Badriya Aadan: Waxaan Alle ka baryay hal cunug balse shan ayuu halmar i siiyay

Shanta carruurta ah oo la sawiray

Xigashada Sawirka, Hiwot Fana Specialised Hospital

Qoraalka sawirka, Shanta "loogu bishaareeyay" ayaa loogu magac-daray Naif, Ammar, Munzir, Nazira iyo Ansar
    • Author, Michael Teferi
    • Role, BBC Africa
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Haweeney ayaa ku dhashay shan carruur gobolka Harar ee dalka Itoobiya, kadib 12 sano oo ay isku dayaysay inay ilmo dhasho, kiiskan oo ah mid naadir ah.

Bedriya Aadam ayaa sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay "aad ugu faraxsan yihiin" in "hal mar loogu nimceeyay shan carruur ah".

Haweeneydan oo 35 jir ah ayaa dhashay afar wiil iyo hal gabar, dhammaantoodna caafimaadkoodu fiican yahay, sida uu sheegay isbitaalka takhasuska ee Hiwot Fana.

"Ma awoodo inaan erayo ku muujiyo farxaddayda," ayay u sheegtay BBC, iyadoo xustay sida ay "ugu jirtay murugo iyo xanuun" ilaa ducadeedii la aqbalay.

Agaasimaha caafimaadka isbitaalka, Dr Maxamed Nuur Cabdullaahi, ayaa sheegay in hooyada iyo carruurta ay weli ku jiraan daryeel caafimaad oo isbitaalka ah. Carruurta ayaa miisaankoodu wuxuu u dhexeeyaa 1.3 ilaa 1.4 kiiloogaraam.

Waxay u sheegtay BBC-da in carruurta dhasha ee miisaankoodu ka badan yahay hal kiiloogaraam ay leeyihiin fursad sare oo ay ku noolaadaan isla markaana si caafimaad leh ugu koraan.

Dhakhtarku waxa uu BBC-da u sheegay in Bedriya ay si dabiici ah uur u qaadday iyadoo aan la isticmaalin habka taranka ee bacriminta shaybaarka (IVF), kaas oo aanu isbitaalku bixin.

Habka IVF-ka waxa uu kordhin karaa fursadda dhalashada carruur badan haddii in ka badan hal ukun la bacrimiyo.

Fursadda ah in si dabiici ah uur loogu qaado shan carruur ah waxay qiyaastii tahay hal ka mid ah 55 milyan oo qof.

Sawirka soo dhow ee Bedriya

Xigashada Sawirka, Hiwot Fana Specialised Hospital

Qoraalka sawirka, Bedriya way ku faraxday inay shan carruur ah hal mar dhashay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhakhtarka ayaa sheegay in dhalmada ay ku dhacday qalliinka caloosha fiidkii Talaadadii.

"Waxay heshay daryeel caafimaad oo joogto ah intii ay uurka lahayd, waxaana loo sheegay inay siddo wax ka badan hal ilmo. Waxay heshay gargaar caafimaad oo buuxa oo habboon dhammaan muddadaas," ayuu yiri Maxamed, isagoo sharaxaya "farxaddeeda".

Bedriya waxay tiri markii hore waxaa loo sheegay inay siddo afar carruur ah, balse markii ay dhashay waxaa soo baxay mid shanaad.

"Waxaan Alle ka baryay hal ilmo oo keliya, laakiin Ilaahay wuxuu i siiyay shan," ayay tiri, iyadoo ka hadlaysay sida ay dareemaysay muddadii "dheerayd ee ay sugaysay".

Hooyadan markii ugu horreysay umulaysa ayaa sheegtay in ninkeeda horey u lahaa hal ilmo oo haweeney kale ay u dhashay, kaasoo la degganaa iyaga.

"Wuxuu igu odhan jiray in [ilmaha kale] uu ku filan yahay oo aanan walwalin, laakiin qalbigayga gudihiisa waan dhibtooday—maskax ahaan iyo dareen ahaanba—maaddaama tuulada oo dhan ay wax iga weydiinaysay sababta aan u dhali la'ahay," ayay tiri.

"Waxa aan soo maray hore waxay hadda u muuqdaan sidii riyo fog oo aanan xitaa rabin inaan xasuusto," ayay intaa ku dartay.

"Waxaan 12 sano ku qaatay xanuun, anigoo is qarinaya, isla markaana si joogto ah u baryaya carruur—ugu dambayn, Ilaahay waa i maqalay."

Waxay sheegtay inay tahay beeralley, islamarkaana aysan hubin sida ay u daryeeli doonto qoyskeeda hadda si weyn u kordhay. "Laakiin waxaan rumaysanahay in Ilaahay ii sahli doono in bulshada iyo dowladda ay i caawiyaan."

"Shanta carruur ee Alle ugu nimceeyay " ee qoyskan waxaa loo bixiyay: Naif, Ammar, Munzir, Nazira, iyo Ansar.