Maxkamad ku taalla Sweden oo xukun ku ridday afar nin oo ku eedeysnaa inay Daacish la safteen

Daacish

Xigashada Sawirka, X

Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Isniintii ku heshay afar nin dambi ah in ay ka tirsan yihiin dowladda Islaamiga ah ama Daacish, iyagoo fulinayay hawlo ay ka mid yihiin shaqaale qoris iyo tababar dhinaca hubka ah, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maxkamadda ayaa raggan ku xukuntay xabsi u dhexeeya saddex sano ilaa 6 sano iyo bar oo xabsi ah.

Maxkamadda degmadda Nacka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in raggaasi ay doonayeen inay geystaan ficillo kala duwan, isla markaana dhammaantood ay haystaan dhalashada Sweden.

Falalkan ayay maxkamaddu sheegtay in ay raggan ku kaceen intii u dhexeysay sanadihii 2023-kii iyo 2024-kii, isla markaana ay baaritaanada muujinayaan in ay qeyb ka ahaayeen kooxda mintidiinta Islaamka ee IS ee ka jira Somalia.

"Hawlaha waxaa ka mid ah shaqaalaynta ururka, faafinta dacaayadaha, tababarka hubka iyo la talinta," ayuu yiri garsooraha.

Maxkamaddu waxay sheegtay in 3 ka mid ah afarta nin sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in ay diyaaranayeen falal dambiyeedyo in ay ka geystaan dalka Sweden sanadihii 2023 iyo 2024, balse waa lagu waayay dacwadan, sida ay maxkamaddu sheegtay.

"Maxkamadda degmadu ma aysan arkin in uu jiro qorshe cad oo ku filan oo ku saabsan dambi argagixiso oo loogu talo galay in la geysto," ayuu yiri.

Dacwad oogayaasha ayaa bishii Disembar dacwadahooda ku sheegay in saddexda nin ay ku talo jireen in ay dil ama dhaawac geystaan, laakiin ma aysan sheegin bartilmaameed gaar ah oo loogu tala galay in ay weerarka lagu qaao.

Qareenka difaacayay Cumar Yasser Axmed Atia, oo 21 jir ah, oo lagu xukumay lix sano iyo bar oo xabsi ah, ayaa sheegay in macmiilkiisa uu racfaan ka qaadan doono xukunka.

Qareenka difaacayay Rasmus Erik Johansson oo 23-jir ah oo lagu xukumay shan sano iyo bar oo xarig ah ayaa ka gaabsaday inuu wax ka hadlo xukunka.

Qareennada u doodaya Elyas Mohamed Hakamali oo 63 jir ah, oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo Daniel Elias Johansson oo 25 jir ah oo lagu xukumay lix sano ayaan ka hadlin waxa ay ka yeelayaan xukunka dhacay.

Xukunka raggan ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyiinkii u dambeeyay ay Soomaaliya gaar ahaan Puntland ay ka socdeen howlgalo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Ciidanka Puntland

Xigashada Sawirka, Mustaqbal Media

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Puntland waxay buuraleyda Calmiskaad ka wadaan howlgal ka dhanka ah IS, ayagoo sheegay inay guulo ka gareen.

Dhanka kale madaxwayne Trump ayaa ansixiyay weerarkii ugu horeeyay ee Daacish lagu qaado gudaha Soomaaliya, tan iyo markii uu talada la wareegay.

Duqeymaha Mareykanaka uu ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen hogaamiyayaal sare oo Daacish ah, waxayna Maraykanka sheegeen in ay ku dileen sarkaalkii Daacish u qaabilsanaa qorshayaasha.

Howlgalka Puntland oo muddo ka badan bil iminka socda ayaa waxaa sida ay saaakiisha sheegeen Dacish lagaga saaray dhul ballaaran.

Sidoo kale, Iimaaraadka carabta ayaa iyagana duqaymo ka wada aaggaas.

Balse howlgalka ayaa u muuqda in uu yahay mid aysan weli fari ka qodneyn.

Kooxda Daacish ayaa ka howlgasha dalal kala duwan, waxaana markii ugu horreysay ay ka soo bilaabmeen dalka Ciraaq.

Xilligaas ayay isku fidiyeen dalalka Suuriya iyo Ciraaq balse markii dambe waxaa lagaga adkaaday dagaallo halkaasi ka dhacay.

Guuldaradii Daacish ee dagaaladi Ciraaq iyo Suuriya ka dib ayay kooxda billowday in ay ka howlgalaan meelo kale oo caalamka ka mid ah.