Maxaa lagu ogaaday cilmi-baarista lagu sameeyay dadka waqtiga dheer ku ciyaara moobeellada iyo shaashadaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad lagu sameeyay 39,000 oo qof oo ka mid ah dadka telefoonnada iyo shaashadaha ku ciyaara noocyada ciyaaraha ee muuqaalka ah ayaa lagu ogaaday "in ay yar tahay caddaynta loo hayo" in waqtiga lagu bixiyo ciyaarahaas uu saamayn ku leeyahay reynreynta qofka.
Inta ay socotay cilmi-baaristan, ciyaartoga caadiga ah ayaa celcelis ahaan 10 saacadood ku ciyaarayay muuqaallada loo yaqaanno "Video Game" maalin walba, taasoo ka badan waqtiga caadiga ah, si loo ogaado inuu wax isbeddel ah jiro.
Waxaa la ogaaday in sababta uu qofku u ciyaarayo ay u badan tahay inay tahay waxa saamaynayay xaaladdiisa.
Isbeddelka fiyoobida qofka ayaa lagu cabbirayay su'aalo la weydiinayay dadka daraasadda ka qayb galay, oo ku saabsan ku qanacsanaanta nolosha iyo heerarka dareenka qalbiga, sida farxadda, murugada, xanaaqa iyo isku-buuqsanaanta.
Natiijadan ayaa ka hor imaanaysa daraasad kale oo la soo saaray sanadkii 2020-kii.
Daraasaddaas oo ay sameysay koox ka socotay waaxda arrimaha internet-ka ee Jaamacadda Oxford - balse ay ka qayb galeen dad aad uga yar tirada ciyaartoyda hadda loo kuurgalay- ayaa 2020-kii lagu sheegay in dadka waqtiga dheer ku ciyaara telefoonka iyo shaashadaha ay ka farxad badan yihiin dadka kale.
"Caqliga guud waxa uu kuu sheegayaa in haddii aad haysato waqti dheeraad ah oo aad ku ciyaarto shaashad aad tahay qof faraxsan," ayuu yiri Andrew Przybylski, oo ka shaqeeyay labada daraasadoodba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Balse waxay ka hor imaanaysaa fikradda laga yaabo inaan ka haysanno ciyaaraha muuqaalka oo ah inay noo wanaagsan yihiin ama noo xun yihiin caafimaad ahaan.
"Waxaan ku ogaannay cilmi-baaristan ugu dambaysay in waqtiga aad ku bixiso ciyaarta uusan saamayn ku lahayn isbeddelka xaaladdaada caafimaad.
"Haddii ciyaartoydu sababta ay u u ciyaarayeen ay ahayd rabitaan iyaga ka yimid, oo aan ahayn in iyagoon isgaranayn ay iska galeen, waa mid ay ku khasbanaayeen, ujeeddadooduna ay ahayd inay xaalad fiican ku dareemaan."
Markan, shirkadaha teknoolojiyada, oo ay ku jiraan Sony, Microsoft iyo Nintendo ayaa daraasadda ugu deeqay xogta ay aruurinayeen saddex isbuuc - iyadoo dadka ciyaarayayna ay raalli ka ahaayeen.
Xogtaas waxaa laga diyaariyay dadka isbuucyadaas ku ciyaarayay muuqaallada kala ah:
- Animal Crossing: New Horizons
- Apex Legends
- Eve Online
- Forza Horizon 4
- Gran Turismo Sport
- The Crew 2

Xigashada Sawirka, RESPAWN ENTERTAINMENT
Muddadaas gudaheeda, hal ciyaartoy oo keliya ayaa ka haray daraasadda - oo markii dambe natiijadeeda lagu daabacay majalladda arrimaha seyniska ee "Royal Society Open Science journal".
Caafimaadka dhimirka
Dalka Shiinaha, carruurta ayaa loo oggolaaday in ay ciyaaraan maalintiiba hal saac oo keliya, gaar ahaan maalmaha Jimcada, Sabtida iyo Axadda.
Balse, dad badan oo ciyaara oo dunida ku kala nool ayaa sheegay in muuqaallada lagu ciyaaro telefoonnada iyo shaashada ay u fiican yihiin caafimaadkooda dhanka dhimirka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mike Dailly, oo sameeyay labada ciyaar ee kala ah Lemmings iyo Grand Theft Auto, ayaa sheegay in faa'iidooyinku ay kala duwan yihiin.
"Ma hubo in ay jirto arrin lagu cabbiray in xaaladda qofka ay fiicnaanayso," ayuu yiri.
"Sida wax walba oo kale, waa mid isku dheellitiran oo dhan walba leh.
Haddii aad 24 saacadood ciyaarta ku jirto ma aha wax fiican - balse haddii aad 24 saac maalintii ku bixisid raashin cunid iyo jimicsi, iyadana ma aha wax fiican."












