Maxaa wadahadalkii taleefan ee Putin iyo Trump ay Raashiyaanku ugu arkeen guul iyaga u soo hoyatay?

Putin and Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Moscow ayaa u aragta wadahadalkii khadka taleefanka ee dhawaan ay wada yeehseen madaxweyne Trump iyo Putin mid u daneeyay aqalka Kremlin k, sida ay jariirad Ruushka ku taallaahi ay ciwaan uga dhigtay qoraal ay daabacday.

Hadaba, Maxay Ruushka 'guul' u sheeganayaan kadib wadahadalkaan taleefnaka ee qaatay labada saacadood?

Laga yaabee in sababtu tahay in markii uu dhamaaday taleefankii Putin iyo Trun aan Putin lagu qasbin inuu sameeyo tanaasulaad weyn oo uu u sameeyo Ukraine ama Maraykanka. Taas beddelkeeda, wuxuu dhab ahaantii diiday fikradda Trump ee xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah oo 30 maalmood ah.

Halkii ay Moscow ku cadaadin lahayd hanjabaado cunaqabatayn iyo tallaabooyin adag oo lagu riixayo inay aqbasho qorshaha Maraykanka, maamulka Maraykanku wuxuu ka jawaabay isagoo ammaanay hogaamiyaha Ruushka.

"Waxaan yeelanay wadahadal wanaagsan," Trump ayaa u sheegay Fox News.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan ku ammaano madaxweyne Putin wax walba oo uu sameeyay maanta intii lagu jiray baaqii ahaa in dalkiisa uu u dhaqaaqo heshiis nabadeed oo kama dambays ah," ayuu yiri ergayga Trump, Steve Witkoff.

Ma aha oo kaliya in Moscow ay diiday in ay ogolaato xabbad joojin shuruud la'aan ah, laakiin Putin ayaa sidoo kale shuruudo hordhigay nabadda.

Putin

Xigashada Sawirka, EPA

Shuruudahan waxaa ka mid ah joojinta kaalmada milatari ee reer galbeedka iyo la wadaagidda xogaha sirdoonka Kyiv, iyo sidoo kale joojinta abaabulka Ukraine. Shuruudahan ayaa si weyn loogu arkaa inay yihiin hab lagu xaqiijinayo gacangalinta Ukraine.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taas bedelkeeda, way ku adag tahay Kyiv inay ogolaato mid ka mid ah shuruudahan.

Laakiin Moscow miyay ugu dambeyntii ku qancin kartaa maamulka Trump in shuruudahan la aqbali karo? Hadday sidaas noqoto, Washington ma ku qasbi doontaa Kyiv inay aqbasho?

Waxay inta badan ku xiran tahay in Kremlin-ka uu ku qancin karo Trump in ay wax badan ka heli karto xoojinta xiriirka Moscow halkii ay ka difaaci lahayd Ukraine.

Si loo adkeeyo qodobkan inta lagu guda jiro wadahadalada Mareykanka, saraakiisha Ruushku waxay ku dhufanayaan dhiirigelinta dhaqaale iyo dhaqaale, iyaga oo ka hadlaya faa'iidooyinka wadajirka ah ee ka dhalan kara xiriirka Ruushka iyo Mareykanka haddii labada dal ay awoodaan inay dib u soo nooleeyaan xiriirkooda laba geesoodka ah oo ay ka shaqeeyaan mashaariicda wadajirka ah.

Putin ayaa dhawaan kor u qaaday suurtagalnimada iskaashiga Maraykanka iyo Ruushka ee wax soo saarka aluminium ka iyo macdanta dhifka ah ee dhulka.

Fariintaasi waxay u muuqataa inay mar hore soo baxday, sida Trump uu Talaadadii ku sheegay wareysi uu siiyay Fox News: "Waxaan jeclaan lahayn inaan ganacsi badan la yeelanno Ruushka."

Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri "Waxay hayaan waxyaabo aad qaali noogu ah oo ay ka mid yihiin macdan naadir ah, waxayna leeyihiin dhul aad u balaaran oo ah kan ugu wayn aduunka, waxay haystaan waxyaabo aanu ka faa'iidaysan karno.

Moscow waxay rajaynaysaa, oo laga yaabaa inay xisaabiso, in Trump uu mudnaanta siin doono helitaanka qayb ka mid ah "hantida ma-guurtada ah ee Ruushka" si loo helo heshiis la aqbali karo si loo soo afjaro dagaalka,.