Mareykanka oo la sheegay inuu beegsanayo hoggaamiyaha Iiraan iyo wiilkiisa

Mareykanka

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iyadoo dowladda Mareykanku ay isu diyaarinayso inay tallaabo milatari ka qaaddo dalka Iran, ayaa lagu soo warramayaa in Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei iyo wiilkiisu ay noqon karaan bartilmaameedyada koowaad.

Waxaa si weyn loo baahiyay in Mareykanku uu ka fiirsanayo xulashooyin milatari ka dib markii ay fashilmeen labo wareeg oo wadahadal ah oo dhex maray Mareykanka iyo Iran toddobaadyadii la soo dhaafay.

Madaxweyne Trump ayaa maalmihii u dambeeyay loo soo bandhigay xulashooyin kala duwan oo laga fulin karo Iran, waxaana madaxweynaha iyo saraakiishiisa sare ay ku dhawaaqeen in weerar dhinaca cirka ah oo xaddidan la qaadi karo si loogu qasbo Iran inay heshiis gaarto.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in haddii weerar xagga cirka ah lagu qaado Iran, ay madaxda dalkaasi qorsheynayaan inay isbeddel nidaam ka sameeyaan iyagoo bartilmaameedsanaya shakhsiyaad iyo goobo milatari oo muhiim ah.

Sida laga soo xigtay mareegta wararka ee Mareykanka ee Axios, Madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa xulashooyin kala duwan hordhigay lataliyayaashiisa Pentagon-ka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la beegsado hoggaamiyaha sare ee Iran iyo dadka muhiimka ah ee ku dhow.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah xulashooyinka, oo lataliye uu u sheegay mareegta, ayaa ah "In la ciribtiro Ayatollah iyo wiilkiisa, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha ku dhow dhow." Wiilka Khamenei, Mojtaba, ayaa loo bartilmaameedsanayaa sababtoo ah waxaa loo arkaa inuu yahay dhaxalka tooska ah ee suurtagalka ah ee hoggaanka dalkaasi.

Ilo kale ayaa sidoo kale u xaqiijiyay Axios in fikradda lagu beegsanayo Ayatollah Ali Khamenei iyo wiilkiisa ay jirtay muddo dhowr toddobaad ah.

"Trump wuxuu furan yahay xulashooyinkiisa. Wuxuu go'aan ka gaari karaa weerarka wakhti kasta," ayuu yiri la-taliye sare oo u qaabilsan Madaxweyne Trump.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa la sheegay inuu isku diyaarinayo inuu soo bandhigo soo jeedin u oggolaanaysa Iran inay kobciso Yuraaniyamka heer cayiman si loo gaaro heshiis. Laakiin soo jeedintan uma oggolaan doonto Iran inay haysato Yuraaniyamka laga sameeyo hubka nukliyeerka.

Iran ayaa muddo dheer difaacaysay barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo sheegtay inuu yahay mid loogu talagalay ujeeddooyin nabadeed oo keliya. Waxay sidoo kale sheegtay inay leedahay "khadad cas" oo aan laga gudbi karin wadahadallada lala yeelanayo Mareykanka.

Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Washington waxay kordhinaysay ciidamadeeda Bariga Dhexe haddana waxay u muuqataa inay doonayso inay ku uruuriso awood cirka ah oo ka badan tii ay halkaas ku lahayd wakhti kasta tan iyo duullaankii Ciraaq ee sanadkii 2003.

Khamiistii, Trump wuxuu sheegay in dunidu ay ogaan doonto "xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood" haddii heshiis la gaari doono ama Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari. Mareykanka ayaa sii kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka toddobaadyadii la soo dhaafay.

Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqayso sameynta hubka Nukliyeerka ah, taasoo ay Iran waligeed beenin jirtay.

Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa arrintan kulan kaga yeeshay Switzerland, waxayna sheegeen in horumar laga gaaray wadahadallada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi oo jimcihii hadlay ayaa sheegay in Iran ay diyaarinayso "qabyo-qoraalka heshiiska suurtogalka ah" ayna ku wareejin doonto ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff maalmaha soo socda.

Wadahadallada ka socda Geneva ayaa dhacay iyadoo ciidamada Mareykanka ay sii xoojiyeen joogitaankooda agagaarka Iran.

Xulafada Carbeed ee Khaliijka ee Maraykanka ayaa la og yahay inay ka digeen weerar Maraykan ah oo keeni kara cawaaqib xumo aan la saadaalin karin.