Garsoore xukun cusub kasoo saaray xiritaanka Trump ee warbaahinta VOA

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garsoore heer federaal ah ayaa ku amray maamulka Trump inuu dib u soo celiyo dhammaan shaqooyinkii iyo dhaqaalihii uu siin jiray Idaacadda Codka Mareykanka iyo xarumaha kale ee wararka ee uu Mareykanku taageero, isagoo go'aamiyay in dadaallada lagu burburinayo ay xadgudub ku tahay sharciga iyo dastuurka.
In ka badan 1,300 oo ka tirsan shaqaalaha VOA, oo ay ku jiraan ilaa 1,000 suxufi, ayaa fasax la geliyay ka dib amarkii Madaxweyne Donald Trump. Aqalka Cad ayaa ku eedeeyay warbaahintan inay tahay mid "ka soo horjeedda Trump" iyo "xagjir".
VOA, oo weli ah idaacad, ayaa la aasaasay dagaalkii labaad ee adduunka, si ay uga hortagto dacaayadaha Naasiyiinta, waxayna noqotay idaacad caalami ah oo weyn.
Go'aanka ayaa lagu xusay in jaritaanka deeqaha awgeed, "VOA aysan tabin wararka markii ugu horreysay muddo 80 sano ah".
Garsoore Royce Lamberth ayaa sheegay in maamulku u dhaqmay "iyada oo aan la eegin waxyeellada loo geystay shaqaalaha, qandaraasleyaasha, saxafiyiinta, iyo macaamiisha warbaahinta adduunka oo dhan".
Wuxuu amar ku bixiyay in maamulka uu qaado tallaabooyin lagu soo celinayo shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha shaqooyinkii ay hayeen ka hor amarka fulinta, iyo in sidaas oo kale loo sameeyo Radio Free Asia iyo Shabakadaha Warbaahinta Bariga Dhexe.
Garsooruhu wuxuu ogaaday in maamulku uu sidoo kale ku xad-gudbay Xeerka Warbaahinta Caalamiga ah iyo awoodda Kongareeska ee maalgelinta habboon.
"Aniga iyo asxaabteyda waan uga mahadcelineynaa xukunkan. Laakiin waxaan ognahay in tani ay tahay tallaabo yar oo horay loo qaaday, maaddaama ay dowladdu u badan tahay inay racfaan ka qaadato," ayuu yiri Patsy Widakuswara, madaxa xafiiska Aqalka Cad ee VOA, isla markaana hormuud u ah dacwadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaa naga go'an inaan sii wadno dagaalka ka dhanka ah waxa aan aaminsannahay inay tahay aamusiinta sharci-darrada ah ee maamulka ee VOA ilaa aan ku laabanno waajibaadkeenna Kongareeska: inaan u sheegno sheekooyinka Mareykanka si xaqiiqo ah, dheellitiran, oo dhammeystiran," ayay tiri.
Trump ayaa muddo dheer ku dhaleeceeyay VOA-da inay qayb ka tahay weerarradiisa ballaaran ee ka dhanka ah warbaahinta, isagoo inta badan ku eedeeyay warbaahinta guud inay eex sameeyaan.
Markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo, wuxuu u magacaabay saaxiib siyaasadeed, Kari Lake, inuu maamulo VOA. Lake ayaa hore u taageeray sheegashadii beenta ahayd ee Trump ee ahayd in doorashada 2020 isaga looga shubtay.
Bishii Maarso, Trump wuxuu ku amray Wakaaladda Mareykanka ee Warbaahinta Caalamiga ah (USAGM), oo maamusha VOA-da oo maalgelisa xarumaha sida Radio Free Europe iyo Radio Free Asia, in "laga takhaluso illaa xadka ugu badan ee waafaqsan sharciga lagu dabaqi karo".
Garsoore kale oo ku sugan New York ayaa si ku meel-gaar ah u hor istaagay amarka fulinta ka dib markii saxafiyiinta, kooxaha u dooda iyo ururrada ay dacweeyeen, iyagoo ku dooday in tallabadaasi ay tahay sharci-darro.
Xaakim Lamberth oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in maamulka Trump aanu awood u lahayn in uu xiro Idaacadda VOA, oo uu Kongareesku maalgeliyo, isla markaana awood-sharciyeed u leh in ay faafiso warar sugan oo caalami ah.
"Way adagtahay in la fahmo muujinta toosan ee ficillada gardarrada ah iyo ficillada xun marka loo eego falalka eedeysaneyaasha halkan," ayuu qoray.
USAGM iyo Aqalka Cad isla markiiba kama aysan jawaabin codsi ah inay ka falceliyaan.













