Waa kee dalka kaalinta 1aad ka galay "farxadda dunida" muxuuse ku mutaystay

Farxad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Finland ayaa noqotay sannadkii 8aad oo xiriir ah dalka ugu horreeya ee dadkiisu ay dunida ugu farxadda badan yihiin, ayadoo khubaradu ay taa la xiriirinayaan ayadoo dadka dalkaas ay ka helaan dabeecadda, iyo hanaanka cayrta oo ah mid aad u fiican.

Waxay ka hormartay dalalka kale ee seddexda ah ee la isku yiraahdo Nordic, sida lagu xusay warbixin ay Qaramada Midoobay taageeraysay oo ku saabsan farxadda dunida, halka Costa Rica iyo Mexico ee qaaradda Latin America ay soo galeen markii ugu horreysay 10ka dal ee ugu horreeya.

UK iyo Maraykanka waxay hoos ugu dheceen kaalimaha 23 iyo 24, ayadoo Maraykanku gaaray heerkii ugu hooseeyey abid.

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka ajnabiga ah ay ka naxariis badan yihiin laba-laab marka la eego fikradda ay dadku ka haystaan. Halbeegga lagu qiyaasay ayaa ah in si ula kac ah loo lumiyey boorsada yar ee lacagta lagu qaato, si loo eego inta xabbo ee inta la helo dib loo soo celiyo, ayadoo la barbar dhigayo tirada dadka rajada ka qaba inay helaan.

Tirada boorsooyinkaas ee la soo celiyey ayaa laba goor ka badan sidii ay dadka iyo daraasadduba sii saadaaliyeen, ayadoo caddaymo laga soo uruuriyey dunida oo dhan lagu ogaaday si ka duwan sidii hore in rumaysashada naxariista dadka kale ay aad ugu xiran tahay farxadda.

Warbixinta farxadda dunida ee 13aad ayaa la shaaciyey ayadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee Qaramada midoobay ay u astaysay farxadda, taasoo kaalimo kala gelisa dalalka caalamka ayadoo dadka la weydiinayo inay qiimeeyaan noloshooda.

Finland waxay keentay 7.736 dhibcood ayadoo dhibacaha ugu badan ay yihiin 10, waxaana kaalinta 2aad gashay Denmark.

Khubarada waxay sheegayaan in dalalka Costa Rica iyo Mexico marka la eego lala xiriirinayo isku xirnaanshaha adag ee qoysaska.

Farxad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasadda oo ay daabacday Jaamacadda Oxford ayaa dadka lagu weydiistay inay noloshooda kala geliyaan kaalimaha 0 – 10, ayadoo 0 ay tahay tan ugu liidata, halka 10 ay tahay nolosha ugu fiican. 10ka dal ee ugu hoorreeya ayaa noqday.

1. Finland

2. Denmark

3. Iceland

4. Sweden

5. Netherlands

6. Costa Rica

7. Norway

8. Israa'iil

9. Luxembourg

10. Mexico

Warbixinta farxadda dunida ee 2025 waxaa kaloo lagu ogaaday:

Hoos u dhac ku yimid farxadda iyo kalsoonida bulshada ee Maraykanka iyo qaybo Yurub ka tirsan, taasoo muujinaysa sare u kaca iyo jihada kala qaybsanaanta siyaasadeed.

Cuntada oo la wada cuno ayaa aad loola xiriiriyey niyad wanaagga caalamka.

Baaxadda qoysaska ayaa lala xiriiriyey farxadda, ayadoo 4 ama 5 qof oo wada nool ay yihiin kuwo ku nool heerka ugu sarreeya farxadda, gaar ahaan Mexico iyo Yurub.

Jeffrey D Sachs oo ah guddoomiyaha UN sustainable development solution network ayaa sheegay in waxyaabaha ay warbixinta soo bandhigtay ay mar kale xaqiijimnayaan "in farxaddu ay xididdo ku leedahay kalsoonida, naxariista iyo isku xirka bulshada".

"Innaga ayey naga falantaa ka bulsho ahaan in aan u fasiranno xaqiiqdaas na hortaalla ficillo taban, ayadoo taa ay keenayso in la kobciyo nabadda, ilbaxnimada, iyo wanaagga mujtamacyada dunida" ayuu yiri.

Qaamuuska Stanford Encyclopedia of Philosophy oo micnaynaya waxa ay farxadi tahay ayaa leh waxaa jira laba fikradood oo farxadeed. Mid ayaa ereyga si la mid ah u isticmaala wanaagga ama ladnaanta ama kobcinta, waxaana laga yaabaa in loo isticmaalo erey cilmu nafsi ah oo keliya iyo qeexitaan la mid ah "niyad-jab" ama "dejin."