Khamenei oo si lama filaan ah ugu maqnaaday munaasabad wayn oo uu mar walba xaadiri jiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida ee Iiraan, Jeneraal Cabdurraxiim Muusaawi, ayaa jeediyay khudbadda furitaanka munaasabad ay ahayd in uu u furo Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Ayatollah Cali Khamenei, taas oo noqotay arrin ka baxsan hab-dhaqankii caadiga ahaa ee dabaaldegyada sannadlaha ah ee lagu xuso kacaankii 1979-kii.
Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in Jeneraal Muusaawi uu khudbaddiisa kaga hadlay suurtagalnimada iska horimaad lala galo Mareykanka, isagoo sheegay in Iiraan "aysan doonayn inay huriso dagaal ka dhaca gobolka", balse uu ka digay in dagaal noocaas ahi "dib u dhigi doono horumarka iyo koboca gobolku samynayey sannado badan". Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray in Iiraan si xooggan uga jawaabi doonto cid kasta oo "gardarro" ku qaadda haddii colaadi dhacdo.
Muusaawi ayaa sidoo kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka munaasabaddan isaga oo wakiil ka ah Hoggaamiyaha Sare ee dalka.
Munaasabadda sanadkan ayaa timid iyadoo xiisad sii kordhaysaa u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka, xilli Washington toddobaadyadii u dambeeyay gobolka geysay ciidamo badeed iyo kuwo milatari oo dheeraad ah, halka warbaahinta Iiraan aysan wax faahfaahin ah ka bixin sababta maqnaanshaha Hoggaamiyaha Sare ee munaasibaddan.
Khamenei ayaa 31-kii January booqday xabaasha Ayatollah Ruuxollah Khumeyni, aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, si loo xuso "Tobanka Maalmood ee Waaberiga", halka maalintii xigtay uu jeediyay khudbad dadweyne oo ka dhacday hool diimeed oo u dhow hoygiisa, taas oo uu kaga digay in weerar kasta oo Mareykan ah oo lagu soo qaado Iiraan uu hurin doono dagaal ka dhaca gobolka.
"Tobanka Maalmood ee Waaberiga" waa dabaaldegyo qaran oo sannadle ah oo soconaya 1-da ilaa 11-ka Febraayo, laguna xuso soo laabashadii Khumeyni ee qurbaha iyo guushii Kacaanka Islaamiga ee 1979-kii.
Caadi ahaan, Hoggaamiyaha Sare ayaa khudbad u jeediya hoggaanka iyo xubnaha Ciidanka Cirka ee Iiraan 8-da February, oo ku beegan maalintii 1979-kii ay wafdi ka socday Ciidanka Cirka u tageen Ayatollah Khumeyni si ay ugu muujiyaan daacadnimo, taas oo calaamad u ahayd kala jab weyn oo ka dhex dhacay ciidamadii xukuumaddii Shah.
Maqnaanshaha Khamenei sanadkan waa mid aan hore loo arag, maadaama uu ka qaybgalay munaasabaddan xitaa xilligii uu cudurka Covid-19 aad u baahsanaa, isla markaana uu la kulmay taliyeyaasha Ciidanka Cirka inkasta oo uu jiray faafitaanka cudurkii safamafrka aha wakhtigaas.
Khudbaddii ugu dambeysay ee uu Khamenei ka jeediyay munaasabaddan waxay ahayd sanadkii 2025, markaas oo uu ku celiyay diidmadiisa ku aaddan inuu wada-hadal la galo Mareykanka, taas oo si gar ah u khusaysay ku saabsan khilaafaadka muddada dheer taagnaa ee u dhexeeyey labada dhinac – Maraykanka iyo Iran.
Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Waana madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Waxa uu awood u leeyahay amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa, kuwaas oo askartoodu ay xidheen Mahsa Amini.
Ayatollah Khamenei waxa kale oo uu gacanta ku hayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabinta Basij.
Sidoo kale, waa qofka ugu awoodda badan marka ay timaado amarada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.
Sidee loo soo xulaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah?
Ninka haatan haya xilka (Ayatollah Khamenei keliya waa qofkii labaad ee xilkan qabta tan iyo Kacaankii Islaamiga ee Iiraan sanadkii 1979) waxaa soo xula guddi ka kooban 88 wadaad oo loo yaqaanno Golaha Khubarrada.
Xubnihiisa waxaa siddeeddii sanaba mar doorta dadka Iiraan, balse musharraxiinta waxaa marka hore ansixiya guddi lagu magacaabo Golaha Ilaalada. Xubnaha Golaha Ilaalada qudhooda waxaa si toos ah amaba si dadban u doorta Hoggaamiyaha Sare.
Hoggaamiyaha sare ayaa sidaas darteed saameyn ku leh labada guddi. 30-kii sano ee ugu dambeeyay, Ali Khamenei wuxuu hubiyay in xubno asal raac ah loo doorto golaha kuwaas oo raaci doona taladiisa ku aaddan cidda beddeli doonta.













