Hindiya ayaa ceyrisay dublumasiyiintii Pakistan xadkana oodatay iyo xaalka labada dal oo meel adag maraya

.

Hindiya ayaa xirtay xuduudka ugu weyn ee ay la wadaagto Pakistan, waxayna eriday diblumaasiyiinta Pakistan iyada oo sidoo kale hakisay heshiis taariikhi ah oo ku salaysnaa qeybsiga biyood, kadib weerar lagu dilay 26 dalxiisayaal ah oo ka dhacay gobolka Kashmir ee ay Hindiya maamusho.

Pakistan ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarka, waxaana ay qaban doontaa shir amniga qaranka looga hadlayo maanta oo Khamiis ah si looga hadlo jawaab celinta tillaabooyinka ay qaaday India.

Rag hubaysan oo ka soo baxay kaymaha ayaa waxay rasaas ku fureen dad dalxiisayaal ah , waxaana weerarkani uu ka dhacay meel u dhow magaalada dalxiiska ee Pahalgam.

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan cidda fulisay weerarkan Talaadadii ka dhacay Pahalgam.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinnada warbaahinta qaar oo soo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon oo heer federaal ah ayaa sheegaya in kooxda The Resistance Front (TRF), oo ah koox xiriir la leh kooxda xagjirka ah ee Pakistan ee lagu magacaabo Lashkar-e-Taiba, laga yaabo inay sheegtaan mas'uuliyadda.

Kooxda ayaa sida muuqata u soo ifbaxday sanadkii 2019, iyaga oo ku bilowday qaab garab borobogaando internet ka ka sameeya o kale ah ka hor inta aan la sheegin in ay isu rogeen shabakad xagjir ah.

Dowladda Hindiya ayaa u aqoonsatay koox argagixiso sanadkii 2023, iyadoo ku eedeysay inay qoreyso dhalinyaro, internet kana ay ku daabacayso xogo argagixisanimo, iyo inay hub soo galisay Jammu iyo Kashmir.

Dowladda ayaa xilligaas tiri "hawlaha TRF waxay wax u dhimayaan amniga qaranka iyo madax-banaanida Hindiya".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarkii argagaxa lahaa ee galaaftay nolosha 26 dalxiisayaal ah ayaa dhibaato xoog leh u gaystay qoysas ku nool Hindiya.

Goobjoogayaal iyo dad badbaaday ayaa la hadlay wariyeyaasha, iyaga oo sawir argagax leh ka bixiyay sidii wax u dhaceen.

Venu Bhai ayaa BBC Hindi u sheegay in dhibaatadu ay bilaabatay galabnimadii markii dalxiisayaashu ay ku soo urureen Baisaran, oo ah taag sare oo caws badan leh oo saddex mayl u jira Pahalgam, xilligaas oo ay ay maqleen rasaas.

Dadka ayaa bilaabay in ay baxsadaan, qaar ayaa dhaawacmay, qaarna waxay kala lumeen dadkii ay wada socdeen, qaarna rasaas ayaa ku dhacday, ayuu yiri.

Inta badan dadka ku dhintay weerarka ayaa ahaa rag Hinduu ah. Qaar ka mid ah goob joogayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in ay u muuqato in dableydu ay beegsadeen ragga aan Muslimka ahayn, balse qaar kale ayaa sheegay in toogashadu ay ahayd mid aan toos ahayn. Nin Muslim ah oo deegaanka ah ayaa isna ka mid ah dadka la dilay.

Marka la eego taariikhda qallafsan ee Kashmir - oo ay si buuxda u kala u sheegtaan Hindiya iyo Pakistan, laakiin mid kastaahi uu qayb ka mid ah maamulo - jawaabta Hindiya waxay u badan tahay inay u qaabaysan tahay sidii ay hore u haan jirtay iyo cadaadis, ayay yiraahdeen khubaradu.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Bilawgiiba, Delhi waxay si degdeg ah u qaadday tillaabooyin isdaba joog ah oo aargoosi ah: xiritaanka xudduudaha ee ugu weyn, joojinta heshiis muhiim ah oo lagu wadaago biyaha, iyo cayrinta dublamaasiyiinta.

Intaas waxaa ka sii daran, wasiirka gaashaandhigga, Rajnath Singh wuxuu wacad ku maray in ay bixin doonaan "jawaab adag", isagoo ballan qaaday in aan tallaabo laga qaadaynin dembiilayaasha oo keliya, laakiin sidoo kale maskaxdii ka dambeysay "ficillada xunxun" ee ciidda Hindiya ka dhacay.

Su'aashu waxay tahay ayay leeyihiin falanqeeyayaashu, ma aha in aysan jiri doonin jawaab-celin milatari - laakiin waxay tahay goorta, iyo sida loo jaan-gooyn doono, iyo kharashka ku baxaya.

"Waxay u badan tahay inaan aragno jawaab celin xooggan - mid u muujisa dadka reer Hindiya iyo dhanka Pakistanba in ay xaalku uu yahay mid dhab ah. Tan iyo 2016 iyo gaar ahaan ka dib 2019, heerka aargoosigu waxaa uu ku ekaa weerarro xudduudaha ama hawada ah," taariikhyahan milatari Srinath Raghavan ayaa u sheegay BBC.

"Way ku adkaan doontaa in dowladdu ay sameeyso wax ka yar intii hore. Pakistan waxay u badan tahay inay iyana jawaabto, sidii ay horey u sameysay oo kale. Khatarta ayaa mar walba ah, in xisaabo khaladan ay isku dhufsadaan labada dhinacba."

Ka dib weerarkii Uri ee Sebtembar 2016, lagu dilay 19 askari oo Hindi ah, Hindiya waxay bilowday wax ay ugu yeertay "weerarado qalliin" oo ay ka sameysay aagga xuduuda dhabta ah - oo sidoo kale loo yaqaan 'Line of Control (LoC) - iyada oo la beegsatay waxa ay ku sheegtay in ay ahaayeen xarumo xagjiriin oo ku yaalla Kashmirta ay maamusho Pakistan.