Qaar ka mid ah dadka caanka ah ee aan lahayn telefoonka gacanta

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa aad loo aaminsan yahay in dadka caanka ah ee magaca leh iyo kuwa hodanka ah ay haystaan telefoonnada qaaliga ah ee casriga ah.
Laakin dadkaas qaarkood iskumaba dhibaan qaadashada telefoonnada gacanta.
Waa kuwan qaar ka mid ah dadkaas oo aan lahayn telefoonka gacanta.
Simon Cowell
Simon waa mid ka mid ah xaakimiinta go’aamiya tartamada X factor iyo Got Talent. Wuxuu aaminsan yahay in telefoonku uu dhibaato yahay.
Sannadkii 2017 ayuu joojiyey isticmaalka telefoonka gacanta, wuxuuna khaati ka istaagay farriimaha qoraalka ah ee iska soo daba dhacaya.
Dolly Parton.
Sida laga soo xigtay gabar ay ayeeyo u tahay oo la yiraahdo Miley Cyrus, fanaanadda waxay isticmaashaa mashiinka Fax-ka oo ay dadka kula xiriirto.
Dolly Parton waa 77 jir, waxayna caan ku tahay heesaha country music.
Sir Elton John
Elton John mar uu waraysi siinayey weriyaha caanka ah ee Jimmy Kimmel wuxuu sheegay inuusan telefoonka gacanta lahayn.
Wuxuu isticmaalaa aaladda iPad oo uu kula xiriiro carruurtiisa.
Reerkiisa ayaa maamula baraha bulshada ee uu isticmaalo sida Twitter iyo Instagram.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ed Sheeran
Fanaankan Ingiriiska ah wuxuu muujiyey inuusan ku faraxsanayn inuu moobayl isticmaalo.
Wuxuu iska dhigay telefoonkiisa gacanta 2015, wixii wakhtigaas ka dambeeyeyna wuxuu dareemay inuu “nafisay”.
Wuxuu kaloo sheegay in heerka welwelkii hayey uu yaraaday.
Tom Cruise
Mar uu wargays waraysi siinayey ayuu jilaaga filimmada Mission Impossible iyo Top Gun wuxuu sheegay inaysan jirin baahi uu telefoon u haysto.
Taa beddelkeeda wuxuu diiradda saaraa inuu sameeyo aflaam badan, wakhti badanna uu la qaato reerkiisa.
Justin Bieber
Horraantii 2021, Bieber wuxuu sheegay inuu isticmaali jiray iPad halkii uu ka isticmaali lahaa telefoonka gacanta
Taa waxay u saamaxday, sida uu sheegay in uu helo xorriyad badan, uuna la xiriiro dadka aadka ugu dhow oo kaliya.
Dadka caanka ah ayaan jeclayn in ay wakhti badan ku bixiyaan isticmaalka telefoonka gacanta, waayo badankood waa dad sameeya malaayiin doollar bishiiba, waxayna dhibsadaan in isticmaalka telefoonka gacanta uu ka luminayo wakhti muhiim ah oo ay wax badan ku qabsan lahaayeen.
Qaarkood waxay aad u qiimeeyaan noloshooda gaarka ah, ayagoo wakhti fiican siiya qoyskooda.












