Tubaakadu ma faa'iido caafimaad ayay leedahay?

tubaako

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa la sheegaa in tubaakadu ay sanad walba dunida ku disho siddeed milyan oo qof, balse maxaad u malayn haddii laguu sheego in dawo ahaan loo isticmaali karo?

Waagii hore, caleemaha waxaa loo isticmaali jiray daawo ahaan. Laakiin hadda, iyada oo ay ugu wacan tahay horumarka tignoolajiyadda, caleemaha tubaakadu waxay noqon karaan shay dawo oo caalami ah mustaqbalka.

Caleenta tubaakada waxaa markii ugu horraysay keenay qaaradda Ameerika gumaystayaashii reer Yurub qarnigii 16aad. Waqtigaas, dadku waxay u isticmaali jireen arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan daaweynta madax-xanuunka, hargabka, calool-xanuun, iyo xitaa dhaawacyo.

Yurub, waxaa kale oo waqtigaas dawo ahaan loogu isticmaali jiray xanuunno badan.

Mid ka mid ah isticmaalkeedii aan caadiga ahayn ee qarnigii 18-aad ayaa ahaa in la siiyo qof qarka u saaran inuu qarqoomo.

London, caleemaha tubaakada ayaa la dhigaa daanta webiyada. Haddii qofku uur yeesho, waxaa la siiyaa tubaako. Qiiqa caleemaha ka soo baxaa waxa uu qofka ku keenaa xanuun.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto caddayn dhammaystiran oo muujinaysa in tubaakadu ay dawo tahay.

Isbeddelka urta dabiiciga ah

Tubaako

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan daawooyinka casriga ah waxaa laga soo saaraa dhirta, sida Taxol, oo loo isticmaalo daaweynta kansarka ama burooyinka.

Dhirta waxaa loo beddeli karaa hidde ahaan si loogu daro daawo iyaga.

Sannadkii 2012, shirkad dawooyinka oo Canada fadhigeedu yahay, laguna magacaabo Medicago, ayaa muujisay khibraddeeda iyadoo isticmaalaysa caleemaha tubaakada si ay u soo saarto 10 milyan oo tallaal oo hargab ah hal bil gudaheed.

Laakiin marka la eego in aan hadda soo saari karno 40 milyan oo tallaal bil gudaheed, tani ma ahan isbeddel yar.

Faa'iidooyinka ay leedahay awgeed, tubaakada waxaa loo isticmaali karaa diyaarinta daawooyinka.

Tubaako

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jira daraasado badan oo socda si loo arko haddii ay jiraan siyaabo loo isticmaalo dhirtan si loogu soo saaro daawada HIV-AIDS, ama xitaa Ebola.

Cudurradan ayaa aad ugu badan dalalka saboolka ah, halkaasoo tubaakada laga beero.

Tubaakada waxaa loo isticmaalaa samaynta dawooyinka kansarka. Daawadu waxay ka caawisaa unugyada difaaca jirka inay la dagaallamaan cudurka.

Waxaa lagu qiyaasaa in dadka sigaarka caba ay yihiin 15 boqolkiiba dadka adduunka, badankooduna waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.

Ragga sigaarka caba ayaa shan jeer ka badan dumarka, waxaana lagu qiyaasaa in siddeed milyan oo qof ay dhintaan sannad kasta, iyadoo sigaarku lala xiriirinayo 600 oo ka mid ah dhimashadaas.

Taabuuga iyo tubaakada maxay ku kala duwan yihiin?

Taabuuga waa nooc ka mid ah tubaakada aan qaaca lahayn, waxaa loo yaqaannaa Chewing Tobacco (tubaakada la calaliyo), ama Snustobbacco iyo Smokelles tobacco.

Tubaakada la calaajiyo waa mid caan ah oo ka mid ah kuwa aan qiiqa lahayn, wuxuuna isticmaalkeedu ku badan yahay bulshooyinka qaaradda Aasiya.

Waa tubaako afka la gashto laakiin tubaakada caadiga ah ayaa wuxuu uga duwan yahay muuqaalka iyo dhadhanka, wuxuuna ku jiraa bac sijil ah, wuxuu shabbahaa nacnaca, wuuna ka jaban yahay tubaakada ama sigaarka, waxaa sahlan in qof walba uu iibsado.

Alaabo badan oo tubaakadu ay ku jirto laguma sheego oo lama qeexo inay ku jirto.

Dadka ayaa laga yaabaa inay cunaan waxyaabo aysan waxba ka ogeyn.

Taabuu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalal Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa muddooyinkii dambe ay dhalinyaradu aad ugu isticmaalayeen taabuuga, balse laguma beero wuxuuse uga yimaadaa dalal kale.

Dalalka uu berigii hore ka imaan jiray waxaa ka mid ah Kenya, oo la soo raacin jiray diyaaradaha khaadka, balse wuxuu sheegay in haatan si toos ah looga keeno dalka Hindiya, isaga ka soo gala dekadaha waaweyn ee uu leeyahy dalka.

Meesha ugu badan ee uu ka soo dego taabuuga ayaa ah dekadda Muqdisho, marka Soomaaliya la eegana, halka ugu badan ee laga isticmaalo waa magaalada Muqdisho.

Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo taabuuga.