Sharciga baraha bulshada: Waxa aad baraha bulshada soo dhigeyso ma laga yaaba in xabsi ay kuu horseedaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images/BBC
Dadka qaar waxay baraha bulshada soo dhigaan sawirro qurxoon iyo meelaha ay booqdaab, kuwana arrimo ayey ka cabanayaan, kuwa kalena waxay ka hadlaan xaalado xasaasi ah.
Inta badan marka aan ra'yi ka dhiibanayno Twitter-ka iyo Instagram-ka, aad ugama fiirsano.
Balse, ka waran haddii ay boolis albaabkaaga u soo garaacaan sababo la xiriira qoraal aad soo dhigtay baraha bulshada?
Marka ay timaaddo sharciga baraha bulshada, waxaa jiro xeerar xadiyada xadgudubyada iyo meel-ka dhaca.
Dr Christian iyo Arlene Foster
Waxaa laga yabaa in aad aragtay sheekada la xiriirta Dr Chiristian Jasen, oo ahayd in xilli aan sii fogeyn lagu ganaaxay lacag gaareysa $125,000 oo doolar ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu dhibaato iyo meel ka dhac u geystay hoggaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee DUP ee Arlene Foster ee Northern Ireland.
Digtoorka waxaa uu barta Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku yiri in haweeneydan ay sameeysay gogol dhaaf ama xiriir iyadoo la qabo, mana ahayn wax run ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images/BBC
Warkaas been abuurka ah ayaa ku baahay baraha bulshada, dadka badankoodana si fiican uma aysan eegin isha warka uu ka soo baxay. Waa arrin iska dabiici ah, sababtoo ah badankeena ma hubino in warka uu been abuur yahay iyo inkale.
Sidaa darteed haddii aad soo dhigto baraha bulshada arrin been abuur ah oo la xiriirta dadka caanka ah ama siyaasi, waxay kuu horseedi kartaa dhibaato iyo in laguu ganaaxo meel-ka dhac shakhsiyadeed.
"Qofka aad meel ka dhaca ku sameeysay ma jirto wax ka hor istaagi kara inuu dacwad kugu soo oogo," ayay tiri Eva Baracha oo ka socota shirkadda Cohen Davis Solicitors oo qareenno ah.
"Inkastoo inta badan aysan dhicin haddan qoraalka Twitter-ka ee Dr Christian aad ayuu u khatar badan yahay", ayay tiri Eva.
Sidaa darteed misaanka eedda loo haysto dictoorka aad ayuu u culus yahay, aad ayaanna loola yaabay, wuxuuna qoraalkaasi dhaawac u geeysatay sumacaddeeda.

Xigashada Sawirka, Eva Bracha
"Haddii aad horay baraha bulshada u soo dhigtay qoraal ama hadal meel ka dhac ku ah dadka caanka ah, oo aadan arkin askar albaakaaga taagan oo dhahaysaa waxaa sameeysay xad-gudub fadalan hadda wixi ka dambeeyay iska ilaali waxa aad baraha bulshada ku baahinayso" ayay tiri Eva
"Haddii aad aragto wax ku soo jiidanaya oo la xiriira nacayb, iska ilaali oo waxaad ka mid noqon kartaa dhibaatada ay horseedaan waxyaabahaas aad baraha bulshada ku aragtay kana falcelisay."
Eva maalinkasta waxaa soo waca dad doonaya inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dad meel ka dhac dhanka baraha bulshada ah ka sameeyay.
'Ka waran haddii aan si qarsoodi ah u sameeyo?'
Arrimaha sida aflagaadda iyo dhibaataynta, sharciga way ku cadyihiin.
Toddobaadkii la soo dhaafay siddeed nin ayaa loo xiray arrimo la xiriira midabtakoor iyo aflagaaddo ka dib markii ay barta Twitter ku aflagaadeeyeen cayaartooy u dheela kooxda Tottenham. Waxaa sidoo kale jiray kiisas kale oo la mid ah kuwaas.
"Dadka waxay u maleeyaan haddii ay qof ku aflagaadeeyaan cinwaano qarsoodi ah in aan la soo qaban karin," ayay tiri Eva.
"Waa lagu soo ogaan karaa, oo waxaan shaaca ka qaadnaa cinwaano badan oo si qarsoodi ah wax loo soo dhigo."












