Waa sidee xaaladda Soomaalida Istanbul ka dib dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay

Dhowr dhulgariir oo is xigxiga ayaa maanta ka ku dhuftay magaalada Istanbul sida ay sheegtay Waaxda musiibooyinka Turkiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhowr dhulgariir oo is xigxiga ayaa maanta ka ku dhuftay magaalada Istanbul sida ay sheegtay Waaxda musiibooyinka Turkiga.

Dhowr dhulgariir oo is xigxiga ayaa maanta ka ku dhuftay magaalada Istanbul sida ay sheegtay Waaxda musiibooyinka Turkiga.

Dhammaan waxay ka dhaceen meelaha ku dherersan Badda Marmara.

Waa dhulgariirkii labaad oo cabbirkiisu yahay 6.2 oo ku dhufta Istanbuul oo ay ku nool yihiin bulsho dhan 16 milyan.

Waa magaalada ugu weyn Turkiga halkaasoo ay ku nool yihiin shan meelood meel bulshada dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhulgariirkan aan keliya laga dareemin Istanbuul balse sidoo kale uu saameeyay gobollada ku hareereysan.

Midkii ugu horreeyay waxa uu ahaa 3.9 magnitude wuxuuna ku dhuftey xeebta degmada Silivri abbaare 12:13 waqtiga maxalliga ah.

Midka labaad waxa uu cabirkiisu ahaa 6.2 magnitude wuxuuna ku dhuftay isla aaggaas abbaare 12:49.

Dhulgariirkii sadexaad oo cabirkiisu ahaa 4.4 magnitude ayaa ka dhacay degmada Buyukcekmece ee magaalada Istanbuul waxa uuna ku dhuftay abaare 12:51 wakhtiga maxaliga ah.

Waa sidee xaaladda Soomaalida Istanbul?

Waddanka Turkiga waxay maanta ahayd maalin fasax ah, dadka intooda badana guryaha ayay joogeen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waddanka Turkiga waxay maanta ahayd maalin fasax ah, dadka intooda badana guryaha ayay joogeen
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khasaaraha rasmiga ah ilaa hadda lama shaacin balse waxaa la aaminsan yahay in cabirka dhul-gariirka iyo wax-yeellada uu geystay aysan is lahayn oo waxaa yar khasaaraha inkastoo la sheegayo inay jiraan guryo dumay.

Waddankan Turkiga waxay maanta ahayd maalin fasax ah, dadka intooda badana guryaha ayay joogeen waxaana halmar la dareemay guryihii oo shanqaray oo gariiray iyada oo aad mooddo inay dhaqaaqeen guryihii," ayuu yiri Bashiir oo ah weriye muddo dheer deganaa dalka Turkiga.

"Anigoo markaas rabay inaan xaafadda ka baxo oo diyaarsanaa qeybta fadhigaana fadhiyay ayaa waxaan halmar dareennay guriga oo ay laambadihii sida iyada oo ay dabeyl lushay ay luaxanayaan kadibna dadkii guriga joogay oo dhan baa halmar qeyliyay waxaana madaxa saaranay meelaha loogu talagalay waxayna ahayd muddo anaga aad noogu dheereyd oo cabsi leh," ayuu intaasi ku sii daray Bashiir.

Bashiir ayaa sidoo kale sheegay inuu Alle ka badbaadiyay oo hadda dhammaan dadkii dhismaha oo 15 dabaq ka koobna ay bannaanka joogaan oo aysan guryihii ku laaban iyadoo laga digayo in dhul-gariir kan ka xoog badan uu dhaco.

Waxa uu BBC-da u sheegay in inta uu ka warqabo ay Soomaali dhibaato ka soo gaartay aysan jirin.

"Guruubyada Jaaliadaha Soomaalida ee magaalada Istanbul ma jirin wax dhbaato ah oo Soomaalida soo gaaratay, asxaabtii kale ee aan iska warqabnay oo wada xiriirnay wax dhib ah iima sheegin."

Muxuu yahay Dhulgariir, maxaase keena

Haddaba muxuu yahay dhul gariir, maxaase dhaliya ama keena dhulgariirrada. BBC ayaa su'aashaas weydiisay Xasan Maxamuud Qorane oo ah khabiir yaqaanna cilmiga barashada dhulka (Geology).

"Dhulgariir waa dhaqdhaqaaq awood leh oo aan oogada dhulka ka dareenno, kaasoo uu keeno cadaadis ka dhacaya dhulka" ayuu yiri Qorane. Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan wxyaabo dabiici ah iyo kuwo uu bani aadamku sameeye y oo dhaliya dhulgariirrada.

"Waxyaabaha dabiiciga ah waxaa ka mid ah dhaqadhaqaaqyada lakabyada dhulka (Tectonic plates), kuwaasoo isku soo dhawaanshahooda iyo kala durkidooda ay keento inuu dhulgariir dhaco, waxaa kaloo ka mid ah cadaadis dhulka hoostiisa ka dhaca" ayuu yiri, isagoo dhnaka kalena sheegay in hawlaha ay bani aadamnku sameeyaan sida macdan baarista, shidaal qodidda, iyo tijaabinta hubka waaweyn sida Nukliyeerka ay keenaan in dhulgariir uu dhaco.

Calaamadaha lagu garto inuu dhul gariir dhici doono

Inta badan way adag tahay in la sii saadaaliyo meesha saxda ah ee uu dhulgariir ka dhici doono

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inta badan way adag tahay in la sii saadaaliyo meesha saxda ah ee uu dhulgariir ka dhici doono

Inta badan way adag tahay in la sii saadaaliyo meesha saxda ah ee uu dhulgariir ka dhici doono, Waxaase jira astaamo muujinaya in dhulgariir uu dhici doono sida uu qabo Xasam Qorane, sida qalab lagula socdo dhaqdhaqaaqyada dhulka ee meelaha uu dhulgariirku ku badan yahay. Astaamaha kale ee uu sheegay waxaa ka mid ah in ifafaalaha laga arki karo xoolaha sida fardaha.

"Waa la ogaan karaa in dhulgariir uu dhacayo, iyo halka uu ka dhacayo, laakinse waxaa adag in la ogaado sida uu u dhacayo iyo xilliga saxda ah ee uu dhacayo ayaa adag in si sax ah loo saadaaliyo" ayuu sii raaciyey khabiirku.

Maxa dadka la gudboon inay sameeyaan si waxyeellada dhulgariirka looga badbaado

Xasan Maxamuud Qorane wuxuu mushkiladda 1aad ku tilmaamay in dadka ku nool bariga Afrika ay wacyi ahaan u diyaarsanayn dhibaatada uu dhulgariirku leeyahay. Mushiladda 2aadna wuxuu ku tilmaamay dhismayaasha oo aan dhulgariir iska celin karin.

"Dhismayaasha ma aha kuwo u diyaarsan inay u adkaystaan dhulgariirrada, taasoo sii laba jibaari karta khataraha ka dhasha dhulgariirka" ayuu yiri.

Wuxuu talo ku soo jeediyey "in qofku uu marka ugu horreysa ka taxadaro naftiisa oo uu xiro wixii gaas ah, ama koronto ah, ama biyo ah, oo qofku uu sii diyaarsado meel ay isaga iyo dadkiisu ka bixi karaan. In qofku uu ka fogaado meelaha ay ku yaallaan dhismayaasha iyo geedaha waaweyn haddii uu meel banaan ah joogo. Hadduu gaari wado waa inuu istaajiyo ilaa uu dhaulgariirku ka dhamaado" ayuu ku taliyey Xasan Maxamuud Qorane.