Waxyaabo sir ah oo laga yaabo in aadan ka ogayn dhiiggaaga

Shaqaale caafimaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daqiiqad walba, unug kasta oo dhiigga cas ah waxaa uu ku soo wareegtaa madaxa ilaa faraha jirkeenna, wuxuuna dhammaystiraa habka wareegga dhiigga ee jirka.

Jirkeenna waxaa uu il-biriqsi kasta soo saaraa labo milyan oo unugyada cas cas ah. Waxay beddelaan unugyadii dhiigga cas ee horay jirka ugu baaba’ay.

Mid ka mid ah warbixinnada ay BBC-da u soo gudbiyeen Hannah Frey oo ku takhasustay xisaabta iyo Adam Rutherford oo ku xeeldheer arrimaha hiddaha, ayaa waxaa ay ku ogaadeen 6 sir oo ku duugan dhiigga.

1. Jirkeennu wuxuu leeyahay 30 milyan oo unugyada dhiigga cas ah

Unugyada dhiigga cas waa unugyada ugu badan ee uu jirkeennu leeyahay.

Waxay ku badan yihiin jirka ragga, halka ay ku yar yihiin kan haweenka.

Waxa uu sidoo kale leeyahay unugyo kale, balse ma badna.

Dhammaan unugyada jirka, boqolkiiba 90 waxay ku jiraan dhiiggaaga.

2. Unugyada cas waxay jirkeenna ku jiraan 3 ama 4 bil

Waxay jirka ku wareegtaan 1,50,000 oo jeer.

Waxay ku socdaan xawaare dhan 2 kiiloo mitir saacaddiiba, iyagoo mara wadnaha iyo xididdada.

Unugyada cas

Xigashada Sawirka, Getty Images

3. Unugyada dhiigga cas ee ku baaba’ay jirkeenna waxay leeyihiin midab dambas ah

Jirkeennu ma soo saaro unugyo cas cas oo daciif ah, maaddaama ay jirto maaddo ka caawiso samaynta unugyada dhiigga.

Waxay soo saartaa kiimiko la yiraahdo Bilirubin, taas oo gaarta ilaa dheefshiidka.

4. Noocyada dhiigga waxay kor u dhaafayaan 30

Dhiig

Xigashada Sawirka, Getty Images

Keliya noocyada dhiigga ee la yaqaan ayaa kala ah, A, B, AB and O, balse waxaa jira noocyo kale oo uu dhiiggu ka kooban yahay.

“Waxaa jira in ka badan 30 nooc oo dhiig ah,” ayuu yiri Barafasoor Robert Flahr oo wax ka dhiga jaamacadda Sydney, ee Australia.

5. Haddii nooca dhiiggaagu uu yahay AB, jirkaagu wuu qaadanayaa nooc kasta oo kale

Maaddaama nooca dhiggaagu yahay uu A iyo B, jirkaagu wuu oggolaanayaa in lagu shubo nooca A iyo B. 

Nooc dhiigga ka mid ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

6. Haddii aad tahay guruub 'O', dadka kale waad ugu deeqi kartaa dhiiggaaga

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in inta badan dadku ay ku deeqi karaan dhiiggooda haddii ay caafimaad qabaan.

Hase yeeshee, waxaa sidoo kale jira dad cabsi iyo walwal ka qaba dhiig-bixinta.