Maxaad ka taqanaa nuucyada suxuurta ugu caansan Afrika?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaa kordha rabitaanka cunista cuntooyin kala duwan. Dad badanna waxay tixgeliyaan faa'iidada caafimaad iyo sidoo kale xaaladda cimilada marka ay dooranayaan waxa ay ku afuraan ama ku sahuraan.
Xilli ay qoysasku ka fikirayaan nooca cunto ee ku habboon afurka iyo saxuurta maalmaha bisha soonka, ayaa BBC-du waxa ay la hadashay qaar ka mid ah wariayaasheeda ku sugan dalal kala duwan ee Afrika si aan u ogaanno cuntooyinka inta badan laga cuno dalalkooda marka la gaadho suxuurta iyo afurka bisha Ramadan.
Morooko
"Marka la gaadho afurka, waxaan ku billownaa timir iyo caano. kaddibna waxaan cunnaa waxa aan ugu yeedhno harira oo ah nooc maraq u eg oo dhadhan fiican leh, sidoo kalena kordhiya tamarta islamarkaana diiriya caloosha," ayay tiri wariyaha BBC-da, Basma El Atti.
Dhanka suxuurta, "badanaa waxaan cunnaa waxa loo yaqaan Sellou — waa cunto laga sameeyo bur iyo laws, waxaana sidoo kale cabnaa biyo badan."
Nayjeeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Axmed Ambali oo ka soo jeeda Nigeria ayaa yidhi:
"Marka la joogo afurka, badanaa waxaan cunnaa cunto fudud. Waxaan cabnaa cabbitaanka la yidhaahdo kunu, waxaana la cunaa kosai iyo alala. Waa cuntooyin fudud maadaama calooshu muddo dheer madhnayd."
Suxuurta ka warran ayaa la weyddiiyay.
"Run ahaantii, suxurta waxaan cunnaa cunto si fiican kuu dherginaysa, sida tuwo iyo cuntooyinka la midka ah."
Senegal

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Marka la joogo xilliga afurka, waxaan cabnaa shaaha kinkeliba oo leh waxyaabo dawo ahaan loo isticmaalo, waxaana la socda timir. Isku darkaas ayaa ka caawiya caloosha iyo mindhicirrada in ay si tartiib ah u shaqo bilaabaan," ayay tiri Khadidiatou Cisse.
Waxay intaas ku dartay: "Dhanka suxuurta, qof walba wax uu jecel yahay ayuu cunaa, laakiin inta badan waxaa la cunaa bariis lagu kariyey noocyo kala duwan oo maraq khudaar ah."
Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Marka la joogo afurka, waxaan cunnaa saambuuse, bajiye iyo jabbaati ka hor inta aanan cunin cunto culus sida bariis," ayay tiri Nasteexa Maxamed.
Dhanka sxuurta, "badanaa waxaan cunnaa cunto fudud sida shaah, caano fadhi ama gadhoodh iyo jabbaati, iyo cunto kasta oo jidhka ku hayn karta tamar ilaa maalinta oo dhan, xitaa marka ay qorraxdu kulushahay."
Soomaalida iyo suxuurta

Xigashada Sawirka, .
Afurka iyo suxuurta ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalidu aad uga dadaasho bisha Rabadaan. Saambuuse, qare ama xabxab ayaa laga maarmaan ah.
"Waxa inta badan muhiim ii ah saambuus, bur , canjeero soomaali iyo noocyada cabbitaanka sida liin macaanta iyo qaxwo Soomaali sonkortu ku yar tahay," ayay tidhi Kawsar Maxamed oo BBC-da ka tirsan.
Meelo badan oo ka mid ah gudaha dalka ama Soomaalida qurbaha waxa caan ka ah in lagu suxuurto dalagyada ay ka mid yihiin sarreenka, soorta, heedda iyo qaar kale.













