Wax ka ogow Cali Tabliiq iyo Xildhibaanadii kale ee Puntland ee ku geeriyooday shilalka gaari

Cali, wuxuu ka mid ahaa mudanayaasha sanadkan 2024 soo galay barlamaanka isagoo matalaya gobolka Sanaag- Hayland.

Xigashada Sawirka, Xoghayaha guud ee Barlamaanka Puntland

Qoraalka sawirka, Cali, wuxuu ka mid ahaa mudanayaasha sanadkan 2024 soo galay barlamaanka isagoo matalaya gobolka Sanaag- Hayland.

Allaha u raxmadee xildhibaan Cali Axmed Maxamuud ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Qardho iyo Garooowe habeenimadii Axada sida uu BBCda u xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Shilka ayaa yimi ka dib markii ay isku dhaceen gaari uu saarnaa Marxuun Cali Axmed iyo gaari kale oo ah nooca xamuulka qaada ah.

Cali, wuxuu ka mid ahaa mudanayaasha sanadkan 2024 soo galay barlamaanka isagoo matalaya gobolka Sanaag- Hayland.

Wuxuu ugu danbeeyey Cali, tiro xildhibaano kale oo hore golaha ugu tirsanaa oo ku geeriyooday shilal gaari oo ka dhacay deegaanada Puntland.

Marxuumka ayaan wali la aasin balse waxaa la filayaa in galinka danbe ee maanta lagu aaso Garoowe sida uu BBC-da u sheegay Cabdirisaaq Xiddig xoghayaha guud ee barlamaanka Puntland.

Cali Axmed Saalax- Dhahar

Marxuun Cali Dhahar

Xigashada Sawirka, Barlamaanka Puntland

Allaha u raxmadee Cali Axmed Saalax oo ku caan ahaa Cali dhahar, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Midigar sanadkii 2021-kii.

Cali Dhahar ayaa xilligaas doonayey inuu gaaro tacsida hooyadiisa oo iyadu isla xilliyadaas ku geeriyootay magaalada Baran ee gobolka Sanaag.

Wuxuu muddo ka badan 20 sano ka soo shaqayeeyey baarlamaanka Puntland, isagoo shaqaale, maamul, xoghayaha guud ee golaha ilaa Xildhibaan ka noqday golaha wakiilada ee Puntland tan iyo sanadkii 1998-dii.

Cali Axmed, wuxuu sidoo kale ka mid noqday murashaxiintii u tartamayey gudoomiyaha barlamaanka Puntland. Golaha wakiilada ayaa looga yaqaanay khabiir ku xeeldheeraa howlaha barlamaanka.

Wuxuu uu xilka xildhibaanada ku matalayey barlamaamka gobolka Sanaag.

Maxamed Faarax Mire

Golaha wakiilada Puntland, ayuu ku matalayey gobolka Bari.

Xigashada Sawirka, Barlamaanka Puntland

Qoraalka sawirka, Golaha wakiilada Puntland, ayuu ku matalayey gobolka Bari.

Allaha u raxmadee Maxamed Faarax Mire, ayaa ku geeriyooday shil gaaro oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Bosaaso iyo Garoowe sanadkii 2019-kii.

Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii muddo xileedkii barlamaanka ee 2019-kii soo galay golahaas basle wuxuu geeriyooday isagoo muddo kooban ka mid ahaa barlamaanka.

Golaha wakiilada Puntland, ayuu ku matalayey gobolka Bari.

Bashiir Cabdicasiis Cumar

Rabi ha u naxariistee Bashiir Cabdicasiis Cumar, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanada gobolka Nugaal sanadkii 2011-kii.

Bashiir ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sanadkii 2009-kii soo galay barlamaanka, wuxuuna ku matalay gobolka Nugaal.

Qaasim Yuusuf Ismaaciil

Allaha u naxariistee, Qaasim Yuusuf Ismaaciil , wuxuu sanadkii 2011-kii ku geeriyooday shil gaari.

Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii golaha wakiilada ee Puntland soo galay sanadkii 2009-kii .

Wuxuu golohaas ku matalyey gobolka Bari.

Jaamac Xasan Kaarshe

Allaha u naxariistee Jaamac Xasan Kaarshe, waxa uu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Garoowe sanadkii 2007-dii.

Jaamac, waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka Puntland ee sanadkii 1998-dii isagoo ku matalayey gobolka Sool-Cayn.

golaha wakiilada Puntland

Xigashada Sawirka, Barlamaanka Puntland

Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Puntland

Inta ugu badan xogtan waxaan ka soo xiganay xogahayaha guud ee golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame oo BBC-da la hadlay.

Shilalka gawaarida ee Puntland sanadkii 2023-kii

shilalka Gawaarida

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Xog ay soo saartay sanadkii 2023-kii, haya’adda nabadgalyada wadooyinka Puntland ayay ku sheegtay in shilalka baabuurta ee ka dhacay deeganadaasi ay noqdeen kuwo hoos u dhacay marka loo eego sanadkii ka sii horeeyey.

Xog ay soo saartay sanadkii 2023-kii, haya’adda nabadgalyada wadooyinka Puntland ayay ku sheegtay in shilalka baabuurta ee ka dhacay deeganadaasi ay noqdeen kuwo hoos u dhacay marka loo eego sanadkii ka sii horeeyey.

Taliska guud ee nabad galyada waddooyinka Puntland, ayaa sheegay in 54 qof ay ku geeriyoodeen, 800 oo qof ay ku dhaawacmeen shilalkii gaadiid ee ka dhacay degaanada Puntland sanadkii 2023-dii.

Taliyaha nabad galyada waddoyinka Puntland, G/sare Fataax Siciid Sulayman (Afrikaan), ayaa horraan BBC-da u sheegay in tirada shilalka la diiwaan galiyay ay yihiin 17,011 shil, kuwaas oo uu sheegay inay ku burbureen in ka badan 800 oo gaadiid, oo 500 kamid ah ay yihiin mootooyinka Bajaajta.

Sidoo kale shilalka gaadiidka ee ka dhacay deeganada Puntland, siyaasiyiinta ku dhintay waxaa ka mid ahaa Allaha u raxmadee Cabdicasiis Afguduud oo ka mid ahaa murashixintii madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday bilowgii sanadkan.