Maxaa ka jira in Pakistan ay duqeysay saldhigyo milatari oo Hindiya leedahay?

Xigashada Sawirka, EPA
Hindiya ayaa ku eedeysay Pakistan in ay weerartay saddex saldhig militari oo ay leedahay iyadoo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo, eedeyntaas oo ay beenisay dowladda Islamabad.
Militariga Hindiya ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku dayo Pakistan ay ku doonaysay in ay ku weerarto saldhigyo ku yaalla Jammu iyo Udhampur, oo ku yaalla Kashmir ay maamusho Hindiya, iyo Pathankot oo ku yaalla gobolka Punjab ee Hindiya.
Qaraxyo ayaa laga soo wariyay Khamiistii magaalada Jammu ee ku taalla Kashmir oo ay maamusho Hindiya, xilli gobolkaasi uu galay jaha-wareer guud.
Wasiirka gaashaandhigga Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in aysan iyagu ka dambeynin weerarka.
"Waan beenineynaa, wax weerar ah oo aan qaadnay ma jiro illaa hadda," ayuu yiri Khawaja Asif oo la hadlayay BBC-da, isagoo intaas ku daray: "Annagu intaan weerrano kadibna ma diidanno."

Xigashada Sawirka, EPA
Shalay Hindiya waxay sheegtay in ay weerar ku qaaday nidaamyada difaaca hawada ee Pakistan ayna "ka hortagtay" isku day Islamabad ay ku doonaysay in ay ku beegsato saldhigyo militari oo ku yaalla gudaha Hindiya Arbacadii.
Pakistan ayaa tallaabadaas ku tilmaantay "fal kale oo gardarro ah", iyadoo ay ka dambeysay weerar gantaallo ah oo ay Hindiya ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Pakistan iyo Kashmir qaybta ay maamusho Pakistan.
Weeraradaas ayaa sababay baaqyo badan oo caalami ah oo ku saabsan in la dejiyo xiisadda, iyadoo Qaramada Midoobay iyo hoggaamiyeyaasha adduunka ay ugu baaqeen labada dal in ay is xakameeyaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weerarrada iyo madaafiicda laga ridayo xadka labada dal ayaa abuuray cabsi laga qabo in uu dagaal ballaaran ka dhex qarxo labada quwadood ee leh hubka nukliyeerka.
Arrintan ayaa loo arkaa in ay tahay isku dhicii ugu darnaa ee labada dal dhexdooda ka dhaca muddo ka badan labaatan sano.
Hindiya waxay sheegtay in ay weerartay sagaal goobood oo ay ku tilmaantay "kaabayaal argagixiso" Arbacadii, si ay uga aargudato weerar koox maleeshiyo ah ay bishii hore ku qaadeen dalxiisayaal ku sugnaa Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.
Pakistan ayaa si xooggan u beenisay eedeymaha Hindiya ee ah in ay taageertay dagaalyahanadii dilay 26 qof oo rayid ah oo ku sugnaa magaalada buuraha ku taalla ee Pahalgam.
Weerarkaas wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarada khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday dad rayid ah oo ku nool gobolkaas muddo sanooyin ah, taasoo si weyn u kordhisay xiisadda. Dadka la dilay badankood waxay ahaayeen dalxiisayaal Hindi ah.
Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho waxay la daalaa-dhaceysay kacdoon hubeysan oo muddo tobanaan sano socday oo ka dhan ah xukunka Hindiya, kaas oo sababay kumannaan dhimasho ah.
Kashmir ayaa ah meel khilaafku ka taagnaa tan iyo markii labada dal ay xornimada qaateen kadib burburkii British Hindiya sanadkii 1947. Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha Kashmir, dhowr jeerna way ku dagaallameen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa jira baaqyo caalami ah oo loo jeedinayo labada dhinacba oo ku saabsan in ay is-xakameyn kadib markii Hindiya ay bilowday "Hawlgalka Sindoor" Arbacadii.
Laakiin Khamiistii, labada dhinacba waxay hawada isu mariyeen eedeymo culus, iyadoo hanjabaadana ay la socdeen.
Afhayeenka militariga Pakistan ayaa sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn oo ka yimid Hindiya lagu weeraray meelo badan.
"Xalay, Hindiya waxay mar kale muujisay fal gardarro ah iyadoo u dirtay diyaarado drones ah meelo kala duwan," ayuu yiri Taliye Sare Axmed Sharif Chaudhry. "Goobahaasi waa Lahore, Gujranwala, Chakwal, Rawalpindi, Bahawalpur, Miano, Chor iyo agagaarka Karachi."
Wuxuu sheegay in hal qof oo rayid ah lagu dilay gobolka Sindh, halka afar askari lagu dhaawacay magaalada Lahore.
Qunsuliyadda Mareykanka ee Lahore ayaa shaqaalaheeda ku amartay inay ku nagaadaan gudaha dhismaha.
Hindiya waxay sheegtay in tallaabadeeda ugu dambeysay ay ahayd mid jawaab u ah isku dayo Pakistan ay ku doonaysay inay ku beegsato bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Hindiya habeenkii xalay.
"Waxaa si la isku halleyn karo loo ogaaday in nidaamka difaaca cirka ee Lahore la burburiyay," ayay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Hindiya. Pakistan ayaa beenisay sheegashadaas.
Ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka labada dal.
Dhowr saacadood kadib, xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Delhi ku yiri: "Ujeedadeennu ma ahayn inaan kor u sii qaadno xiisadda, ee waxaan ka jawaabaynaa kicintii hore."
Dhanka kale, tirada khasaaraha ayaa sii kordheysa. Pakistan ayaa sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen 57 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ay diyaaradaha Hindiya ka fuliyeen Pakistan iyo Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho.
Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay rasaasta Pakistan ay ka geysatay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir ay gaartay 16 qof oo ay ku jiraan saddex dumar ah iyo shan carruur ah.
Hindiya markii hore ma aysan magacaabin koox ay rumeysan tahay inay ka dambeeyeen weerarkii Pahalgam balse 7-dii May waxay ku eedeysay kooxda mitidiinta ah ee Lashkar-e-Taiba ee fadhigeedu yahay Pakistan inay fuliyeen.
Booliska Hindiya ayaa ku eedeeyay in labo ka mid ah ragga weerarka geystay ay u dhasheen Pakistan, arrintaas oo Islamabad ay beenisay. Waxay sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradii 22-kii Abriil.













