Dalal Soomaaliya si weyn u taageera oo kala saxiixday heshiis difaac oo ku kacaya boqolaal malyan oo doollar

hubka Turkiga

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Turkiga ayaa la galay Masar heshiis difaac oo ay ku baxeyso 350 milyan oo doolar, kaas oo ka dhigaya in ay Masar noqoto awoodda milatari ee ugu horreysa qaaradda Afrika iyo dalka 19-aad ee ugu awoodda badan caalamka.

Heshiiskan wuxuu muujinayaa heerka uu joogo hammiga sii kordhaya ee Qaahira ee dhinaca difaaca iyo dadaalka istiraatiijiyadeed ee sii xoogaysanaya ee Ankara ku doonayso suuqyada amniga Afrika.

Intii uu madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, booqashada ku joogay Qaahira, isla markaana uu wada-hadalka la lahaa madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, ayey shirkadda hubka ee dowladda Turkiga leedahay ee MKE iyo Wasaaradda Difaaca heshiis la galeen Masar.

Sida ay sheegay Middle East Eye, heshiisku waxa uu ka kooban yahay dhoofinta rasaasta iyo dhismaha xarumo wax-soo-saar oo laga hirgelinayo gudaha Masar ah, taasoo ka dhigi karta Masr xarun goboleed lagu sameeyo qalabka milatariga.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga, MKE waxay Masar geyn doontaa nidaamka difaaca hawada ee masaafada gaaban kaas oo loo yaqaan Tolga. Qiimaha qalabkaas ayaa gaaraya ilaa iyo130 milyan oo doolar.

Nidaamkan waxaa loogu talagalay in lagu ogaado, laguna kormeero, laguna baabi'iyo khataraha hawada sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, diyaaradaha ku duula joogga hoose, iyo nidaamyada gantaallada cusub, kuwaas oo si isa soo tareysa ugu badan goobaha dagaalka.

Heshiiska waxaa sidoo kale ku jira qorshe gudaha Masar loogu dhisayo warshad soo saarta rasaasta madaafiicda ridada dheer ee cabirkoodu yahay 155-mm iyo sidoo kale lagu sameeyo rasaasta.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, $220 milyan ee haray waxaa loo qoondeyn doonaa mashaariic warshadaha.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay sameeyaan shirkad ka dhexeysa oo maamusha xarumahaas, isla markaana kordhisa fursadaha dhoofinta hubka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Heshiiskan wuxuu astaan u yahay horumarka weyn ee ku yimid xiriirka Turkiga iyo Masar kaddib sannado khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay afgambigii milatari ee Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu hoggaamiyay sanadkii 2013.

Askar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2023-kii, labada dal waxay bilaabeen caadiyeynta xiriirkooda iyagoo magacaabay safiirro isla markaana kordhiyay kulamada heerkoodu sareeyo, taasoo muujinaysa dib-u-dejinta istiraatiijiyadeed ee u dhaxaysa laba ka mid ah dalalka ugu awoodda badan gobolka.

Sida ay falanqeeyayaashu qabanaan labada dal sida qalalaasaha Suudaan iyo Soomaaliya, amniga badda, iyo xasillooni-darrada guud oo gobolka ayaa horseeday iskaashigan difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Iskaashiga sii ballaaranaya ee Masar iyo Turkiga wuxuu ka tarjumayaa isbeddel ballaaran oo ka socda Afrika, halkaas oo dalalka ugu xoogga badan ay sii balaarinyaan awoodood.

Aljeeriya waxay hubka ka soo iibsan jirtay dalka Ruushka, halka Marocco-na ay la leedahay xiriir difaac oo xooggan Mareykanka.

Dalal kale oo badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan qalabka militeri, maalgelinta, iyo tiknoolajiyada milatari ee Shiinaha.

Marka la fiiriyo xaaladan hadda taagan, Qaahira waxay u muuqataa in ay raacayso istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo lagu horumarinayo diyaar-garowga hawlgallada, lagu kordhinayo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana dalka looga dhigo xarun goboleed lagu farsameeyo qalabka difaaca.

Booqashada Erdogan ee Qaahira waxaa loo arkaa mid isbeddel weyn ku sameneysa xiriirka soo hagaagaya ee labada dal, iyadoo iskaashiga difaaca uu noqoday tiir muhiim ah.

Turkiga ayaa la sheegayaa in ciidankuusu uu gaarayo 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa lagu qiyaasay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari

Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka.

Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur.

Dhanka kale, ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwaangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.