Hogaamiyaha Iiraan oo shaaca ka qaaday cidda beddelaysa iyo sida loo shaqaynayo haddii la dilo

Xigashada Sawirka, AP
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in Iran ay soo bandhigayso "tanaasulaadyo cusub" oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka si ay heshiis ula gaarto Mareykanka, loogana qaado cunaqabateynta dhaqaale iyo in la aqoonsado xaqa ay Tehran u leedahay "kobcinta nukliyeer si nabad ah loo adeegsado."
Reuters ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iran u dhashay oo sheegay in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin, xitaa marka laga hadlayo baaxadda iyo hab-raaca lagu fududeynayo cunaqabateynta adag ee Mareykanka.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Cumaan, oo door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraysa wadaxaajoodka labada dhinac, ay xaqiijisay in wareeg cusub oo wadahadallo ah lagu qaban doono Geneva Khamiista soo socota.
Sarkaalku wuxuu kaloo sheegay in Iran ay "si dhab ah uga fiirsanayso in ay kala bar kaydkeeda Yuraniyamka ee sida aadka ah loo kobciyey u dirto dibadda, kala barka kalena ay khafiifiso, isla markaana ay samayso isbahaysi kobcin goboleed. Arintan ayaa ah fikrad soo noqnoqotay sannadihii ay socdeen dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Iran, sida ay Reuters sheegtay.
Wuxuu sarkaalka intaas ku daray in Iran ay tallaabadan ku beddelan doonto in Mareykanku aqoonsado xaqa Iran ee "kobcinta nukliyeer si nabad ah loo adeegsado" iyadoo heshiiskaasi ay ku jiri doonaan qaadista cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Iran.
Sarkaalku wuxuu kaloo sheegay in Iran ay u bandhigtay shirkadaha Mareykanka fursad ay qandaraasleyaal uga noqdaan waaxyaha waaweyn ee dalka soo saaro sida saliidda iyo gaaska Iran.
Dhanka kale, madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada Iran iyo Mareykanka uu lahaa "astaamo dhiirrigelin leh," isagoo xusay in Tehran ay weli diyaar u tahay xaalad kasta oo suurtagal ah.
Qoraal uu ku daabacay barta X, Pezeshkian wuxuu ku yiri, "Iran waxaa ka go'an nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wadahadalladii ugu dambeeyay waxaa la isku dhaafsaday soo jeedimo wax ku ool ah, waxayna u muuqdeen kuwo dhiirrigelin leh. Si kastaba ha ahaatee, waxaan si dhow ula soconaa dhaqdhaqaaqa Mareykanka, waxaana sameynay dhammaan diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah xaalad kasta oo suurtagal ah."

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa sheegay in Iran iyo Mareykanka ay Khamiista ku yeelan doonaan Geneva wareeg saddexaad oo ah wadahadallada nukliyeer, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan khatarta ka imaan karta isku dhac militari oo dhex mara labada dhinac.
Al-Busaidi, oo dhexdhexaadinaya wadahadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran, wuxuu yiri, "Waxaan ku faraxsanahay in aan xaqiijiyo in wadaxaajoodyada Mareykanka iyo Iran hadda loo qorsheeyay in lagu qabto Geneva Khamiista, iyadoo dadaallo wanaagsan lagu bixinayo si loo sii dhameystiro heshiiska."
Bogga wararka Axios oo xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in maamulka Trump uu filayo ugu damebyn talaadalada in uu helo qorshe. Saraakiisha Mareykanka qaarkood ayaa aaminsan in dadaallada diblomaasiyadeed ee hadda socda ay "u badan tahay in ay noqdaan fursaddii ugu dambeysay ee Madaxweyne Trump uu siinayo Iran" ka hor weerar militari oo ballaaran oo Mareykanka iyo Israaiili "si toos ah ugu beegsadaan hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei."
Dhanka kale, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araqchi ayaa isna sheegay in heshiis lala gaaro Washington uu "suurtagal" yahay, isla markaana qaybo ka mid ah ay ka fiicnaan karaan heshiiskii hore ee 2015-kii la saxiixay. Wuxuu intaas ku daray in doodaha hadda socda ay ku egyihiin oo keliya arrinta nukliyeerka.
Araqchi wuxuu ku celiyay mowqifka Tehran ee ka horjeeda weerar kaga yimaado Mareykanka, wuxuuna ku qoray barta X, "Waxaan la yaabanahay sababta aan isu dhiibin? Sababtoo ah annagu waxaan nahay Iraniyiin."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in Wasiirka arrimaha dibadda Badr Abdel-Aty uu sii waday xiriirro xooggan oo uu la yeeshay dhiggiisa Cumaan, Iran iyo agaasimaha Guud ee Hay'adda Tamarta Atoomiga Caalamiga ah Rafael Grossi, iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Dhexe Steve Witkoff. Masar ayaa dooneysa in la gaaro xal wada-oggol ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wakaaladaha wararka maxalliga, kuwa shisheeye iyo qoraallo baraha bulshada ah ayaa sheegay in arday ka socota dhowr jaamacadood ay Axaddii dhigeen dibadbaxyo taas oo keentay isku dhacyo.
Rabshadaha cusub ayaa imanaya kadib dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo dhacay bishii hore laguna dilay kumanyaal qof.
Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaallo uu sheegay in ay yihiin dad "iska dhigaya arday" oo weeraraya arday taageersan dowladda oo ka qaybgalayay dibadbaxyo ay ku cambaareynayeen rabshadihii Janaayo 2016.
Fiidiyow Sabtidii la baahiyay ayaa lagu arkay dibadbaxayaal ku sugnaa Jaamacadda Tiknoolajiyadda Sharif ee Tehran kuwaas oo ku tilmaamay Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei "hoggaamiye gacan-ku-dhiigle ah," isla markaana ku baaqayay in Reza Pahlavi loo caleemo saaro boqor cusub.
Wargeyska Financial Times oo xiganaya ilo xog-ogaal ah iyo dukumentiyo Ruush ah oo la helay ayaa sheegay in uu jiro heshiis u dhexeeya Iran iyo Ruushka oo Iran ku dalbaneyso helista qalabka difaac hawada ah ee Ruush ah oo qiimahoodu gaarayo ilaa $545 milyan bishii July sanadkii 2025-kii, maalmo kadib dhammaadka dagaalkii 12-ka maalmood socday.
Sida warbixintu sheegtay, heshiiska ayaa lagu saxiixay Moscow Disembar 2025-kii, wuxuuna dhigayaa in Tehran la siin doono galab gaaraya 500 iyo 2,500 gantaal muddo saddex sano ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khamenei oo magacaabay qofka badali lahaa
Wargeyska New York Times waxa uu sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ali Khamenei, uu bilihii la soo dhaafay, uu Xilal ballaaran u dhiibay Sarkaal sare oo dhinaca Ammaanka ka tirsan, Ali Larijani, iyadoo ay sii kordhayso Xiisadda kala dhexeysa Maraykanka iyo suurtogalnimada inay isku dhacaan Millitari ahaan.
Warbixintu waxa ay ku salaysan tahay waraysiyo lala yeeshay lix sarkaal oo sarsare oo Iran ah oo mid ka mid ahi uu xiriir la leeyahay xafiiska hoggaamiyaha sare ee Iran—iyo saddex xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyo sidoo kale dublamaasiyiin hore oo Iran u dhashay iyo warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Iran. Saraakiisha iyo xubnaha IRGC ayaa ka hadlay arrimo gudaha ah.
Marka laga eego dhanka Khamenei waxa uu u xilsaaray Larijani, 67 jir ah, siyaasi ruug-caddaa ah iyo taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka oo hadda madax ka ah Golaha Sare ee Amniga Qaranka, inuu maareeyo faylalka muhiimka ah ee dawladda. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in saameyntiisa ay si tartiib tartiib ah u balaartay oo ay ka mid tahay kormeerida habka loo maareeyo mudaaharaadyada gudaha, maaraynta isgaarsiinta xulafada sida Ruushka, la macaamilka jilayaasha gobolka oo ay ku jiraan Qatar iyo Cummaan, iyo la socodka wada xaajoodka Nukliyeerka ee Washington.
Saraakiisha ayaa sheegay in Khamenei uu soo saaray awaamiir lagu hubinayo sii wadida shaqada hay'adaha dawliga ah haddii ay dhacaan weeraro militari ama isku day dil oo lala beegsado madaxda sare, oo uu ku jiro Hogaamiyaha sare laftiisa.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in la sameeyay habab kala duwan oo isku xigxiga oo loo sameeyay ciidamada iyo xilalka dowladeed ee uu magacaabay Hogaamiyaha Sare, iyadoo taliyeyaasha loo xilsaaray inay soo magacaabaan shaqsiyaadka beddeli kara, waxaana loo fasaxay xubno ay isku dhow yihiin inay go'aan ka gaaraan haddii ay dhacdo in xiriir lala sameeyo.
Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Tehran ay la tacaalayso suurtagalnimada weerarro millatari oo kaga yimaada Maraykanka, inkasta oo ay sii socdaan waddooyinka dublamaasiyadeed iyo wada-xaajoodka Nukliyeerka, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday in ciidammada qalabka sida ee Iran la geliyey heegan sare si ay ugu diyaar garoobaan xaalad kasta oo suurtagal ah.
Khamenei waxa uu ka digay in hubka Iiraan uu awood u leeyahay in uu quusiyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, waxaana uu hore uga digay in weerar kasta oo militari oo Iran lagu qaado uu isu bedeli karo dagaal goboleed.












