Shan waxyaabood oo aad sameyn karto haddii telefoonka lagaa xado

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrintan qof walba ayay ku dhici kartaa. Bandhig faneed ayaa ka socda meel bannaan oo ka mid ah goobaha laga dukaameysto. Waadna ku raaxeysaneysaa.
Xoogaa kaddib waxaad gacanta gelineysaa jeebkaaga hore. Waad qarracmeysaa. Telefoonkaaga wuu maqan yahay.
Tuugada telefoonnada xada ayaa ilbiriqsi kaaga jeeb siibi kara moobilkaaga. Haddii lagaa xadana, waxaa khatar ku jira dokumentiyadaada sirta ah iyo xogtaada shakhsiyadeed.
Sidoo kale, waxaad ku qasbanaaneysaa inaad lacag badan ku bixiso telefoon cusub.
Haddii moobilkaaga lagaa xado, waxaa halkan kugu soo gudbineynaa qodobbo ku caawinaya, si aad isaga ilaaliso inay ku gaarto khasaaro intaas ka badan.
1. Si deg deg u xir moobilka
Emilio Simoni oo ku takhasusay ammaanka qalabka casriga ah ayaa sheegay in haddii moobilka lagaa xado, waxa ugu horreeya ee aad sameyneysaa uu yahay inaad si degdeg ah u xirto.
Sidoo kale waa muhiim inaad la xiiriirto shirkadda telefoonnada oo aad ka codsato inay xiraan kaarka. Si cidna aysan ug suurtogelin inay isticmaalaan telefoonka.
Barta internet-ka ee shirkadda ayaad ka ogaan kartaa cidda aad arrintaas kala xiriiri karto.
Furaha sirta ah ee telefoonkaaga waa inaad meel ku keydisaa. Waxaad nambarkan ka heleysaa baakadda lagu keenay teleofonka amaba moobilka qudhiisa.
2. Beddel furayaasha sita ee dhammaan app-yadaada
Sida uu ku talinayo Simoni, waa inaad beddeshaa dhammaan furayaasha sirta ee app-yada telefoonkaaga kuu gu jira.
Hadii kale, tuugada teleofonka ayaa u dhici kara xogtaada iyo warbixinno kale oo muhiim ah. Guud ahaan, app-yada bankiga iyagu isma cusbooneysiiyaan.
Balse iimeylada, baraha bulshada ayaa u oggolaanaya macaamiisha inay beddelaan furaha sirta.
App-yada qaar ayaa oggolaanaya inaad furaha sirta ka beddesho baraha ay internet-ka ku leeyihiin. Taasna si degdeg ah ayaad wax walba u beddeli kartaa.
Furayaasha sirta ee Facebook iyo Instagram ayaa la beddeli karaa. Gmail-ka ayaad ka beddeli kartaa adiga oo booqanaya qeybta xogta shakhsiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3.Ogeysii bankigaaga iyo waaxaha dhaqaalaha
Haddii telefoonka lagaa xado, si deg deg ah u ogeysii bankigaaga iyo waaxaha kale ee dhaqaale.
Markaad sidan sameyso, bankiyada ayaa awoodi doona inay xiraan app-ka telefoonkaaga ku jira.
Haddii ay dembiilayaashu lacag ka dirayaan akoonkaaga una dirayaan qof kale, taasi way joogsan doontaa.
Banki walba wuxuu leeyahay qaab uu adeeggan ugu qabto macmiilka.
Caadiyan waxaa lagu xusaa barta internet-ka ee bankiga. Nambarrada laga xiriiri karo bankiga ayaa sidoo kale laga heli karaa Google-ka.
4. Hubi inaad u sheegto qoyskaaga iyo saaxiibbadaa
Waa muhiim inaad wargeliso qoyskaaga iyo saaxiibbadaa haddii telefoonka lagaa xado.
Sababtoo ah dembiilayaashu waxay heli karaan nambarrada qaraabadaada iyo saaxiibbadaa waxayna ka dhigan karaan dad ay bartilmaameedsadaan.
Waxay weydiisan karaan lacag amaba xogta ku saabsan bankigaaga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5. Dacwad u gudbi booliiska
Hubi inaad dacwad ku saabsan xatooyada moobilka u gudbiso booliiska.
Markaad sidan sameyso, waxaad caddeyn u heysataa in telefoonka lagaa xaday.
Waxaad sidoo kale caddeyntan ugu baahan tahay bankiga, shirkadda caymiska iyo meelaha kale qaarkood.
Marar badan, kaddib xatooyada telefoonka, dokumentiyada la xiriira xogtaada ayaa sidoo kale la xadi karaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aadan heyn dokumentiyada aqoonsiga, dhibaato ayaa ku qabsan karta. Booliiska ayaa su'aalo ku weydiin kara.
Sidaas darteed waa muhiim inaad cabasho u gudbiso booliiska. Marka aad cabasho gudbiso, booliiska ayay mas'uuliyad ka saaran tahay inay baaraan dembigaas.
Booliiska ayaa sidoo kale xog ka heli kara meelaha ugu badan ee lagu xado telefoonnada. Waxayna wargelin karaan dadka ku nool goobahaas inay ka digtoonaadaan ayna ilaashadaan telefoonnadooda.










