Wiil Soomaali ah oo ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga oo ka sheekeeyay waxa uu lasoo kulmay

Xigashada Sawirka, BBC/EPA
Waxaa dalalka Turkiga iyo Suuriya ka socdaa dadaallada loogu gurmanayo dadka ku go'doonsan buburka dhismayaasha hoostooda kadib dhulgariirkii ku dhuftay halkaas, waxaa jiraa ardey Soomaali ah oo ka wax baraneysay Turkiga oo lasoo badaabdiyay.
Magaalada Gaziantep oo ahayd halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyinka kale ee Turkiga waxaa ku sugnaa ardey Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.
Dadkaas waxaa kamid ah Yuusuf Calasow oo isaga iyo dhowr iyo 30 qof oo kale laga soo badbaadiyay magaalada Gaziantep oo kamid ah meelihii uu si daran ugu dhuftay dhulgariirkii saameeyay Turkiga.
Yuusuf Calasow wuxuu BBC-da u sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay ka qeyb qaadatay gurmadka looo fidiyay ardeyda Soomaalida ah ee ku go'doonsaneyd magaalada Gaziantep.
"Hadda waan nabad qabnaa waxaan ku suganahay magaalada Ankara oo aan saaka soo gaarnay, ilaa habeen hor waxaan la xiriirinaynay safaaradda Soomaaliya ee Ankara waxaan u sheegnay inta ay ardey ee Soomaali ah ee aan nahay ee ku go'doonsan magaalada , sidaa darteed, safaaradda ayaa naga caawisay in imaanno halkan , waxay inoo soo dirtay lacagtii aan baabuurta ku raaci laheyn oo qaali aheyd sidaas ayaan kusoo baxynay, xaley waxaan kusoo baxnay 36 qof dhammaanteen Ankara ayaan joognaa".
Yuusuf wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay kala kulmeen dhulgariirka iyo waxa uu wadada kusoo arkay intii uu dhexda kusoo jiray.
"Wadada kasoo baxda magaaladii aan joognay ee soo aada Ankara wey burburtay oo lama soo mari karin, waxaan aragnay guryo dumay, dhismayaal dhulka galay waddooyinkii uu dil-dilaacay oo baabuurta aysan xitaa mari karin ,waxaana laga marayay waddo qardo-jeex ah , baraf ayaa aad u da'ayay , gawaarida gargaarka iyo gawaari kale oo shil galay ". ayuu yiri Yuusuf Calasow.
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay musiibo labaad, xilli boqollaal kun oo qof oo ku sugan gudaha dalalka Turkiga iyo Suuriya ay weli guryo la'aan yihiin amaba aanay haysan adeegyadii asaasiga ahaa kaddib dhulgariirkii Isniinta halkaas ku dhuftay.
'Waxaa noogu darnaa qabowga iyo cunno la'aan'

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Ceydiid ayaa shaley BBC-da u sheegay in araday Soomaali ah oo gaari looga soo qaaday gobollada dhul-gariirku ka dhacay ee Turkiga ay soo gaareen magaalada Ankara, kuwaas oo safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ay dejiyeen goobo ay ugu talogaleen.
"Anaga waxaa noogu darnaa cunto la'aan iyo qabowga, makhaayadihii wey xirmeen baabuur ma jiro , tareenada ma shaqeynayaan , cunnada kaliya ah waxaa noo keeneysay dowladda Turkiga iyo dad mutadawiciin ah, mushaaryo iyo biyo ayaa la qeybinayay , saddex maalmood ayaan qabowga taagnaa xilli uu barafka da'ayay , meelo barxado ah ayaa teendhooyin laga dhisay , teendhooyinka ayaa ku jirnay , qabow daran baa jiray , habeenkii oo dhan qabowga ayaan taagneyn, dharkii aan kaga soo baxnay guriga habeenkii dhulgariirka ayaan ku taagneyn".
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhimatay dhulgariirka aan la xaqiijin karin maadaama gobollo kala duwan ay joogaan Soomaalidu isla markaana wali ay socdaan dadaallada samata-bixinta ah.
"Waxaad jirtay gabadh u dhalatay Jabuuti oo aan wax iskala baraneynay halkan oo iska tuurtay gurigii ay daganeyd habeenkii uu dhibka dhacay lugta bidix ayay ka jabtay, inta aan ka war qabo ardeyda magaalada wey nabad qabaan iyo gabadh kale oo la la'aa markii noogu war dambeysay", ayuu yiri Yuusuf Calasow oo kamid ah ardeyda Soomaalida ah ee wax ka dhigata halkaas kana mid ah dadka lasoo badbaadiyay.
"Waddanka oo dhan ayaa xaalad deg deg ah ku jiraa ilaa dowladda ay awaamiir kasoo saarto maku noqon doono , dhulgariirka wuu socday saddexdii maalmood aan joognay magaalada wuu socday marka meel lagu noqon karo ma ahan , dowladda ayaa ka war sugeynaa haddii ay waxbarashada ay Online nooga dhigaan iyo haddii ay yiraahdaan ha lugu noqdo magaalada".
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xaalad deg dega ah oo muddo saddex bilood ah uga dhawaaqay 10 gobol oo ah kuwa sida ba'an uu u saameeyay dhulgariirka.
Dadka ku dhintay dhulgariirka sida ba'an ugu dhuftay Turkiga iyo Suuriya ayaa haatan kor u dhaaftay in ka badan 19,000 qof halka dadka ka baadaday dhulgariirka ay seexdaan dhul bannaan ah xilli qabow daran uu ka jiro deegannadaas.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sheegay in dalkiisa oo kaliya ay ku dhinteen 16,170 qof kadib dhulgariirka halka Suuriya ay tirada gaartay 3,162 qof.













