Burcad Internetka oo lacag boqolaal kun madax furasho ka qaatay maamul magaalo

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulka magaalada Florida ee dalka Mareykanka ayaa go'aan ku gaaray inuu lacago madax furasho ah oo gaarayo 600,000 doolar uu siiyo maleeshiyaad kamid ah burcadda Internetka si ay dib ugu soo ceshadaan xogtii laga dhacay.
Koombiitaradii dowladda hoose ayaa shaqeyn waayay markii ay weerartay burcadda Internetka si ay madax furasho u weyddistaan maamulka isla markaasna dib ugu soo celiyaan howshoodii.
Burcadda ayaa waxay jabsadeen xogta waaxda gurmadka degdeg ah ee magaalada, waxay arrintaas u horseeday in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ay ku shaqeyaan warqad iyo qalin.
Shaqaalaha dowladda hoose ee magaaladaas oo gaarayo 35,000 ayaa u codeeyay in lacag madax furasho ah la siiyo burcadda Internetka sii loo celiyo xogtii laga jabsaday, waxay arrintani ka dambeysay baaritaano ay sameeyeen khuburro maamulka u qaabilsan arrimaha ammaanka Internetka.
"Waa in aan raacnaa talooyinka ay noo soo jeediyeen khuburrada oo ah bixinta lacagta" ayay tiri Rose Anne Brown oo ah afahayeen u hadashay dowladda hoose ee Riviera Beach oo hoostagto magalaada Florida.
Brown waxay sheegtay in aysan jirin caddeyn muujineysa in burcadda ay dib usoo celin doonaan xogtii ku keydsaneyd Koombiitarada dowladda hoose marka lacagta ay qaataan kaddib.
Lacagta madax furashada ah waxaa lagu bixiyay nidaamka bitcoin, waxaana lacagta lagu maareeyay barnaamijka ceymiska ee dowladda hoose.
Koombiitarada ayaa la weeraray dabayaaqadii bishii May ee sanndkan kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha dowladda hoose uu gujiyay lifaaq loogu soo diray Email-ka, weerarkan waxaa uu dhibaato u geystay adeegyada shacabka, waxaana damay xarumiihi biyaha gaarsiin jiray.
"Burcadda Internetka waxay doonayaan in weerarkooda ay u adeegsadaan inay ka faa'idaan, waana sababta ay u jabsadeen xogtii muhiimka aheyd ee magaalada, waa qaab ganacsi u ah" ayuu yiri Cesar Cerrudo, madaxa teknooloojiyadda shirkadda arrimaha amniga qaabilsan oo lagu magacaabo IOActive.
Ha'yadda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa la rumeysan yahay inay baareyso dhacdada balse kama aysan hadlin burcaddii Internetka ee jabsatay xogta maamulka hoose ee Riviera Beach iyo go'aanka lagu bixiyay madax furashada.











