Telefoonkaaga maka ogaan kartaa inaad qabto xanuun dhanka wadnaha ah?

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Justin Chan/University of Washington

Telefoonnada gacanta ayaa horumar ballaaran laga gaaray tan iyo makrii ugu horreysay ee la soo saaray telefoonnada 50 sano kahor – waxaa xitaa loo adeegsanaa karaa in lagula socdo caafimaadkaaga.

Dhibaatooyinka xinjirowga dhiigga waa kuwo halis ah. Haddii dhiiggaagu uu xinjir noqdo, waxaad khatar ugu jirtaa dhiig-bax iyo wadno-istaag kuu sababa dhimasho.

Dhaqaatiirta ayaa kaa baari kara inaad qabto xinjirowga dhiigga, balse waxay u baahan yihiin inay saliingo buuxda oo dhiig ah kaa qaadaan kahor inta aysan baarin. Balse si degdeg ah ayaad adigu isaga baari kartaa adigoo teleofonkaaga adeegsanaya.

Horraantii toddobaadkan Martin Cooper, oo ah ninka hoggaaminayay kooxdii soo saartay teleofonkii ugu horreeyay – oo midabka beejka lehna badhamo – ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in telefoonnadu ay noqon doonaan aalad muhiim u ah la socoshada caafimaadkeenna. Ballan-qaadkaas ayaa haatanba dhaboobay.

Bishii March 2022, saynisyahannada Jaamacadda Washington ayaa iPhone u isticmaalay ogaanshaha xinjirowga dhiigga iyadoo keliya adeegsaday hal dhibic oo dhiig ah. Waxay adeegsadeen aaladda lidar (tan qabata iftiinka). Waa teknolojiyadda u oggolaaneysa telefoonkaaga inuu cabbir sax ah ka qaado waxyaabaha amaba fogaanta si la isugu shafo xaqiiqda iyo muuqaalka dunida. Tusaale ahaan, waxay muujin kartaa sida shey alaabta ka mid ah uu ugu muuqan lahaa qolkaaga.

Balse waxaa soo baxday in qalabkaas uu ogaan karo xinjirowga hdiigga. Baarayaasha ayaa ogaaday inay u suurto-gashay inay kala saaraan dhiigga xinjirka ah iyo kan aan ahayn iyagoo dhibic dhiig ah saaray qalabkan.

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baarayaasha kale ayaa soo saarayay farsamooyin la adeegsan karo kaamirada telefoonkaaga si loogu ogaado xaaladaha kale ee caafimaad, sida cadaadiska dhiigga.

Baarayaasha Jaamacadda Toronto, Canada, iyo Jaamacadda Hangzhou Normal oo ku taalla Zhejiang, Shiinaha, ayaa soo saaray siyaabo lagu ogaan karo qulqulka dhiigga ee wejiga iyadoo qofku uu teleofonkiisa isaga duubayo muuqaal.

Koox kale oo saynisyahanno Shiinees ah ayaa soo saaray siyaabo lagu ogaan kaor calaamadaha kale ee caafimaadka wadnaha iyadoo telefoonka la isaga qaadayo afar sawir. Sawir aad adigu iska qaaddo, labo uu qof kaa qaado iyo mid aad hoos eegeyso oo kor ilaa iyo hoos lagaa qaado. Waxaa sawirradan diiradda lagu saaraa isbeddellada ku dhaca daamanka, foolka iyo sanka gaar ahaan, sida duuduubka iyo waxa ku dhacaya maqaarka hoose ee isha bani’aadamku aysan qaban karin.

Waxay si sax ah u soo saareen xanuunnada wadnaha 80%, inkastoo ay si khalad ah u soo saareen 46% baaritaan la sameeyay.

Qalabkan wuxuu noqon karaa "wax rakhiis ah, oo fudud waxtarna leh" oo ay bukaannada ku ogaan karaan inay u baahan yihiin baaritaan dheeraad ah, ayay dhaheen dhaqaatiirta wadnaha ee ka tirsan Xarunta Qaranka ee Xanuunnada Wadnaha ee Shiinaha, ee sameeyay daraasaddan.

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jira rajo ah in telefoonnada casriga ah ay u suurto gelin doonaan qofka qaabab fudud oo u uku ogaado xaalado wadnaha ah oo ay adag tahay in la ogaado. Jennifer Miller, oo ku takhasustay xanuunnada wadnaha oo ka tirsan Ibitaalka Carruurta ee Los Angeles, iyo injineerrada Jaamacadda Southern California, ayaa soo saaray qalab yar oo gacanta lagu qaato oo lagu xiriirin karo telefoonka casriga ah kaasoo lagula socon karo qulqulka dhiigga ee wadnaha.

Inkastoo in badan oo teknolojiyaddan ka mid ah ay weli ku jiraan marxaladaha baaritaanka iyo tijaabada, waxa ajira qaabab aad kula socon karto caafimaadkaaga adigoo teleofonkaaga isticmaalaya.

Elizabeth Woyke, oo wax ka qortan arrintan ayaa tusaale usoo qaadenysa shirkad Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Riva taasoo cadaadiska dhiigga kula soconeysa iyaodo la isticmaalayo kaamirada telefoonka. "Waxaad farahaaga saareysaa kaamirada teleofonka casriga ah kaddibna waxaad cabbireysaa qaababka sida mowjadda ee dhiigga xiidmahaaga si aad ula socoto cadaadiska dhiiggaaga. Waa wax cajiib ah," she says.