"Nin jaad cuna gabar lama siinayo" amarrada ka dhanka ah khaatka ee laga soo saaray deegaankan Soomaalidu degto

Jaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Deegaanka Sala ee Ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa toddobaadkan soo saaray amarro ka dhan ah khaatka, sida cunista iyo ka ganacsigiisa.

Amarrada oo ay soo saareen guddiga odayaasha deegaanka oo ay warbaahinta la wadaageen ayaa lagu sheegay "in aan khaat lagu dhex gadi karin magaalada dhexdeeda, lagu dhex cuni karin, in nin khaat cuna aan gabar lagu dari karin sidoo kalena aan janaaso lagu tukaneyn".

"In ninka jaadka cuna aan janaaso lagu tukaneyn waxaan kala jeednaa, kuwa aan salaadda tukan oo sida diinta qabto lagu fulinayo. Qofka jaadka cuna ee salaadda tukada isaga kuma jiro, waa la waaninayaa," ayuu BBC-da u sheegay Aadan Daahiye Qoriyow oo odayaasha deegaanka ka mid ah.

Odayaasha oo shir jaraa'id qabtay kuna dhawaaqay amarradan ayaa sheegay in khaatku uu dhibaato badan ku hayay deegaankooda, gaar ahaanna dhalinyarada iyo ardayda iskuullada dhigata.

"Waxaan dhammaan dadka deegaanka Sala isku raacnay in la fuliyo amarradan, qofkii fuin waayana uu muteysanayo ciqaab ay ka mid tahay in bulshada laga dhex saarayo," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ka hadlay shirka jaraa'id.

Aadan Daahiye ayaa sheegay in kahor inta aysan amarka soo saarin ay sameeyeen wacyigelin ballaaran oo ku aaddan khaatka, taas oo ay haatan ku guuleysteen.

"Ilaa afar bilood ayaan wadnay wacyi-gelinta. Waxaa jiray afar dumar ah iyo hal nin oo magaalada jaad ku iibin jiray, markaan kala hadalnay way naga oggolaadeen oo hadda ganacsiyo kale ayay furteen," ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu BBC-da u sheegay in sababta ku kalliftay amarradan ka dhanka ah khaatka ee deegaanka ay tahay dhalinyarada ay ka midka yihiin kuwa iskuullada dhigta oo isticmaalayay khaatka, sida uu sheegay.

"Waxaa nagu kallifay ardaydii oo khaatka baratay, kaniiniga daroogada cuneysa iyo haweenkii oo kasoo cabanaya raggooda jaadka cuna oo aan biileynin," ayuu yiri Aadan.

Amarkan ayaa sidoo kale quseeya waxyaabaha kale ee daroogo ahaanta loo isticmaal sida xashiishka iyo tubaakada.

Jaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jaadka ayaa aad uga baxa Kenya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma aha keliya deegaankan meelaha mamnuucay jaadka, balse sanadkii lasoo dhaafay barasaabyada saddex gobol oo Kenya ka tirsan ayaa mamnuucay ka ganacsiga khaarka iyo isticmaalkiisa, gaar ahaanna nooca loo yaqaanno maguka.

Barasaabyada Mombasa, Kilifi iyo Taita Taveta ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo khaatka, taas oo caro ka dhalisay deegaannada kale ee khaatku ka baxo ee Kenya.

Mamnuucidda ayay ku sababeeyeen saameynta xun ee uu leeyahay, gaar ahaanna uu ku leeyahay dhalinyarada.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa laalay amarradaas, isagoo sheegay in khaatka nooca maguka uu ka ganacsigiisa sharci yahay sidaa darteedna aysan ahayn in la mamnuuco.

Muguka, waa nooc khaatka ka mid ah oo rakhiis ah, aad saameyn u leh isla markaana ah mid lala qabsado, waxaana aad looga isticmaalaa deegaannada xeebaha iyo kuwa gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Barasaabka Mombasa Abdulswamad Shariff Nassir ayaa marka ay amarka manuucidda soo saareen sanadkii hore sheegay in in ka badan kala bar dadka ku jiray xarunta dhaqan-celinta Mombasa ay ahaayeen kuwo isticmaali jiray khaatka maguka.

Saameynta khaatka uu leeyahay

khaatka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labada maaddo ee ku jirta khaatka ayaa dardar-geliya maskaxda iyo jirka qofka, waana maaddooyin xoogaa ka awood yar tan amphetamine oo iyadana ah daroogo.

Khaatka ayaa dadka ka dhiga kuwo hadal badan balse sidoo kale wuxuu sababaa hurdo la'aan iyo jahwareer muddo gaaban jira.

Dadka cuna oo saacado fadhiya ayaa wuxuu siiyaa dareen degganaan ah, sida ay sheegeen dadka qaar.

Daroogada khaatka ayaa laga yaabaa in dadka qaba xaaladaha maskaxda ay uga sii darto isla markaana ku keento dareen isku buuqsanaan iyo qallafsanaan ah.

Sidoo kale khaatka ayaa caabuq ku keeni kara afka waxyeellana gaarsiin kara ilkaha, waxaana jira walaac laga qabo inuu muddada dheer sababi karo khatarta kansarka afka.