Dalka ugu farxadda badan adduunka: Soomaalida ku nool Finland ma dareemaan farxadda lagu sheegay dalkaas?

Xigashada Sawirka, ABDIWELI HASSAN
Finland ayaa sanadkii siddeedaad oo xiriir ah hoggaanka u haysa Liiska Farxadda Adduunka – balse waxa si dhab ah u soo jiita dalxiisayaasha waa qiyamka qoto dheer ee dalka, sida dheellitirka, dabiicadda, iyo qanacsanaanta nolosha maalinlaha ah.
Dadweynaha Finnish-ka ah guud ahaan si daggan ayay u aqbalaan abaalmarinta farxadda sare ee ay heleen, taas oo lagu shaaciyay Warbixinta Farxadda Adduunka ee Qaramada Midoobay bishii Maarso 2025, markii sideedaad oo xiriir ah. Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha dalxiiska ee Finland waxay u dabbaaldegayaan sidii dad badan oo safar doon ah ay ula xiriirinayaan Finland iyo farxad, iyaga oo rajaynaya in ay yimaadaan si ay u dareemaan noocaas gaar ah ee farxadda Finnish-ka.
Si kastaba ha ahaatee, ha filan inaad la kulanto qosol xooggan iyo hadallo farxad leh markaad ka degto garoonka diyaaradaha ee Helsinki ama aad kaga soo degto mid ka mid ah doonyaha Baaltigga dekedda caasimadda.
Waxaa jira wax run ah oo ku saabsan aragtida Finland oo ah dal aan buuq badan lahayn, dhab ah oo miyir leh. Guud ahaan, Finnish-ku way ku farxaan – xitaa waa ay ku faraxsan yihiin – in la maamuuso iyaga oo ku saleysan natiijooyinka warbixinta, balse iyaga oo si xushmad leh u aqbalaya, waxay dareemayaan in "farxad" aysan ahayn erayga ugu habboon. Halkii laga dhihi lahaa "farxad", erayo sida "qanacsanaan" iyo "dhammaystirnaan" ama "raalli ahaansho nolosha" ayaa si ballaaran loogu arkaa kuwo ku habboon.

Xigashada Sawirka, Tim Bird
Sida uu madaxweynihii dhawaan la doortay ee Finland, Alexander Stubb, ku qoray Facebook: "Qofna ma noqon karo mid faraxsan mar walba, mararka qaarkoodna duruufaha ayaa adag. Laakiin marka aasaaska la hagaajiyo – nabadgelyo, xorriyad iyo sinaan – waa bilow wanaagsan."
Laakiin inkastoo fikradda farxadda ee Finland ay tahay mid xeel dheer oo si gaar ah ula xiriirta dhaqanka, haddana si qoto dheer ayay uga mid tahay nolosha maalinlaha ah.
Farxaddaas ma haystaan Soomaalida ku nool Finland?

Xigashada Sawirka, AHMENUUR
Dalkan ku yaalla waqooyiga Yurub ayey ku nool yihiin tiro badan oo Soomaali ah oo sanado iyo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaasi.
Kumannaan Soomaali ah ayaa ku nool magaalooyinka dalkan loo tiriyo inuu dadkiisu ugu farxada badan yihiin dadyowga caalamka,.. Hadaba dadka Soomaalidu ma haystaan farxadaas sideese u arkaan inay ku noolyihiin?
Cabdiweli Xasan Xaashi Wali, oo ah wariye ka tirsan telefishinka Qaranka ee Finland muddo dheerna degganaa dalka Finland ayaa xusay in farxada la sheegayo inay haystaan dadka ku nool dadkaasi uusan isagu haysan ayna kala duwan tahay sida loo haysto iyo sida ay farxadaasi tahay.
"Waa wax fiican y waana wax wanaagsan in dalka an ku noolaa 34 loo magacabay in 8sano isku xigta wadanka ugu faraxada badan adduunka, laakiin farxadu waa kala nooc habka dadku faraxadu u malayno iyo habka laga wado inay kala duwan tahay ayaa moodaa, Finland waxkasta oo ku saabsan qofka noloshiisa waa shaqeeyaan, hadda cafimaad rabto, waxbarshada, ballamaha qofku marku leeyahay si wanagsan ayaa loola dhaqmaa. Faraxada waxaa laga wadaa waxkasta waa shaqaynayaan, wax carqalad ah qofka ka hor imaan kara waa yar yihiin"ayuu yiri Cabdweli Wali.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isagoo si gaara ugu hadlayey farxadda shakhsiga wuxuu sheegay in taasi aysan dadku haysan inta badan.
Waxyaabaha sida gaarka ah loogu suntay in dadka Finland ku haystaan dalkaasi waxaa ka mid ah inay jiraan meelo qurux leh oo dabiici ah oo ay dadku ka helaan farxad marka ay nasiino iyo tamashle u tagaan sida Cabdiweli Xaashi u sheegay BBC-da.
"Aniga laftaydu anigoo Afrikaan ah oo Soomaaliya ka imid, markaan waddankaas joogo meelaha an ku raaxaysto ee aan waqtigayga ku qaato waa meelaha duurka ah oo howdka ah adigoin waxba ka cabsanayn, oo an ka baqayn in lagu dhaco ama lagu dilo, sida dalku u samaysan yahay ayaa ah kuwa shaqaynaya" ayuu yiri Wali.
Mar isagu aan si gaara u waydiinnay su'aal ahayd in isagu haystay farxadda lagu sheegay in dadka dalkaasi haystan ayuu yiri "Maya, farxadda sida aan annaga u naqaano Finland ma taallo".
Wali, oo muddo ka shaqaynayey telefishinka Finland, haddana si gaara ugashaqeeya qaybta Soomaaliga ayaa xusay in marka ay dadka Soomaalida ay waydiiyaan su'aasha ay u sheegaan inay la yaabaan marka ay maqlaan in dalku yahay kan dadkiisu ugu farxada badan adduunka.
Axmed Nuur Cali Maxamed oo isna ah wariye muddo dheer ka shaqaynayey Soomaliya haddase deggan dalka Finland ayaa xusay in marka laga hadlayo farxadda qofka Finishka ah ee la xiriirta hab macaamilka ay tahay mid ka duwan taas.
"Farxadda meesha laga qiimeeyo ayay ku xiran tahay. Haddii laga hadlayo in Finland tahay waddan horumaray dhanka caafimaadka, waxbarashada oo ay aad ugu sarreeyaan, shaqooyinka, maamul-wanaagga iyo waxyaabaaha keena farxadda haddii laga hadlayo Finland way leedahay waa haysataa, laakiin haddii laga hadlayo qofka shakhsiga ma faraxsan yahay waxaan qabaa su'aashu inay dhinaca kale aadayso oo aysan farxad jirin," ayuu BBC-da u sheegay Axmed.
Wuxuu intaa ku daray in qofku inuu faraxasan yahay lagu cabbiro inuu ku salaamo kuu dhoolla-caddeeyo iyo inuu si uun kula falgalo caadiyan dadka Finishka saas maaha.













