Eritrea oo ku gacan sayrtay hadalkii Abiy Axmed, kuna tilmaantay been aan raad laheyn

Xigashada Sawirka, EPA
Eritrea ayaa ka jawaabtay khudbaddii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed maalin ka hor ka jeediyay baarlamaanka, taas oo ku saabsanayd Badda Cas iyo ciidamada Eritrea.
Axaddii, 3-da Janaayo 2026, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka jawaabay su'aalo ay waydiiyeen xubnaha Golaha Wakiillada, wuxuuna si adag u dhaleeceeyay Eritrea arrimo la xiriira helitaanka Badda Cas iyo dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya.
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu baarlamaanka u sheegay in ciidamada Eritrea, oo laba sano la dagaallamayay ciidamada Tigray iyagoo la kaashanaya dowladda Itoobiya, ay boob ballaaran ka geysteen gobolka Tigray, oo ay ku jiraan warshado iyo hanti fara badan.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidamada Eritrea ay dagaal kula jireen Itoobiya intii uu socday dagaalka, iyagoo boobay hanti, burburiyay qaar kale, isla markaana dilay dad rayid ah.
Markii la saxiixay heshiiskii Pretoria ee soo afjaray dagaalkii dhiigga badnaa, Eritrea ayaa si cad uga hor timid heshiiskaas.
Eritrea ayaa ka jawaabtay hadallada hoggaamiyaha Itoobiya, iyadoo sheegtay in dowladda Itoobiya, oo horay u ammaani jirtay una guddoonsiin jirtay billado Eritrea intii uu socday dagaalka, ay hadda magac-dil ku hayso Eritrea.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamana Gabramasqal ayaa qoraal uu bartiisa X, ku baahiyay ku dhaliilay dowladda Itoobiya inay baarlamaanka ka hor sheegayso been iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn.
"Sidii ay wada ogyihiin dhammaan, hoggaamiyeyaasha PP Xisbiga Barwaaqo iyo saraakiisha sare ee milatariga – waxay ammaaneen askarta Eritrea intii uu socday dagaalka iyo kadibba, waxayna guddoonsiiyeen billado qaran," ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Inta ay Eritrea ka caawinaysay dowladda Itoobiya iyada oo ciidamo u dirtay dagaalkii ka socday waqooyiga Itoobiya, Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ka hor muuqday Golaha Wakiillada, wuxuuna si cad ugu mahadceliyay Eritrea adeegyada waaweyn ee ay u fidisay Itoobiya.
Saraakiil sare oo milatari iyo kuwa siyaasadeed oo Itoobiyaan ah ayaa marar badan ammaanay askarta Eritrea iyo dowladda Eritrea.
Ka dib saxiixii Heshiiska Pretoria ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea wuu daciifay, wuxuuna ka guuray is-ammaan iyo iskaashi una gudbay is-eedeeyn iyo taageerid dhinacyo iska soo horjeeda.

Xigashada Sawirka, SM
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu xumaaday kaddib markii Eritrea ay sheegtay in Heshiiska Pretoria aan la saxiixi karin ilaa laga burburiyo TPLF.
Hadalladii Axaddii ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ee ku saabsanaa helitaanka Badda Cas ayaa sidoo kale ka caraysiiyay Eritrea.
"Itoobiya iyo Badda Cas marna lama kala saari karo," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Badda Cas ay si toos ah ula xiriirto danaha qaran iyo amniga Itoobiya.
Wuxuu sheegay in sidaas oo kale ay Israa'iil u qabsatay Buuraleyda Golan ee Suuriya uguna maamusho danaha amnigeeda qaranka, isla markaana Badda Cas ay sidoo kale muhiim u tahay Itoobiya.
Eritrea, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in hab-fikirka Itoobiya ee ku saabsan Buuraleyda Golan iyo Badda Cas uu yahay mid is-khilaafsan, isla markaana uu fududeynayo rabitaankeeda ah inay dagaal la gasho Eritrea.
"Beenta ay soo bandhigayaan xisbiga magac-u-yaalka ah ee aan salka lahayn waxay ka timaaddaa ajandahooda ah inay dagaal ku qaadaan Eritrea iyagoo ku marmarsiyoonaya 'xuquuqda helitaanka badda'," ayuu yiri Yamana Gambra Masqal.
Tan iyo markii uu xukunka yimid, Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu ka dhigay arrinta helidda Badda Cas ajande qaran oo Itoobiya leedahay.
Inkasta oo uu sheegay inuu adeegsandoono diblomaasiyad si arrintan loo gaaro, haddana lama xusin wax wadahadal furan ah oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya oo ku saabsan arrinta helista marin-badeed.
Itoobiya ayaa marar badan soo qaadday arrinta xuduudaha badda, taasoo Eritrea gelisay xaalad milatari oo ciriiri ah. Sidaas awgeed, weli waxaa jira walaac laga qabo suurtagalnimada dagaal u dhexeeya labada dal.













