Jawaabta Eritrea ay ka bixisay eedeynta iyo digniinta uga timid Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Eriteriya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeymaha ah in ciidamadeeda ay ku sugan yihiin dhulka Itoobiya mid been abuur ah.
Maalintii Axadda ayaa warqad wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya wuxuu u diray dhiggiisa Eritrea, waxaana lagu dalbaday in askarta ay dib u celiyaan.
Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Eritrea "gardarro cad" iyada oo sheegtay in ay si iskaashi leh gacan u siinayso fallaagada Itoobiya ee ka dagaalanta waqooyiga oo ay hub siiso. Jawaabteeda Eritrea waxay ku sheegtay in tani ay qayb ka tahay "olole cadaawadeed oo ka dhan ah Eritrea in ka badan laba sano".
Waxaa muddo dheer soo jiray xiisad u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea oo ka go'day Itoobiya soddon sano ka hor, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhaco.
Waddamadan ayuu dagaal xuduudeed dhexmaray intii u dhaxaysay 1998-2000 kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100,000 oo qof. Heshiis nabadeed waligiis si buuxda looma hirgelin, waxaana xiriirku fududaaday ka dib markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo markii dambe ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, uu u safray caasimadda Eritrea ee Asmara, 2018.
Labaduba waxay xulafo ka ahaayeen dagaaladii sokeeye ee dhawaan ka dhacay Itoobiya markii Eritariya ay taageertay ciidamadeeda ka soo horjeeday ciidamada Tigrayga, laakiin arrimuhu mar kale ayey xumaadeen.
"Waxyaabaha soo baxayey maalmihii la soo dhaafay ayaa muujinaya in dowladda Eritrea ay dooratay waddadii ay ku sii fidin lahayd colaadda," sida lagu xusay warqad uu qoray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedion Timothewos.
"Soo galitaanka ciidamada Eritereeya ee gudaha Itoobiya ee xuduuda waqooyi bari iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee wadajirka ah ee ay wadaan ciidamada Eritrea oo ay la socdaan kooxaha fallaagada ah ee ku sugan xuduudaheenna waqooyi-galbeed ma ahan kaliya daandaansi ee waa fal gardaro cad ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah qodobada xiisadu ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah baaqa ka soo yeeray Itoobiya oo aan bad laheyn oo ku aadan in ay marin u helaan badda, taasoo Abiy uu ku tilmaamay arrin ku xiran jiritaankooda. Waxa uu sheegay in Deked ay ku waayaan Madaxbanaanida Eritrea ay tahay qalad.
Qoraalka ayuu wasiirka arrimaha dibadda ku sheegay in haddii askarta Eritrea ay baxaan, markaasi labada dal ay billaabi karaan wada hadallo ay ka mid yihiin "arrinta ku saabsan marin u helidda badda ee dekedda Casab".
Jawaabteeda ayey wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay ku sheegtay "eedeymo been abuur ah oo la soo dhoodhoobay... ayna yihiin wax lala yaabo marka la eego siiqadooda iyo nuxurkooda, Waxyaabaha ka dambeeya iyo ujeedada laga leeyahay".
"Sidii horeba hoosta looga xarriiqay, dawladda Ereteriya wax hammi ah ama rabitaan ah uma hayso inay gasho colaad aan macno lahayn oo ay ku sii shido oo ay xaaladda uga sii darto".
Todobaadki hore, astaan kale oo muujineysa inuu sii xumaanayo xiriirka labada dal ayuu Abiy ku sheegay markii ugu horeysay in intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee 2020-2022 ee Tigrayga ay ciidamada Eritrea dad ku xasuuqeen magaalada Aksum ee Itoobiya. Waxay ahaayeen edeymo ay Eritrea horay u beenisay ka dib markii ay soo baxeen warbixinno ku saabsan dilal wadareed ka dhacay magaaladaas taariikhiga ah Nofember 2020.
Isbahaysiga isbedelaya ayaa Itoobiya waxay hadda sheegtay in Eritrea ay taageerto jabhadaha Tigrayga ee ka soo horjeeda heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye.
Bishii hore, booliiska Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen kumannaan rasaas ah oo ay Eritrea u dirtay fallaagada.
Eritrea waa ay beenisay eedeynta.













