Sida Putin iyo Trump ay dunida u gilgileen toddobaad gudihii

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii uu qalinka ku duugay goob-joognimadiisii kacaankii Ruushka 1917-kii, saxafiga Maraykanka ah ee John Reed waxa uu cinwaan uga dhigay Toban Maalmood oo gilgilay Adduunka.
Laakiin 10 maalmood ayaa aad ugu dheer Donald Trump iyo Vladimir Putin. Toddobaad gudihii ayay wax gilgileen.
Waxay ku bilaabatay wada-hadalkii taleefoonka ee Putin-Trump 12-kii Febraayo iyo ballan-qaadkoodii madaxweynanimo ee ahaa in ay bilaabaan xiriirkooda.
Waxaa sii socday shirkii amniga ee Munich iyo khilaafkii u dhexeeyay Yurub iyo Ameerika.
Ka dib waxaa xigay wadahadallada Ruushka iyo Mareykanka ee Sacuudi Carabiya: xiriirkii ugu horreeyay ee heer sare ah oo dhexmara labada waddan tan iyo markii Kremlin-ka uu si buuxda u weeraray Ukraine.
Waa todobaad sare u qaaday isbahaysigii soo jireenka ahaa, ee Yurub iyo Ukraine oo ay dantu ku khasabtay in ay ka jawaabaan tallaabadaas baqdinta galisay amniga Yurub, Ruushkana u horseeday halka uu rabay iyo miiska sare ee siyaasadda caalamka, isaga oo aan wax tanaasul ah ka sameynin halkaas.
Hal sawir ayaa qabsaday wargaysyada Ruushka ka soo baxay subaxnimadii Arbacada: saraakiil sarsare oo reer Ruush iyo Maraykan ah oo fadhiya miiska wada xaajoodka ee Riyadh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kremlin-ka ayaa doonaya in shacabka Ruushka iyo beesha caalamkuba ay arkaan in dadaalladii reer galbeedka ee lagu go'doominayay Ruushka dagaalka Ukraine uu fashilmay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta Ruushka ayaa soo dhawaynaysa rajada xiriir diirran oo lala yeelanayo Washington waxayna ku quursanayaan madaxda Yurub iyo Kyiv.
"Trump waa uu og yahay inuu u tanaasulayo [Ruushka] sababtoo ah wuxuu la xaajoonayaa dhinaca ku guulaystay dagaalka Ukraine," ayuu qoray tabloid Moskovsky Komsomolets oo u janjeera dhanka Kirimilinka. "Wuxuu samayn doonaa tanaasul, maaha kharashka Ameerika, laakiin kharashka Yurub iyo Ukraine.
Dadku waxay eegayaan oo ay sugayaan in Trump uu dhab ahaantii u noqon doono saaxiibka cusub ee Ruushka iyo in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine.
"Trump waa ganacsade. Waxa uu xiiseynayaa oo kaliya inuu lacag sameeyo," Nadezhda ayaa ii sheegay. "Uma maleynayo in arrimuhu ay ka duwanaan doonaan, waxaa jira wax badan oo u baahan in la sameeyo si xaaladda loo beddelo."
"Waxaa laga yaabaa in wadahadalladaas [Sacuudi Carabiya] ay ku caawiyaan," ayuu yiri Giorgi. "Waxaa la gaaray waqtigii aan joojin lahayn cadawga."
"Trump waa fir fircoon yahay. Laakiin wax ma sameyn doonaa?" taas ayaa su'aasha is weydiinta mudan ah.
"Waxaan ku riyooneynaa in wada xaajoodyadani ay keeni doonaan nabad. Waa tillaabada ugu horreysa. Waxaana laga yaabaa in tani ay caawin doonto dhaqaalaheenna. Cuntada iyo badeecadaha kale ayaa kor u kacaya qiimaha halkan. Taasi waa qayb ahaan sababtoo ah howlgalka gaarka ah ee milatariga [dagaalka Ukraine] iyo xaaladda guud ee caalamiga ah."
Putin iyo Trump ayaa ku wada hadlay taleefoonka; Labadooda kooxood ayaa ku kulmay dalka Sacuudiga; dhawaan ayaa la filayaa in shir madaxeedka madaxweyneyaasha laba dal uu dhaco.
Laakiin maalmo ka hor wargeyska Moskovsky Komsomolets wuxuu isku dayay inuu qiyaaso wixii ay labada hoggaamiye iskula hadleen intii lagu jiray taleefoonka todobaadkii hore.
Waxay la yimadeen qaabkan:
"Trump wuxuu u yeeray Putin."
"Vladimir! Waxaad haysataa waddan qabow anna waxaan leeyahay waddan qabow. Maanu tagno oo dunida kala qaybino
"Waa waxaan sheegayay muddo badan? Aan yeelno!..."
Haye ka dhabee? Waan arki doonaa.













