Saddexdii daqiiqo qof ayaa ku dhinta wadooyinka Hindiya

shilalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waddooyinka Hindiya waa kuwa ugu dhimashada badan. Subax kasta, wargeysyada Hindiya waxaa ku qoran warbixino ka hadlaya shilalka wadooyinka, basas ka dhacay buuro, darawaliin saqraansan oo jiiray dad jidka socday, gawaari iyagoo taagan kuwa kale ku dhaceen iyo mooto gaari weyn uu ku dhacay.

Waxaas oo dhan waa musiibooyinka maalin kasta dhaca. 2023-kii oo kaliya waxaa wadooyinka Hindiya ku dhintay dad ka badan 172-kun. Celcelis ahaan taasi waxay u dhigantaa 475 qof in ay maalintii dhimato ama in saddexdii daqiiqo uu qof dhinto.

Inkastoo shilalka rasmiga ee 2023-kii aan weli la soo saarin, hadana wasiirka gaadiidka waxa uu sheegay in xogta ay tahay mid sawir xun bixineysa.

Sanadkaas dadka dhinatay waxaa ku jiray 10kun oo carruur ah halka 35kun ay yihiin dad jidka lugeynayay. Gaadiidka labada lug leh dad ayaa ku dhintay. Xawaaraha sare ee lagu kaxeynayo gawaarida ayaa ah waxa sababa shilalka.

Dad gaaraya 54,000 ayaa u dhintay in aysan xirneyn koofiyadaha difaaca ee helmatka loo yaqaan halka 16-kun ay u dhinteen suunka gaariga oo aysan xiran darteed.

Waxyaabaha kale ee sababa geerida wadooyinka waxaa ka mid ah darawalo aan sharciga wadida gawaarida haysan taas oo keentay geerida 12kun. Dhinaca qaldan wadada oo gaadiidka lagu wado iyadana waxay keentay dhimasho badan.

Boqolkiiba 13 shilalka dhacay sanadkii 2021-kii waxaa galay darawalo gawaarida baranayay ama kuwa aan sharci u haysan wadidada. Gawaari badan oo jidka socda waa kuwa duqoobay ama aan laheyn waxybaahaha aasaasiga u ah badqabka gariga sida suunka.

Waxaa jira gawaari, basas iyo mootooyin kuwaas oo is isku ciririya labo gaari dhexdooda, qaarna waxay maraan meelo aan loogu talogelin.

Wadooyinka Hindiya waxay ku jiraan kuwa ugu xun dhanka amniga adduunka. Khubaradu waxay sheegayaan in tani ay tahay dhibaato aan ku ekeyn kaabayaasha ee sidoo kale ay tahay mid ka timid khalad aadane. Shilalka wadooyinka waxay leeyihiin culeys dhaqaale oo weyn. 3 boqolkiiba waxsoosaarka dalka ayaa ku baxa.

shilalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hindiya waa dalka labaad ee adduunka ugu wadooyinka badan, waxay ku xigaan Mareykanka. Wadooyinka waa weyn 5% ayey shabakada jidadka dalka ka yihiin. Gawaarida dalka ka diwaangashan waxaa lugu qiyaasaa 350 milyan.

Wasiirka gaadiidka waxa uu sheegay in ixtiraam iyo cabsi la'aan ay tahay sababta shilal badan u dhacaan.

"Sababo badan ayaa keena shilalka balse tan ugu weyn waa dhaqan bani'aadan" ayuu yiri wasiirka.

Naqshadaha wadooyinka oo liita iyo sida loo maamulo dhismaha ayaa ka mid ah waxybaaha kale ee keena shilalka wadooyinka.

Ilaa iyo 2019-kii waxay wasaarada gaadiidka sheegtay in laga helay 59 ciladooda wadooyinka waa weyn ee dalka sidaasina waxaa baarlamaanka u sheegay wasiirka.

TRIPP oo ah machadka gaadiidka iyo ka hortaga dhaawacyada ayaa sanado kurmeerayay wadooyinka, waxayna sheegeen in cilado badan ay leeyihiin wadooyinka Hindiya.

Qalabka la dhigo marka shilka dhaco oo ujeedku yahay in gawaarida kale looga digo ayaa meelo badan la raacin.

Inkastoo si cad loogu sheegay dadka hadana waxa dhulka ka socda waa sheeko kale. Ciladahaas waxay keenayaan in gaari ama bas uu gadoomo halkii uu si badqab leh u istaagi lahaa.

shilalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaa jira qalab lagu kala qeybiyo wadooyinka kuwaas oo loogu talogalay in lagu kala sooco socodka gaadiidka labada jiho u kala socda. Qalabkaas waa in aysan ka dheeraan 10 sentiimitir balse waxaa baarista lagu ogaaday in ay ka dheer yihiin.

Marka gaari xawaare sare ku socda lugtiisa ay ku dhinacdo kala barayaasha waxay abuureysaa kuleylka keena in taayarka qarxo ama in gaariga gadoomo taas oo horseedeysa shil halis ah.

Dad badan ayaa dhex istaaga inta yar ee kala barta jidadka gawaarida xawaaraha sare ku socda maraan taasna waxay keeneysaa shil.

Wasiirka gaadiidka Gadkari, wuxuu dhawaan ku dhawaaqay qorshe aad u weyn kaas oo kor loogu qaadayo 25kun oo kilomitir wado cabirkeedu gaarayo oo labo dhinac ah oo dhiniciiba afar gaari ay mareyso.

Khubaro uu ka mid yahay Kavi Bhalla oo ka tirsan jaamacada Chicago ayaa shaki ka muujiyay. Mr Bhalla oo ka shaqeeyay badqabka wadooyinka dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa meel dhexaadka yahay ayaa sheegay in naqshada wadooyinka Hindiya ay tahay kuwa laga minguuriyay noocyada reer galbeedka iyagoo meesha ka saaray baahida gaarka ee gaadiidka dalkaas.

shilalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Arrinta ugu weyn waa in wadooyinka cusub ee Hindiya ay yihiin koobiga naqshadaha Mareykanka iyo Yurub, kuwaas oo sida loogu socdo ay ka duwan tahay kuwooda. Hindiya waxay isku dayeysaa in ay dhisato wadooyin la mid ah kuwa Mareykanka mana maalgelineyso sida Mareykanka" ayuu yiri Mr Bhalla

Inta badan dhaqaaleyahanada waxay isku raaceen in Hindiya dhisato wadooyin badan ay muhiim u tahay kobaceeda balse waa in ay ahaadaan kuwa shaqeynaya oo mudnaan siinaya nolosha dadka lugeeya iyo baaskiilada.

"Sida kaliya ee lagu baran karo in la dhiso wadooyin waa in joogto loo qiimeeyaa hadii ay badqabka kor u qaadeen iyo in kale, hadii aysan waxba ka tarin waa in wax laga badalaa oo dib hadana loo qiimeeyaa" ayuu yiri Mr Bhalla. Hadii aysan taasi dhicin wadooyinka waxay noqonayaan kuwa fidsan oo gawaarida xawaare sare ay ku socdaan, dadkuna way dhimanayaan.