Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga oo digniin u dirtay dadka doonaya inay sanadkan xajka gutaan

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysay cid walba oo dooneysa inay sanadkan (1446 AH) waajibaadka Xajka soo gudato ay qasab ku tahay inay heystaan fiisaha oo ay ka dalbadeen barta Nusuk, si loogu hoggaansamo hannaanka mideysan ee casriga ah ee loogu talo-galay bixinta fiisaha Xajka kaasoo lagu magacaabo Tasriix.

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo nidaamka iyo awaamiirta si loo sugo ammaanka Martida Allaah iyo in si fudud oo deggan loo guto Xajka.

Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin dal-ku-gal ah qofka u oggolaanaya in uu xajka soo guto marka laga reebo fiisaha rasmiga ah ee Xajka, isla markaana haddii la isku dayo in uu sharci la'aan soo guto ay xad-gudub ku tahay shuruucda iyo xeerarka xajka.

Waxaa jira dadka qaar oo heysta fiisaha caadiga ah ee Sacuudiga, kuwaas oo u heysta inay sidoo kale Xajka kusoo gudan karaan, arrintaas ayay wasaaraddu sheegtay inay ka hortagayaan.

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay sidoo kale ka digtay khiyaanada iyo been abuurka ku lugta leh barnaamijyada xajka ee been abuurka ah, kuwaas oo lagu xayeysiiyo xayaysiisyada marin habaabinta ah ee baraha bulshada ee bixiya hoyga iyo gaadiidka gudaha goobaha barakeysan.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay dadweynaha inay soo sheegaan xadgudubyadan oo kale iyagoo wacaya 911 ee gobollada Makka, Riyaad, iyo Gobolka Bari, ama 999 ee meelaha kale ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Warbixinnada xayaysiisyada shakiga leh waxaa sidoo kale loo gudbin karaa maamullada waddan kasta.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xustay in maalinta ugu dambaysa ee dadka haysta fiisaha Cumrada ay ka dhoofayaan Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay tahay Talaadada oo ay taariikhdu tahay 1-da Dul-Qi'dah 1446 Hijriyada (April 29, 2025), iyadoo loo diyaar garoobayo gudashada waajibaadka Xajka.

Nusuk Xaj waa goobta hal meel looga wada-heli karo adeegyada Xajka oo ay maamusho Wasaaradda Xajka iyo Cumrada, waxaana xujeyda ka imaanaya dalalka loo adeegayo ay u soo bandhigaan xirmooyin kala duwan oo xajka ah.

Xajka sanadkan

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkan, Xajka ayaa la gudan doonaa inta u dhaxeysa 4-ta ilaa 9-ka bisha June. Fiisaha Xajka ayaa keliya loogu talo-galay inta lagu gudajiro gudashada Xajka, iyadoo marka ay soo dhammaato xujeyda dhan laga doonayo inay dalka isaga tagaan.

Dadka deggan gudaha Sacuudiga ayaa xitaa laga doonayaa inay heystaan waraaqaha rasmiga ah ee xajka lagu gudanayo, iyadoo haddii aysan heysan aan loo oggolaan doonin.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa dhowaan 1-da Dul Qacda, oo ku beegan April 29, u asteysay maalinta ugu dambeysa ee cid walba oo ajaanib ah oo dalkaasi cumro u tagtay ay uga baxdo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday si loo bilaabo isu diyaarinta Xajka.

War ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in 15ka Shawaal, oo ku beeganeyd April 13, ay tahay maalinta ugu dambeysa ee aan loo oggolaan doonin dadka inay dalkaas u tagaan cumro.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cid walboo lagu helo inay dalka sii joogto muddada kama dambeysta ah ay meel uga dhacayso shuruucda ayna ciqaab mudan doonto.

Waxay ugu baaqday dadka iyo shirkadaha cumrada inay u hoggaansamaan amarrada.

Ciddii u hoggaansami weysa amarkan ayaa wajihi doonta ganaax dhan 100,000 oo riyaal.