Eritrea oo dhoollatuskii milatari ee Itoobiya dhawaan soo bandhigtay ku tilmaantay "daandaansi"

Xigashada Sawirka, Yemane G. Meskel/Twitter
Eritrea ayaa cambaareysey dhoollatus milatari oo dhowaan ay Itoobiya ku qabatay magaalada Hawassa, iyadoo ku tilmaantay "daandaansi."
Dhoollatuska milatari ayaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayey sannad-guurada 65-aad ee aas-aaska Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidamada Difaaca Itoobiya.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayey munaasibadda ayaa sheegay in la dhisay ciidan si gaar ah loo tababaray oo ka difaaci kara gobolka iyo dalalka deriska ah argagixisada.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G/Meskel, ayaa dhaleeceeyay dhoollatuska militari iyo hadallada ka soo yeeray Ra'iisul Wasaare Abiy oo uu ku tilmaamay "mid naceyb ku dheehan yahay islamarkaana ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalalka deriska ah".
Yemane oo qoraal ku daabacay bartiisa X, ayaa ku eedeeyay xisbiga talada Itoobiya haya in uu ku hawlan yahay "faragelin iyo xasilooni darro halis ku ah xasilloonida gobolka," xilli sida uu sheegay uu raadinayo taageero dhaqaale oo ka timaadda hay'adda lacagta ee IMF iyo hay'ado kale.
Wasiirka Warfaafinta Eritreeya oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in tillaabadani ka dhigan tahay "bandhig kale oo lagu doonayo dagaal, laguna muujinayo awood dhalanteed ah."
Hadallada Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo dhoollatuska milatari labaduba waxay ku soo beegmeen xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in labada dal ay qarka u saaran yihiin iska-hor-imaad haddii xaaladdu sidan ku sii socoto.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in la tababaray ciidan sida uu sheegay awood u leh ilaalinta amniga goobo ka baxsan xuduudaha dalkiisa, isagoo tixraacaya laba dal oo daris la ah Itoobiya.
"Laga billaabo cirifka Soomaaliya illaa cirifka Massawac, waxaan diyaar u nahay in aan ka taageerno shucuubta walaalaha ah ka-hortagga argagixisada badda iyo in aan hubinno horumar iyo barwaaqo ka hanaqaada gobolka," ayuu yiri.
Massawac waa deked ku taalla Eritrea, waxaana hore saldhig ugu lahaa ciidanka badda Itoobiya, balse Itoobiya way lumisay ka dib madaxbannaanidii Eritrea.
Dhanka kale, heshiis ay billowgii 2024-kii Addis Ababa la gashay Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday Somaliland, si ay u hesho deked ayaa sidoo kale xiisad ka dhex abuuray dalal Soomaaliya iyo Itoobiya.
Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ayaa laftiisa la sheegay in uu jawaab u yahay damaca badeed ee Itoobiya. Wuxuuna Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo BBC-du wax ka weydiisay halkka uu ku dambeeyey doonistii dakadeed ee Itoobiya uu sheegay in illaa hadda wax natiijo ah la gaarin.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in marin badeed la'aantu wiiqeyso horumarka Itoobiya ku taameyso, islamarkaana helitaanka marin badeed uu damaanad u yahay amniga Itoobiya iyo kan gobolka. Laakiin dadka wax falanqeeya ayaa qaba in damacan uu dalalka qaar ula muuqdo "dhul ballaarsi."
Ra'iisul Wasaaraha ayaa fariin uu ku qoray af-Carabi ugu diray hambalyo bisha Ramadaan, isagoo sheegay: "Itoobiya maanta waxay ku hawlan tahay sidii ay saboolnimada uga saari lahayd in ka badan 130 milyan oo qof."
Itoobiya ayaa noqotay dal aan lahayn deked ka dib madaxbannaanidii Eritrea ee sannadkii 1993. Laakiin Maamulka Abiy ayaa dhawaanahan aad u danaynayey sidii ay dib ugu heli lahaayeen dekedda Casab ee Eritrea, taas oo horay halbowle ugu ahayd wax dhoofinta Itoobiya.
Ra'isul Wasaare Abiy ayaa marar badan ku dooday in dekedda Casab ay markii horeba gacanta Itoobiya ay uga baxday si khalad ah, islamarkaana ay dekeddaas xaq u leeyihiin "taariikh ahaan iyo sharci ahaanba". Sheegashadaasina waxay ka careysiisay Eritrea oo u aragta faragelin ku aadden madaxbannaanideeda.
Si kastaba ha ahaatee hadalka dhawaan ka soo yeeray Ra'iisul Wasaare Abiy ee ku aadden in ay sugayaan Afrika oo dhan, iyo dib u dhiska ciidan badda oo horay loo kala diray, ayaa dalalka dariska la ah Itoobiya ula muuqda mid welwelkiisa leh.












