Trump oo si adag ugu jawaabay dalalka reer Yurub ee ka carooday kulanka Ruushka iyo Mareykanka ee arrimaha Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka iyo Maraykanka ayaa yeeshay wada-halkoodii ugu horreeyay ee heer sare ah tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine, iyadoo Madaxweyne Trump uu kalsooni ka muujiyay inay horseedi karaan heshiis nabadeed oo lagu soo afjaro dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in dalkiisu marnaba uusan aqbali doonin in ciidamo nabad-ilaalin oo ka socda gaashaanbuurta NATO la keeno dalka Ukraine, si kastaba haku yimaadeene.
Lavrov oo hadlayey ka dib wada-hadallo heerkoodu sarreeyey oo magaalada Riyadh ku dhex maray wafuud ka kala socotay Maraykanka iyoi Ruushka ayaa intaas ku daray in ciidamo lagu soo daabulo Ukraine midabkey doonaan ha la haadeene aysan waxba ka beddeli doonin xaaladda, sidaas darteedna aan sinnaba loo aqbali karin.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa intii lagu gudajirey wadahadallada uu Sacuudigu martigeliyey, waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in ay soo celiyaan xiriirkoodi diblomaasiyasiyeed, iyagoo dalba dalka kale u magacaabayo danjire, isla markaana ay kooxo farsamo u saaraan wada-xaajoodka lagu soo afmeerayo dagaalka lagu riiqday ee saddexdii sano ee ugu dambeysey ka socdey dalka Ukraine.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio oo hoggaaminayey waftiga ka socdey Washington ayaa dhankiisa soo niyad wanaag ka muujiyey wadaxaajoodka dhex maray labada dal, kaas oo uu ku tilmaamay billowga waddo dheer haddana dhib badan, balse muhiim ah.
Kulanka Riyadh ayaa ah kii ugu horreeyey inta la ogyahay ee si ka fool-kafool ah u dhex mara ergo ka kala socota Ruushka iyo Mareykanka tan iyo markii Mosko ay duullaanka ballaaran ku qaadday Ukraine.
Ka sokow labada wasiir arrimo dibadeed, waxaana kale oo kulanka ka qaybgalay xubno sarsare oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Mike Waltz, halka waftiga Ruushka ay ku jireen kaaliyaha Madaxweynaha Ruushka, Yury Ushakov iyo Madaxa Sanduuqa maaliyadda Qaranka Kirill Dmitriev.
Mr. Lavrov ayaa rejo fiican ka muujiyey bogga cusub ee u furmay Ruushka iyoi Mareykanka oo udub dhexaad u ahaa xarig-jiid in muddo ah ka dhex oognaa Moosko iyo dalalka reer Galbeedka, ku waas oo loollan adag oo ugu dambeyntii dagaal u xuubsiibtey ugu jirey sidii siyaasad ahaan loo hantin lahaa Ukraine. Wuxuuse carrabka ku adkeeyey in Ruushku uusan haba yaraatee wax gorgortan ah ka galayn bareerihiisi hore ee uu ku diidanaa in gaashaanbuurta NATO ku soo sikato soohdimihiisa, sida in Ukraine ku biirto xulufada Galbeedka, taas oo uu sheegay in ay halis toos ah ku tahay amniga dalkiisa.

Xigashada Sawirka, RUSSIAN FOREIGN MINISTRY / HANDOUT
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mr. Rubio ayaa dhankiisa sheegay in u uku qanacsan yahay in Ruushku uu daacad ka yahay geeddi-socod nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda Ukrain. Wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in dhamman dhinacyada dadaalladan ku lugta leh looga baahan yahay in ay wax huraan marka ay timaaddo gorgortanka laga galayo aayahaya arrimaha xaasaasiga ah ee u baahan garowshiyo. Wallow uusan carrab baabin waxa laga tanaasulayo.
Dhanka kale dalka Ukraine ayaa si weyn uga biyo diidey qaabka loo wahajay dadaallada xalka loogu doonayo Ukraine, gaar ahaan in laga ooday madasha looga hadlayo aayatiinkeeda.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go'aanka Mareykanku ku gaarey in aan lagu casumin wadahadallada taabanaya masiirka dalkiisa.
Mr. Zelensky oo ka hadlayey magaalada Ankara, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Turkiga, ayaa isagoo wajigiisa uu ka muuqdo diihaal darani ka muuqdo, wuxuu si weyn u diidey in go'aan aysan qayb ka ahayn laga gaaro qaddiyadda Ukrain.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Doodda madaxweynaha Ukraine ayaa inta badan dalalka reer galbeedka ula muuqday mid gar ah.
Laakiin waxaa durba ku gacan sayray hadalka Madaxweyne Trump oo ku eedeeyey in maaddaama uu mushkiladda qayb ka ahaa uusan xalka qayb ka noqon karin. Wuxuuna intaan in intan ka badan uusan ku daawan karin dhiiqgga ku qubanaya wuxuu ku tilmaamay micne darrida.
"Waxaan doonayaa in aan arko nabad. Sababtoo ah ma rabo in aan sii daawado dadka dhimanaya. Waxaan arkaa dad la dilayo iyo dhiig qubanaya oo la leeyahay waa dadkii Ukraine iyo Ruushka. Runtii aniga muhiim iima aha cidda ay yihiin iyo meesha ay dunida uga nool yihiin. Waayo dad waa ii dad. Waxaana aaminsanahay in aan leeyahay awood aan ku soo afjaro dagaalkan. Waxayna ila tahay in hawshu si habsa,mi leh u socoto.
Madaxda reer Yurub ayaa isugu yimid shir halhaleel loo abaabulay oo Isniintii ka dhacay magaalada Paris, kaas oo looga arrinsanayey isfahamka degdegga ah ee dhex maray Donald Trump iyo Vladimir Putin, haseyeeshee waxay ku guuldarreysteen in ay mowqif mideysan isku raacaan.
Ra'isul Wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer oo kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in qorshe kasta oo ku saabsan Ukraine marnaba looga maarmin ka warqabka Mareykanka, si looga gaashaanto in Ruushku mar kale handado deriskiisa. Wuxuuna ballanqaaday in uu ciidamo nabadda ilaaliya u soo diray Ukraine.
Laakiin dhiggiisa Jarmalka Olaf Scholz, oo ka mid ah bahwadaagta NATO, ayaa dhankiisa ka gows-adeygay in xilligan laga hadlo ciidan loo diro Ukraine, wuxuuna qorshahaas ku tilmaamay mid dhalanteed ah.
Ra'isul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa sidoo kale sheegay in uusan ku talo jirin ciidan loo diro Ukraine.
Ra'isul Wasaaraha talyaaniga Giorgia Meloni – oo ah hoggaamiyaha qura ee ka tirsan Yurub ee ka qaybgashay caleemosaarkii Trump, ayaa shaki ka muujisay hindisaha ciidanka loogu yaboohayo. Waxayna shirka Paris ka sheegtay in ciidamo Yurub ka socda oo xilligan loo diro Ukraine ay tahay mid canaab iyo culeys badan leh, haddana aan waxba ka tareyn nabadda Ukraine.
Si kastaba ha ahatee ka maqnaanshaha kulanka Riyadh, waxay dharbaaxo kulul ku noqotay madaxda Yurub oo waa cusub ku beryey ka dib markii uu quursaday saaxiib ay in muddo ah ku tiirsanaayeen islamarkaana ay isku arkaan kuwo u dakanoobay haddana waxba kama beddeli karaan xaaladda. Waxayna uga soo hartay in ay u qareemaan sidii Zelensky looga qaybgelin lahaa wadahadallada looga hadlayo mustaqbalka dalkiisa.
Laakiin Trump ayaa taas gaashanka u daruuray, wuxuuna sheegay Zelensky uusan qayb ka noqon karin xalka dhibaato uu mas'uuliyadeedsa wax ku lahaa.
"Maanta ayey leeyihiin ..Ooow, lama marti qaadin. Hagaag waxaad meesha joogteen 3 sano, waxaadna haysateen fursad aad ku soo afmeeri karteen dagaalka saddaxdaas sano socdey. In aadan markii hore dagaalka billaabin ayaana ka sii hobboonaan lahayd. Haddiise ay dhacday, waxay ahayd in aad mar hore heshiis qaadataan."
"Aniga taladeyda haddii ay noqon lahayd, mar hore ayaan Ukraine u keeni lahaa xal inta badan dhulkeeda ay ku soo ceshan lahayd, islamarkaana looga baaqsan karay dad intaas le'eg ka dhinto ama magaalooyinkeeda la dumiyo."













