Madaxweyne Erdogan oo lagu eedeeyay "musiibada ka dhacday Turkiga"

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa sii kordhaya carada ay qabaan dadka Turkiga ee ku aaddan sida ay dowladda ugu guuldarraysatay inay u diyaargarowdo musiibada, kaddib markii kumannaan qof ay ku dhinteen laba dhulgariir oo waa wayn oo Isniintii dalkaasi ku dhuftay.
Tirada dadka ku dhintay musiibadaas ayaa haatan ka saramartay 8,500 waxaana la filayaa in tirada ay maalmaha soo socda ay sare u sii kacdo.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay tirada dhimashada mar uu tegay mid kamid ah gobollada ay sida ba’an dhibaatada u saamaysay.
Hasayeeshee waxaa jira caro siyaasadeed oo sii kordhaysa iyo mid ka taagan deegaannada ay dhibaatadu saamaysay taas oo ku aaddan jawaabta ay dowladda Erdogan bixisay iyo diyaargarowgeedaba.
Dad badan oo ku nool deegaannada ay dhibaatadu sida wayn u saamaysay ayaa cabasho ka muujiyay waxa ay ku tilmaameen gaabiska ay hay’adda maaraynta musiibooyinka ee Turkiga ay ka gaabisay jawaabta ay ka bixisay dhulgariirka.
Magaalada Iskenderum ee dekadda leh ee ku taal koonfurta Turkiga ayey Arzu Dedeoglu Talaadadii sheegtay in laba kamid ah carruurta ay habaryarta u tahay ay ku hoos jiraan burburka hoostiisa. Qoyskeeda ayaa u yeertay dad qoda burburka oo lacagtooda ayey ku bixinayaan si ay burburka uga soo saaraan, balse waxa ay sheegtay in saraakiishu aanay u ogolaan inay qalabkaas isticmaalaan.
“Waxaan sugnay illaa fiidkii, balse cid noo timid ma jirin,” ayey tiri Ms Dedeoglu. “Waxaannu kharashkayaga kula nimi katarabiil noo qoda goobta, balse ma aanay doonayn inaan isticmaalno – oo waa ay naga joojiyeen. Laba carruur ah ayaa burburka hoostiisa nooga jira: waa gabdhaha walaashey Ayşegül iyo İlayda.
“Haatan waa ay u dhammaatay, haatan ma noola.”
Markii kooxaha samatabixinta ay ugu dambayntii yimaadeen, Ms Dedeoglu waxa ay ku calaacashay inay “soo daaheen”. Kooxahaas ayaanan hore shaqada ka gelin, hasayeeshee qoyska gabadha ayaa ku baryootamayay in aanay howsha joojin.
“Fadlan ha teginina – waxaa suuragal ah in carruurta ay weli noolyihiin,” ayey tiri hooyadood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Halka dad badan ay dowladda ku eedaynayaan inay ka gaabisay wax ka qabashada dhulgariirka, waxaa jira dad kale oo sheegaya in dowladdu aanay hore ugu sii diyaargaroobin musiibada.
“Haddii uu jiro qof mas’uul ka ah arrintan, waa Erdogan,” ayuu yiri Kemal Kilicdaroglu, hogaamiyaha xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga.
Mr Erdogan ayaa 10-ka gobol ee ay sida ba’an dhibaatada dhulgariirka u saamaysay kaga dhawaaqay saddex bilood oo xaalad degdeg ah. Xaaladdaas degdega ah ayaa dhammaanaysa kahor doorashada 14-ka May, markaas oo 68-jirka uu iskudayi doono inuu sii joogo awoodda 20 sanno kaddib markii uu xilka qabtay.
Mucaaradka ugu wayn ee la loollami doona waa isbahaysi ay samaysteen axsaabta bidix-dhexe iyo garabka midige, ee loo yaqaan Table of Six. Mr Kilicdaroglu ayaa la filayaa inuu noqdo musharraxooda madaxtinimada.
Muuqaal la soo dhigay Twitter-ka, ayuu wacad ku maray inuusan madaxweynaha “meelna kula kulmi doonin”, isagoo ku eedeeyay in dowladdu ay tan iyo markii uu dhacay dhulgariirka ay wadday “shaqo ay isku xayaysiinayso”.
Waxaa sidoo kale sii kordhaya carada ka dhalatay “canshuurta loogu talagalay dhulgariirka” oo ay soo rogtay dowladda Turkiga ka dib dhulgariirkii weynaa ee 1999-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 17,000 oo qof.
Qiyaastii 88 bilyan oo lacagta liraha ee Turkiga oo u dhiganta 4.6 bilyan oo doolar ayaa loogu talagalay in lagu kharash gareeyo ka hortagga musiibada iyo horumarinta adeegyada degdegga ah.
Su'aalaha ku saabsan "canshuurta isgaarsiinta gaarka ah" - sida ay mas'uuliyiintu ugu yeeraan - ayaa dadka la weydiiyaa mar kasta oo dhulgariir ka dhaco. Laakiin dawladdu weligeed si cad uma sharaxin sida lacagtaas loo isticmaalo.
Mr Kilicdaroglu waxa uu sheegay in xukuumadda Erdogan "aysan u diyaar garoobin mussibada dhul gariirka muddo 20 sannadood ah".
Madaxweyne Erdogan ayaa la kulmaya dhaleecayn dheeri ah oo ku aadan diyaar garowga dowladiisa ee dhulgariirka. Laakin kaliya ma aha siyaasiga mucaaradka ugu weyn dadka dhaleeceynaya ee ka carooday diyaar-garow la’aanta xukuumadda madaxweynaha Turkiga.
"Aaway dhammaan canshuurteenii, oo la ururinayey ilaa 1999?" Celal Deniz, oo 61 jir ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP isagoo ku sugan magaalada Gaziantep. Walaalkii iyo wiilashii uu adeerka u ahaa ayaa weli ku xayiran burburka hoostiisa.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay qaar ka mid ah kanaalada wararka ee Turkiga iyo kuwa taageera dowladda inaysan “baahin” dhaleeceynta ay dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu saameysey u jeedinayaan dowladda.
Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya weriyaha NTV ee deegaanka Kahramanmaras oo sheegaya in dadka deegaanka ay ka cabanayaan "gargaarka oo aanan ku filnayn", balse waxaa gadaal laga maqlayay dadka deegaanka oo weydiinaya: "Aaway dowladda?"
Kanaalka ayaa markaa u muuqday inuu jaray codka wariyaha ka hor inta uusan ku soo laaban istuudiyaha.
Fiidiyow kale oo khadka internetka lagu wadaagay ayaa muujinayay qof badbaaday oo wariye ku ka hawlgala shabakadda Haberturk u sheegaya in "qofna uusan u iman" si uu badbaadiyo maalmo uu xayirnaa.
Weriyaha ayaa markii dambe ka dhaqaaqay qofkii badbaaday wuxuuna sheegay in samatabbixiyeyaashu ay "meel walba ka eegayeen".
Isagoo ka hadlayay magaalada Kahramanmaras, Mr Erdogan waxa uu qiray in ay jireen dhibaatooyin ku aadan jawaab celintii ugu horreysay ee musiibada, balse waxa uu dib u dhaca ku eedeeyay waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha ee burburay.










