Hadii uu fashilmo wadahadalka haatan socda, wadadee u furan Iran?

نمایندگان ایران و آمریکا در مسقط

Xigashada Sawirka, OMAN'S FOREIGN MINISTRY ON X

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iran iyo Maraykanka ayaa wadahadalo cusub ka bilaabay magaalada Muscat ee xarunta dalka Cumaan 6-dii February. Wadahadalada ayaa la qabtay iyadoo ay sii socoto khatarta iskahorimaadka militari.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ciidamo Mareykan ah ay yimaadeen bariga dhexe, waxaana cirka isku sii shareeray hadal heynta labada dhinac. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu heshiis la gaaro Iran, wuxuuna ka digay in "waxyaabo xun" ay dhici karaan haddii uusan sidaas yeelin.

In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qaabka loo marayo wada-hadallada, haddana Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio waxa uu si cad u sheegay in Washington ay doonayso in diiradda wada-hadallada aanay ku koobnaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, balse sidoo kale la eego inta ay le'eg tahay gantaallada ballistic-ga ah ee ay Iiraan ku leedahay gobolka, iyo sida uu nidaamku ula dhaqmo dadka Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa si isdaba joog ah u diiday wada xaajoodyada ku saabsan awooda gantaalada Tehraan, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay in Iran ay diyaar u tahay inay ku soo laabato wadahadalada Nukliyeerka, waase haddii wada hadaladan loo qabto "si siman".

Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay gashay hannaankan cusub ee dublamaasiyadeed xilli ay wajahayso cadaadis gudaha iyo dibadda ah oo aan hore loo arag. Bilihii u dambeeyay waxa Iran ka dhacay dibad baxyo ka bilaabmay qiimo jab ku yimid qiimaha lacagta dalka iyo sicir bararka dalka ka jira,kadibna waxa ay isu badaleen dibad baxyo ka dhan ah dawlada oo guud ahaan dalka Iran ka dhacay,iyaga oo ugu danbayntii ku dhamaaday xasuuqii ugu xumaa ee soo mara taariikhda wakhtigan ee Iran.

Wadahadallada, oo ay hogaaminayaan Abbas Araqchi iyo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Steve witkoff, maahan dammaanad ka fogaanshaha iskahorimaadka militari. Tehran iyo Washington waxay hore u yeesheen shan wareeg oo wadahadal ah oo ay Cumaan dhexdhexaadinaysay bilihii April iyo May 2025, laakiin wareegii lixaad ayaa la baajiyay ka dib markii uu bilaabmay dagaalka 12-ka maalmood ah ee Israel iyo Iran.

Maxaa Iran u furan hadii wadahadalku miro dhali waayo

خلیج فارس

Khataraha noocaan ah ayaa sannado badan soo ku noqnoqonaysay mas'uuliyiinta siyaasadda iyo kuwa militariga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyadoo ay xiisad kasta ka dhex taagan tahay iyaga iyo reer galbeedka. Xiisadaan kacsan ee Gacanka Faaris waa cilad istiraatijiyadeed taa oo ku dhawaad ​​shan meelood meel ka mid ah saliidda adduunka maraan. Xiritaanka marin-biyoodka Hormuz waxa lagu samayn karaa dhowr qaab; miinooyinka badda, gantaalaha badda, nidaamka difaaca xeebaha, iyo doomaha dheereeya.

Tallaabadan oo kale waxay u badan tahay inay noqon doonto tallaabadii ugu dambaysay ee Iran qaado marka ay wax kale wayso, maadaama ay si weyn u carqaladayn doonto ganacsiga u gaarka ah dalkaas ee uu la leeyahay waddanka ugu weyn ee shidaalka ka iibsada, Shiinaha, waxayna sidoo kale dhaawici doontaa waddamada Khaliijka oo isku dayey inay ka hortagaan tallaabo milateri oo ka dhan ah Tehraan intii lagu jiray xiisadihii u dambeeyay.

Waxaa laga yaabaa in tani ay tahay sababta doorashadan aysan si weyn uga muuqan hadallada rasmiga ah ee mas'uuliyiinta sarsare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay xiisadaha ay jireen xubno ka tirsan baarlamaanka iyo warbaahinta dowladda ay ku hanjabeen inay xiri doonaan marin biyoodka Hormuz.

Inkasta oo Iran iyo Maraykankuba ay sheegeen in ay door bidayaan in xal dublamaasiyadeed la gaaro, haddana farqiga u dhexeeya labada dhinac ee wada-hadallada socda ayaa adkaynaya in heshiis la gaaro. Haddii maamulka Trump uu awood u yeesho, khadadka cas ee Iran ayaa si dhakhso ah u beddeli kara, iyada oo Tehran ay u oggolaatay Washington si ay ugu beddesho badbaadada Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Dhinaca kale, Iiraan waxay gaysan kartaa khasaare ku filan colaadda si ay Maraykanka ugu soo celiso miiska wada xaajoodka.