelaha wasakhaysan.
Xidhashada kabaha dibadda waxay si weyn u kordhin kartaa halista faafinta kiimikooyinkan waxyeelada leh.
Nadaafadda sagxadaha iyo dhulka guriga
Marka la eego caddayntan, xeerka hooyaday ee kabo iska bixinta marka guriga la soo galo hadda uma eka mid la yaab leh.
Dhab ahaantii, waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu fudud uguna waxtarka badan ee ilaalinta caafimaadka qoyska.
Markaad kabaha iskaga siibtid albaabka, kaliya kama hortagayso wasakhda iyo wasakhda dhulka, laakiin sidoo kale waxaad si weyn u yaraynaysaa suurtogalnimada inaad guriga keento jeermiska iyo kiimikooyinka waxyeelada leh.
Talaabadani ma aha mid adag in la fuliyo.
Samee meel gaar ah oo aad kabaha ku kaydiso oo albaabka agtiisa ah.
Waxaad sidoo kale sameyn kartaa iskafaalo ama qaanado, dambiisha, ama xitaa waxaad habeyn kartaa kabaha gudaha ee martida.
Iyadoo la waydiinayo dadka inay iska siibaan kabaha laga yaabo inay u muuqdaan kuwo qariib ah marka hore, waxaa muhiim ah in la ogaado in xitaa wax fudud sida gelitaanka guriga ay noqon karaan isha khataraha qarsoon.













