Caqabad hor leh oo la soo daristay ganacsatada Kenya ee qaadka loo fasaxay

Jaadka Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ganacsatada qaadka ayaa waxaa laga yaabaa in dhoofintiisa ay sugaan in ka badan intii lagu waday in lagu geeyo Muqdisho maalin uun kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Jaadka.

Sababta ayaa lagu sheegay in shuruudo lagu xiray ka dib markii dhowaan la ansixiyay xeerar cusub oo dhanka dalagga beeraha ah.

Ganacsatada iyo Beeraleyda ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u furista suuqa Soomaaliya, balse waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta sida uu dhigayo sharciga cusub ee ay dhawaan soo saartay dowladda Kenya.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Qaadka Kimathi Munjuri ayaa BBC-da u sheegay in Hay'adda Beeraha iyo Cunnada (Afa) aysan wali shatiyada siinin ilaa 500 oo ah ganacsatada qaadka dhoofisa.

Si degdeg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri Munjuri.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo.

Balse markii ugu horeysay, ganacsatada jaadka Kenya waxaa looga baahan doonaa inay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan.

Sida xeerku dhigayo, dhoofiyayaashu qaadka waa inay diiwaan gashadaan oo ay shati ka haystaan ​​Afa. Ganacsatada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay helaan ogolaanshaha dhoofinta shixnad kasta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qof kasta oo dhoofiya qaadka bilaa shati waxa uu mutaysan doonaa xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Peter Munya ayaa dhawaan ka warbixiyey xeerarkii wax laga beddelay.

Qodobbada Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen

In la iska kaashado arimaha Amaanka gaar ahaan la Dagaalanka Al-shabaab Xogaha Sirdoonka la isdhaafsado Xuduudahana la isku furo. 

In danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo. 

In la Ixtiraamo madaxbanaanida iyo in la iska kaashado arrimaha bini’aadantinimada.

Kenya ayaa waxa ay ogolaatay in dib loo bilaabo Duulimaadyadii Shirkada Diyaaradaha Kenyan Airweys ee horay loo hakiyay.

Waxaa la fududeeyay Caqabadihii ka jiray Visaha Kenya gaar ahaan waxaa loo fududeeyay Masuuliyiinta Dowlada, dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga iyo kuwa heysta Service Passport-ka.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay in dadka heysta Passporka Caadiga ah muddo 10 maalmood ah lagu siiyo Fiisaha. 

In guddi ka shaqeeya dhaqan galinta heshiiska ay kulmi doonaan Bisha Soo socoto ee Ogosto.

Sida ay horey u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya khasaare lixaad leh ayaa ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.Jaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la'aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

Maxaa Soomaaliya ka dhigay suuqa kaliya ee qaadka Kenya la geeyo?

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaqan galay mamnuucid lagu soo rogay qaadka oo ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay waxyaabaha maanka dooriya ayna isticmaalaan bulshooyinka dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Britain ayaa sheegtay xilligaas in mamnuucidda qaadka ay UK la jaanqaadi karto dalalka kale ee Yurub oo uu ka mid yahay maaddooyinka laga ilaaliyo dadka.

Qaadka Kenya ay u dhoofin jirtay UK waxaa sanadkii ka soo gali jiraty lacag dhan 7.5 milyan oo doolar.

Dadka ku nool gobolka Meru ee dalka Kenya ee uu ka baxo qaadku, ayaa xilligaas ka muujiyay walaac la xiriira saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta joojinta qaadka.

Tallaabadaas ay qaadday dowladda Ingiriiska, sanadkii 2014-kii ayaa Meesha ka saartay dhaqaale badan oo ay heli jireen ganacsatada qaadka, waxaana soo xirmay suuqii ugu weynaa ee qaadka Kenya loo dhoofin jiray.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa xilligaas ugu baaqay dawladda Ingiriisku in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka hase yeeshee arrintaa UK dhaq jalaq umaysan siin.

Intaa wixii ka dambeyay dalka Soomaaliya ayaa Kenya u noqday suuqa kowaad ee jaadka loo iib geeyo isla markaana laga helo dhaqaale tiro badan.

Cadaadiska ganacsatada. Ganacsatada gobalka Meru ee dalka Kenya oo ah halka qaadku uu ka baxo ayaa dowladda cadaadis ku saarayay tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya, in arrintaa ay wax ka qabtaan oo ay ku wajahaan xal horseed u noqon kara in mar kale loo daabulo qaadka Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

Ganacsatada qaadka Kenya, ayaa sheegay in kalluunka ugu badan uu Kenya uga yimaadaa Shiinaha, taasi oo ay sheegeen in aysna jirin sabab kalifi karta maadama Soomaaliya ay ka soo dhoofsan karaan kalluun.

“Ma jirto sabab aan Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayaan ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar," ayuu yiri Kimathi oo ah guddoomiyaha ururka beerlayda qadaka.