Isticmaalka Mobile-ka: Ma ogtahay in telefoonka uu burburin karo noloshaada?

telefoonka gacanta

Telefoonka gacanta waa aalad yar oo saameyn weyn ku leh nolosheenna, kuwa sida wanaagsan u isticmaalana waxay ka heli karaan faa'iidooyin aad u badan.

Dunida teknolojiyadda ayaa la micno ah in adeegsiga telefoonka gacanta uu caan yahay sanad walbana ay malaayiin qof ku soo biiraan adeegsigiisa.

Waxay tani fududeysay xiriirka iyo adeegyada dunida.

Haddana adeegsiga telefoonka gacanta ayaa wata khatartiisa gaarka ah taas oo dadka intiisa badan aysan marka hore rumeysan inay saameyn ku yeelan karto caafimaadkooda, caafimaad ahaan keliya maahee xitaa jir ahaan iyo xitaa inay khatar gelin karto noloshooda.

Haddii aadan ogeyn in telefoonka aad maalin walba isticmaasho uu burburin karo karo noloshaada - waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa afar siyaabood oo aad halis ku geli karto haddii aadan si fiican u adeegsan telefoonkaaga.

Telefoonku wuxuu 'beddeli karaa dabeecaddaada la dhaqanka bulshada'

Tani way caddahay oo dadka ku takhasusay cilmu-nafsiga ayaa sheega in teleofonku uu soo bixin karo dabeecadda qofka gaar ahaan marka ay timaaddo la dhaqanka bulshada.

Ma aha wax lala yaabo in dadka dhalinyarada ah ay isticmaalaan teleofonka gacanta iyaga oo aad u da' yar, gaar ahaan marka ay awoodaan inay dadka si fiican ula xiriiraan.

telefoonka gacanta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay qabatimeen isticmaalka telefoonnadooda, marka aysan heysanna waxay noloshooda noqotaa mid aan caadi ahayn waxaana laga yaabaa inay xanuunsadaan. Meeqo jeer ayaad qof la hadashay balse uusan xitaa ku soo eegeyn?

Indhihiisa iyo dhammaan dareenkiisa waxay ku wajahan yihiin telefoonkiisa.

Tani waxaa sabab u ah dabeecado haddii aan la xakameyn noqon kara kuwo qofku la qabsado oo saameyn ku yeesha. Weligaa telefoonkaaga maka maqnaatay muddo 24 saacadood ah?

Ma dareentay inaad tabeyso wax ka maqan noloshaada? Marka waxaa jira dad aan howlahooda kale qabsan karin ilaa ay telefoonnadooda gacantooda ku jiraan.

Waxaa sidoo kale jira kiisas badan oo ku saabsan caruur guriga jooga oo aan wax daryeel ah ka helin waaliddiintooda oo kaga mashquulay telefoonnadooda isla markaana gabay inay xitaa waqti ay ku dhegeystaan amaba kula cayaaraan siiyaan caruurtooda.

Isticmaalka telefoonka adiga oo gaari wada amaba haya howl u baahan inaad dareenkaaga siiso

Waad maqashay shilalka waddooyinka ay sababaan darawallo gaari kaxeynaya iyaga oo ku fooggam teleofonkooda.

Waxaa jira xog fara badan oo ku saabsan tirada musiibooyinka ka dhashay shilalkaas oo kale.

Waxaa jiray olole guud ahaan dunida laga waday gaar ahaanna ay booliisku hor kacayeen oo ku saabsan khatarta gaari wadidda iyo adeegsiga telefoonka.

telefoonka gacanta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa sidoo kale jira kiisaska dad sameeya wax lagu tilmaamay 'khatar' oo xitaa u nugul adeegsiga telefoonka.

Haddii aad isku aragto xaaladdan oo kale, waxaa lagugula talinayaa inaad iska fogeyso telefoonka ilaa aad gaarto heer aad isticmaali karto.

Farriinta, wicitaanka, amaba xitaa muuqaalka ayaa u soo jeesan kartaa marka uu safarkaagu dhammaado amaba marka aad dareento inaad bad qabto.

Marka haddii aad moodday in telefoonku uusan khatar kugu gelineyn sidan oo kale, farriintan ayaa kuu siin karta fursad aad dib ugu milicsato isticmaalka teleofonkaaga.

Weli lacag maku kharash gareysay telefoon aan kaaga ahayn?

Waxaad ka war heysaa dad si khaldan u isticmaala teleofonka si ay lacag ugu helaan.

In muddo ah dadku waxay teleofonka u adeegsan jireen inay uga nabad galaan waxyaabaha xun iyo dembiyada.

telefoonka gacanta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Kenya, tusaale ahaan, haweeney ayaa dembi ku jirta waxaana laga yaabaa in loo xiro lacag dhan 271,200 oo shilinka Kenya ah taas oo si khaldan loogu soo shubay akoonka telefoonkeeda gacanta.

Elizabeth Karimi ayaa waxay warbaahinta gudaha tebisay in lacagta uu ku soo khalday qof si khaldan u qoray nambarka akoonka. Markii ay shirkaduhu isku dayeen inay dib u soo celiyaan lacagta, Karimi ayaa mar hore la baxday lacagta. Markii dambe kiiska waxaa loo geeyay booliiska waana la raadiya, waa la soo xiray maxkamad ayaana la soo taagay.

Tani waxay kaaga digeysaa inaadan telefoonkaaga u adeegsan inaad dembi ku gasho haddii aad moodeyso inuusan sharcigu ku qaban.

Hubi inaad si sharci ah u iibsato telefoon amaba aad ka iibsato qof la hubo

Haddii aad moodeyso inaad telefoon ka iibsan karto qof walba sababtoo ah waxaad ku heshay qiimo jaban, waxaad u baahan tahay inaad mar kale fekerto. Khatar sare ayaa ku jirta inaad telefoon ka iibsato qof walba.

Waxaa jira dad loo xiray kiisas dembiyo oo khatar ah sida dil, iyagoo dadka ka iibiyay telefoonno dembiyo lagu galay.

telefoonka gacanta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qof ayaa qiimo jaban telefoon kaaga iibinaya balse waa mid la soo xaday kaas oo xitaa kuu horseedi kara qabrigaaga.

Marka ay booliisku baaraan oo ay dabagalaan telefoonka, ayaad ka war heleysaa adiga oo warmoog ah, waxaa kale oo aad maxkamadaha ku arkeysaa dad isku heysta telefoonno qaab noocaas oo kale ah lagu kala iibsaday.