Maxay ganacstada qaadka ee Kenya suuq muhiim ah ugu arkaan Soomaaliya?

Ganacsiga qaadka

Xigashada Sawirka, NATION MEDIA GROUP

Sida ay horey u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya khasaare lixaad leh ayaa ka gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.

Jaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la'aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

"Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba , qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaartay arrintaas,maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, annagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto," ayuu yiri Munjuri.

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

Ka hor intii aaney dowladda Soomaaliya, joojin qaadka Kenya waxay ahayd suuqa kaliya ee la gayn jiray jaadka loo yaqaanno “Miraa” ee Keya ka baxa.

Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah

Xigashada Sawirka, AFP

Maxaa Soomaaliya ka dhigay suuqa kaliya ee qaadka Kenya la geeyo?

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaqan galay mamnuucid lagu soo rogay qaadka oo ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay waxyaabaha maanka dooriya ayna isticmaalaan bulshooyinka dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Yemen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Britain ayaa sheegtay xilligaas in mamnuucidda qaadka ay UK la jaanqaadi karto dalalka kale ee Yurub oo uu ka mid yahay maaddooyinka laga ilaaliyo dadka.

Qaadka Kenya ay u dhoofin jirtay UK waxaa sanadkii ka soo gali jiraty lacag dhan 7.5 milyan oo doolar.

Dadka ku nool gobolka Meru ee dalka Kenya ee uu ka baxo qaadku, ayaa xilligaas ka muujiyay walaac la xiriira saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta joojinta qaadka.

Tallaabadaas ay qaadday dowladda Ingiriiska, sanadkii 2014-kii ayaa Meesha ka saartay dhaqaale badan oo ay heli jireen ganacsatada qaadka, waxaana soo xirmay suuqii ugu weynaa ee qaadka Kenya loo dhoofin jiray. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa xilligaas ugu baaqay dawladda Ingiriisku in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka hase yeeshee arrintaa UK dhaq jalaq umaysan siin.

Intaa wixii ka dambeyay dalka Soomaaliya ayaa Kenya u noqday suuqa kowaad ee jaadka loo iib geeyo isla markaana laga helo dhaqaale tiro badan.

Qaadka

Xigashada Sawirka, JOSEPH KANYI

Sababaha kale ee Kenya ugu aragto muhiim in qaadka la geeyo Soomaaliya

 Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlayay.

Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan ay yeellan doonaan labada dal. Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 Dhanka kale, iyadoo xilligaan Kenya ay ka socdaan olalaha doorashooyinka dhacaya bisha soo aaddan ee Ogoosto ayaa inta badan musharraxiintu waxay ku soo jiidanayaan codbixiyaasha in Soomaaliya ay kala hadli doonaan arrinta qaadka oo xal laga gaari doono.

Cadaadiska ganacsatada.

 Ganacsatada gobalka Meru ee dalka Kenya oo ah halka qaadku uu ka baxo ayaa dowladda cadaadis ku saarayay tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya, in arrintaa ay wax ka qabtaan oo ay ku wajahaan xal horseed u noqon kara in mar kale loo daabulo qaadka Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

 Ganacsatada qaadka Kenya, ayaa sheegay in kalluunka ugu badan uu Kenya uga yimaadaa Shiinaha, taasi oo ay sheegeen in aysna jirin sabab kalifi karta maadama Soomaaliya ay ka soo dhoofsan karaan kalluun.

“Ma jirto sabab aan Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayaan ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar," ayuu yiri Kimathi oo ah guddoomiyaha ururka beerlayda qadaka.

Dhaqaalo la’aanta dunida

Dunida waxaa saameyn ba’an oo dhanka dhaqaalaha ku yeeshay Coronavirus oo sababay xayiraado lagu soo rogay dalalka dunida. Sidoo kale waxaa xaaladda uga sii daray dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo dhaliyay sicir-barar saameyay nolasha dadyowga caalamka.

Labadaan caqabadood ee Coronaha iyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka, ayaa mar kale Kenya uga dhigaya arrin muhiim ah in heshiis laga gaaro arrinta qaadka oo labada dowladood ay raadiyaan xal rasmi ah si ganacsatada Kenya ay ugu suurtasho helitaanka dhaqaalihii tirada badnaa ee markii horaba ka soo gali jiray.