Caadada ku salaysan in la uleeyo dadka lagu helo khaladaad ka baxsan dhaqamada bulshada

- Author, Zelalem Tadesse
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dhaqan ahaan, edbinta iyo tarbiyeynta caruurta gabar ama wiil waxaa masuul ka ah aabbaha iyo hooyada reerka, waa in ay waaniyaan oo wax u sheegaan inta ay awoodaan, haddii arrintu ka baxdo gacantooda, waxa ay u gudubtaa beesha, dhaqanka noocaan ah waxaa loo yaqaan "'Friend's room", waxaana caado u leh qabiilka Guji oo kamid qabiillada Itoobiya.
Mudane Magarsa Baddacha waa oday ka tirsan degmadda Adoola Woyyu. Sida uu sheegay, waa hab-dhaqameed ay beesha ku ciqaabto qofka dembi sameeya.
"Aabbaha iyo hooyadu waa ay waaninaayaan wiilkooda ama gabadhooda, way edbinayaan, si habboonna way u barbaariyaan. Haddii ilmuhu ka baxo awooddooda ama uu diido talada, kuna kaco falal xad-dhaaf ah, markaas ciqaabtu waxay noqotaa mid beeleed," ayuu yiri.
Ka hor inta aan la ciqaabin, odayaasha beeshu waxa ay mar ama laba mar u yeeraan qofka khaladka galay, haddii uu sii wado inuu sameeyo waxii lagala hadlay, waxa la yiraahdaa 'Friend's room ayaa la galinayaa, waxaana lagu garaacaa ul (harcumme).
"Beeshu laba ama saddex jeer ayay ilmaha la fariisataa oo la waaniyaa, balse haddii uu diio talada. Markaas aabbaha, adeerka, walaalaha iyo qabiilka ayaa wada baxa, dhammaanna dhabarka ayay ul kaga garaacaan," ayuu yiri.
Dhaqan ahaan, qofka la ciqaabayo xitaa haddii lagu qabto goobta, kabaha iyo dharka ayaa laga bixiyaa, ul ayaana lala dhacaa.
Boru Meshii, oo ku dhashay kuna barbaaray degmadda Malka Soodda ee Galbeedka Guji, ayaa ka sheekeeya ciqaabta uu kala kulmay qolka ciqaabta xilligii caruurnimada.
"Tani waa habka uu Guji ku hago kuna barbaariyo wiilkiisa. Wiilku waa sida aabbaha; haddii uu ka baxo xeerka aabbaha, wuxuu u gudbaa qabiilka."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Tani waa qaab dhaqan qofka reer Guji uu barbaariyo kuna hago wiilkiisa, waiilku waa inuu ahaadaa sida aabaha, haddii uu ka gudbo xeerka aabaha waxaa uu u gudbayaa qabiilka".
Boru, markii uu ahaa dugsiga hoose ayuu dambi galay kadib markii uu ka cararay iskuulka waxa uuna maray ciqaabtiisii.
"Waxaan ka baxay fasalka lixaad, waxaana aaday wabiga oo dahab ka raadin jiray aabbahay arrinta u sheegay reerka, waa ay ii yimaadeyn, waxa ayna igu waaniyeen inaan dugsiga ku laabto. Sannad ka dib ayaan mar kale baxay oo halkii ku noqday.
"Markaas ayay beeshii iigu yimaadeyn webigii aan dahabka ka raadinayay, wayna i kaxeeyeen. Waxay yiraahdeen: 'Wiilkan waxaan ku waaninay inuu jidka saxda ah ku laabto, balse waa uu diiday talada oo isla falalkii ayuu ku noqday; sidaas darteed Qolka ciqaabta ayaan geeneynaa".
Boru, oo xusuusanaya in guriga aabbihiis dhabarka ul lagula garaacay, ayaa sheegay in la garaacay ilaa dhabarkiisu uu ka gaduuto oo dhiig u ekaaday.
"Aad ayaan u xanaaqay, maxaa dadkan oo dhan iigu soo wada baxayn? Markii ay garaacista dhammeeyeen,kofee iyo subag ayey dhabarka ii mariyeen, waxa ayna igu waaniyeen inaan dib ugu laabto iskuulka oo aan waxbarashada ku noqdo," ayuu yidhi.
Dhaqankan ayaa marka hore u eg adag oo fogeenaya caruurta, balse waa mid faa'iido badan leh sida uu Boru qabo.
"Falkaa si weyn ayuu ii anfacay, hadda waan fahmay in dadkaasi aysan ii garaacin si ay dhibaateeyaan. Xitaa garaacista ka dib waxay kuu sheegayaan wanaagga, wayna ku waaniyaan."
Isagoo ka duulaya wixii ku dhacay, Boru wuxuu leeyahay dhaqanka Qolka ciqaabta waa mid bulshada ka sifaysa falalka bani-aadanimo ka baxsan, ubadkana dib ugu soo celinaya jidka saxda ah.
Ciqaabta Qolkaan waxa ay ku saleesan tahay qofka qaadan waaya waana waalidka ama sameeya falal anshaxa ka baxsan sida: diidmada talada qoyska iyo qabiilka, xadgudubka waalidiinta, ku takri-falidda xaaska, iyo xirir kalmo lala yeesho qof qaraabada dhaw ah.
Ciqaabtan mararka qaar hal qof ayay ku koobnaan kartaa, halka waqtiyo kanala ay wada maraan dadkii dembiga galay. Si kastaba ha ahaatee, ciqaabtan waxa la fulinayaa marka beesha ay u aragto inay lama huraan tahay.
Habkan edbinta Qolka ciqaabta, qofka ay beesha ku garaacdo ul caleemo leh, ma laha rafcaan ama dacwad xitaa haddii uu dhaawac jidheed soo gaaro, inasta oo Kuwa garaacaya aysan gaarsiineyn dhaawac halis ah, maadaama ujeeddadu tahay wax-barid, sida ay yiraahdeen.
Sida dhaqanka Guji yahay, ilmaha waxaa waaniya, edbiya, kana saxaya aabbaha iyo hooyada. Haddii uu ka sii gudbo, beesha ayaa waanisa; haddii uu haddana ka gudbo, Qolka ciqaabta ayuu marayaa. Qof kasta oo weli sii wada falal bani-aadanimo ka baxsan xitaa ka dib Qolkaas waxa uu mutaystaa ciqaabta ugu dambaysa ee ah ka saarid qabiil.
Dhaqankani waa sharci-darro. Sharciga Itoobiya ma taageero ciqaab jidheed oo loo geysto carruur ama cid kale, laakiin dowladdu, ma cadda waxa ay ka qabanayso joojinta dhaqankan.













