Waa tuma Maryam Qaasim, hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, SNTV
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday hoggaanka sare ee Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, taas oo guddoomiye loo doortay Dr Maryam Qaasim Axmed ka dib loollan adag oo dhacay.
Dr. Maryan Qaasin ayaa ku soo baxday shan cod, halka musharaxa kale Cumar Cabdulle Calasow uu helay afar cod.
Maxamed Haaruun Biixi ayaa isna ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, mana jirin cid kula tartantay kursiga.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Soomaaliya ayaa ka kooban 9 xubnood.
"Waa howl culus oo la ii saarayaxaan, waxaan Ilaahay ka codsanayaa inuu ii fududeeyo xilkan culus", ayay tiri Maryan
"Xataa ma garanayo dadka ii codeeyay oo wax olole ah ma seyn", ayay intaas raacisay.
Waa tuma Maryan?
Dr. Maryan Qaasim Axmed waa dhakhtar iyo siyaasiyad Soomaaliyeed, waxayna dhalatay 1959, kuna dhalatay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Waxbarashadeeda dugsiga hoose iyo dhexe waxay ku qaadatay Baardheere, halka dugsiga sare ay ku baratay magaalooyinka Baydhabo iyo Marka. Intii u dhexeysay 1979–1983 waxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka baratay Kuliyadda Daawada iyo Qaliinka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Maryan Qaasim waa dhakhtar ku takhasustay cudurrada haweenka (Obstetrics and Gynecology), waxbarasho iyo tababarna ka soo qaadatay Soomaaliya, Jarmalka, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Holland. Waxay hore u ahayd kaaliye bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda, sidoo kalena waxay la soo shaqeysay Qaramada Midoobay.
Dhanka Dawliga ah, Maryam Qaasim waxay noqotay wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xilal muhiim ah ka soo qabatay labo wasaaradood. Intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2014, waxay aheyd Wasiiradda Haweenka, Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, halkaas oo ay shaqadeeda wasaaraddu ahayd arrimaha sinnaanta jinsiyadda, ka hortagga tacaddiyada, iyo horumarinta fursadaha haweenka iyo carruurta.
Sanadkii 2014 ilaa 2017, Maryam Qaasim waxaa loo magacaabay Wasiiradda Gargaarka Bani'aadannimada iyo Maareynta Masiibooyink, kaas oo ay markii danve iska casishay.
Sidoo kale, Maryam Qaasim waxay soo gashay siyaasadda sharci dejinta iyadoo ahayd Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Maryam ayaana hadda anoqonaysa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqal Insaanka, taas oo doorkoodu noqon doono korjogtaaynta iyo la tacaalidda arrimaha xuquuqal Insaanka.













