Ciyaaraha Online-ka: Wiil la qabsaday ciyaarta PUBG oo hooyadiis intuu dilay meydkeeda xaraystay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wiil 16 jir ah oo ka mid ah dhallinyarada la qabsaday ciyaarta Online-ka ee PUBG ayaa toogasho ku dilay hooyadiis kaddib markii ay ka hor istaagtay ciyaartaas.
Musiibadan ayaa ka dhacday deegaanka Yamunapuram oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hndiya, taas oo hoos tagta saldhigga booliska ee Lucknow.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee PTI, taliyaha booliska, Qasim Abidi, oo dhacdadan faahfaahin ka bixinayay ayaa yiri: "Haweeneydu waxay la noolayd labo carruur ah oo ay dhashay. Ninkeeda waa askari darajo hoose ah oo ka tirsan booliska, haddana waxa uu ka howl galaa gobolka West Bengal."
Taliyaha ayaa sheegay in "wiilka oo 16 jir ah uu qabatimay ciyaarta PUBG" oo ah mid ay aad u jecel yihiin dhallinyarada ku nool meelo badan oo ka mid ah caalamka.
"Hooyadiis ayuu ku dilay rasaas uu ka riday bastoolad sharciyeysan oo uu leeyahay aabihiis. Wiilku waxa uu falkan sameeyay habeenkii ay Sabtidu sii baxaysay, Axadduna soo galaysay," ayuu yiri.
Bastooladda dilka loo adeegsaday ayay boolisku gacanta ku shigeen, sida uu taliyaha sheegay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale booliska ayaa soo bixiyay medka haweeneyda oo la arkay maalintii Talaadada, iyagoo usii gudbiyay kooxda baaritaanka. Wiilka dilka hooyadiis gaystay ayaa isagana ku jira gacanta ciidanka amaanka.
Meydka waxa uu xareysnaa labo maalmood
Wakaaladda Wararka ee PTI ayaa booliska kasoo xigatay in wiilka yar uu maydka hooyadiis ku xareeyay qol gurigooda ka mid ah kaddibna ku qufulay.
Gabar sagaal jir ah oo la dhalatay wiilka dilay hooyadiis ayaa goob joog ahayd markii ay toogashadu dhacaysay.
Laakiin waxa uu walaashiis ka dalbaday in aysan sheegin waxa dhacay haddi kale ay xaaladdu sidaas kasii xumaan doonto.
Xogta ay Wakaaladdu baahisay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wiilkan uu qolka u isticmaalayay carfiso si uu uga baabi'iyo urka meydka kasoo baxayay.
Taliye Abidi ayaa yiri: "Maalintii Talaadada, markii uu meydka bilaabay inuu uro, gabadha yar ayaa aabeheed ku wargelisay dhacdada. Aabihii ayaa lasoo xiriiray deriska, islamarkiina dariska waxay u yeereen booliska."
Sida uu sharraxay Mr Abidi, cunugga ayaa markii hore isku dayay inuu gudbiyo xog been abuur ah oo ku saabsan sida ay ku geeriyootay hooyadiis. Waxa uu sheegay in falkan uu gaystay nin korontada ka shaqeeya oo dhowr jeer yimid gurigooda.
Balse markii la qabtay ninkii farsamayaqaanka korontada ahaa, waxaa caddaatay in sheegashadaas ay been ahayd. Wiilka ayaana ugu dambayn qirtay falka, sharraxaadna ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hindiya ayaa horay looga mamnuucay ciyaartan PUBG, balse dhallinyarada ayaa ilaa hadda aan ka harin, iyagoo waddooyin kale u mara si ay u ciyaaraan.
Dhacdooyin naxdin leh oo ku saabsan PUBG ayaa horay loo soo tebiyay.
Horaantii sanadkan ayay Booliska magaalada Lahore ee dalka Pakistan shaaciyeen in wiil dhallinyaro ah uu laayay qoyskiisa kaddib markii uu la qabsaday ciyaarista Game-ka ay dhallinyaradu aad u xiiseeyaan ee loo yaqaanno PubG.
Wiilkaas oo 18 jir ahaa ayaa dilay hooyadiis, walaalkiis iyo saddex gabdhood oo la dhashay.
Falkan naxdinta leh ayuu u adeegsaday bastoolad ay hooyadiis lahayd oo guriga u taallay.
Arrinta layaabka kasii dhigtay dhacdada argagaxa leh waxay ahayd in markii uu wiilkan qoyskiisa laayay uu seexday dhulka, isagoo u dhaqmay sida marka ciyaarta lagu jiro ee kuwa kaasoo horjeeda la laayo loo seexdo, si uu qofka u gabbado.
Waxaa la aaminsan yahay in xasuuqa uu wiilka u geystay qoyskiisa uu dhacay 19-kii bishii January.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii August ee sanadkii 2020-kii, wiil 16 jir ah ayaa isku dilay isla magaalada Lahore, kaddib markii ay qoyskiisa ka joojiyeen ciyaarista PubG.
PubG oo ah ciyaar muuqaal ah oo aad u xamaasad badan ayaa sannadihii dambe aad loo ciyaarayay, waxaana sanad walba soo baxayay qayb la sii hormariyay.











