Internetka ma farxadda ayuu dadka ka qaadaa?

Tim Burton

Xigashada Sawirka, P.A

Tim Burton oo ah filim sameeye caan ah ayaa shaaca ka qaaday in internetka uu ka qaaday farxadda.

“Qof kasta oo igaranaya wuu ogyahay in aan ahay qof tiknolojiyada ku xiran” ayuu BBC-da u sheegay 66 jirkan filimada maamula. Sidoo kale wuxuu sheegay markasta oo uu internetka galo in uu ka qaado welwel. “

“Cabsi ayaa igasha, waxaan dareemaya sida in aan jid mugdi ah qaaday, marka waxaan isku dayaa in aan ka fogaado sababtoo ah iima fiicna”.

Tim Burton waxaa si weyn loogu yaqaan in uu ahaa ninkii ka dambeeyay filimada Batman, Edward Scissorhands iyo kuwa kale oo badan.

Isagoo ka hadlayay sida uu u isticmaalo tiknolojiyada ayuu sheegay in si dhaqso ah uu ku welwelo, kana badan dadka kale. “Islamarka aan bilaabo in aan isticmaalo internetka waxaan dareemaa sida qof soo dhacayo”.

Filim sameeyahan wuxuu sheegay in mashquulka sida in uu daawada darruuraha ay ka caawiso in uu dareemo fiicnaan. Taalooyin xawaanada Daynasoorka oo dhowr nooc ah ayuu qeybta dambe ee gurigiisa ku haystaa.

Burton waxa uu joojiyay isticmaalka taleefoonkiisa gacanta. Meelaha lagu iibiyo muuqaalada xayawaanada ayuu ka soo iibsadaa si ay ugu galaan halkii uu taleefoonka ka isticmaali lahaa. Sidoo kale wuxuu sheegay in jilaaga caanka ee la yiraah Nicolas Cage uu haysto xayawaanka Danasoorka oo nool.

Tim Burton

Tim Burton waxa uu ku dhashay meel u dhow Los Angles balse waxa uu 20-kii sano ee la soo dhaafay ku noolaa magaalada London.

“Wadankeyga ayaan ku noqday sida shisheeye” ayuu BBC-da u sheegay. “Markii aan London imid anigoo Ajnabi ah waxaan dareemay sida in ay dalkeyga tahay. Halkan waa meel aan ku dareemay deganaasho”.

Markii uu yaraa Burton waxaa uu fakarkiisa ku sharaxi jiray farshaxanka, wuxuuna ku koray daawashada aflaanta argagaxa leh iyo kuwa bahalada taas oo dhalisay jaceylka uu u qabo waxyaabahaas.

Tim wuxuu sheegay in aflaanta sida King Kong iyo Frankenstein ay ahaayeen kuwa dareenkiisa qaata. Wuxuu dareemay in cabsida dhabta ah aysan ka imaaneyn bahalada balse ay ka imaaneyso dadka tuulooyinka ku nool.

Wuxuu bahalada barbardhigay internetka isagoo sheegay in kooxo aan wajigooda la aqoon ay ku gelinayaan cabsidaas. Wuxuu aaminsan yahay in xayawaanka sida daanyeerada ay inta badan ka naxariis badan yihiin bani’aadanka.

Tim Burton

Tim Burton waxa uu ka hadlay cabsida uu ka qabo garaadka macmalka AI, gaar ahaan marka AI-da loo isticmaalo in laga dhigo sida dadka.

Wuxuu ku tilmamay taas in ay la mid tahay muuqaalka qofka oo la xado. Isaga wuxuu sheegay in ay uga dhigan tahay in wax uu shaqsiyan u lahaa laga qaatay sida in hal abuurkiisa la qaato.

Wuxuu ku soo gabogabeeyay in hadda uu qabo dareen ah in waxyaabaha asaasiga u ah hal abuurkiisa la qaatay.

Waa dhammaadka Batman iyo xirfadda Burton

Burton waxa uu ku bilaabay shaqada filimada Disney ka hor inta uusan sameyn filimka Batman ee soo abxay 1989-kii iyo Batman Returns oo soo baxay 1992-dii. Wax weyn ayuu ku soo kordhiyay filimada muuqaalada laga sameeyo.

Mar la weydiiyay hadii uu sameynayo filim kale, wuxuu ku jawaabay si dhaqso leh maya. Wuxuuna sheegay in cadaadisa lagala kulmayo filim sameynta waqtiga hadda la joogo in ay ka duwan yahay sidii hore

TIM BURTON

Xigashada Sawirka, TIM BURTON

Burton waxa uu diiday erayga “Burton-shi” oo ah eray lagu tilmaamo guushiisa. Inkastoo eraygaas uu caan ku yahay in lagu tilmaamo waxqabadkiisa hadana isaga ma jecla.

“Marna ma jeclaan ayuu yiri, ma doonayo in aan sheey noqdo”. Wuxuu sheegay in noloshiisa oo dhan uu ka shaqeynayay in uu sida bani’aadanka noqdo.