Ismaaciil: "Dhibaatadii uu ii geystay cudurka debeysha ayaa igu dhalisay inaan caafimaadka barto"

Xigashada Sawirka, ISMAEL
Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda olole tallaalka dabeysha. Waxaa lagu tallaalayaa 2.5 malyan oo ah carrur da'doodu ka hooseyso shan sano.
Soomaaliya, marbaa lagu guuleystay in cudurka laga cirib tiro 2017-kii, balse mar kale ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii cudurka lagu arkay carruur dhawr ah.
Dabeysha waa cudur halis ah oo inta badan saameeya carruurta ka yar shan sano. Waxa uu horseedaa in cunuga naafo naqdo. Kiisaska qarna waa loo geeriyoodaa.
Dadka uu xanuunka dabeysha yaraantoodii uu haleeyay waxaa ka mid ah Ismaaciil Cilmi Cabdi oo haatan ah dhakhtar bartay Sheeybaarka.
"Cudurkan dabeysha waxa uu igu dhacay anigoo yar oo lix jir waxa uuna iga halleeyay labada lugood gaar ahaan qeybta hoose waxayna taas sababtay inaan noqdo qof naaf ah oo gurguurta," ayuu yiri Ismaaciil oo BBC-da la hadlay.
Waxa uu sheegay in saameyn xooggan u uku yeeshay xanuunkan sababay inuu socon waayo.
"Saameeyn weyn ayuu igu yeeshay bal ka waran canug guur-guuranaya oo meel tuulo ah joogo oo aan waxbarshada lugihiisa ku aadin karin. Iskuulka iyo dugsigii Qur'aankaba waan bartay anigoo guurguurnaya."
Inkastoo Ismaaciil uusan ahayn qof socon kara hadana waxa uu dedaal dheer u galay in caqabadaasi aysan marnaba ka reebin wax barashada waxa uuna hoosta ka xariiqay in ilaa heer jaamacadeed uu gaaro.
"Cudurkan waxbarashadeeydii waa uu saameeyay laakiin waxaan sameeyay dedaal dheeraad si aanan uga harin dadkii asaageyga ahaa lugahooda ku socday oo sidoo ay wax u baranayeen ayaan u bartay. Markii aan iskuulka dhameeyay waxaan bilaabay jaamacad oo iyadiinaa si guul ayaan u dhameeyay," ayuu yiri Ismaaciil Cilmi Cabdi.

Xigashada Sawirka, ISMAEL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isagoo dedaalkaas uga mahadceliyay waaliddiintiisa iyo macaallimiintiisa ayuu Ismaaciil sheegay inuu jaamacada ka bartay kulliyadda Caafimaadka gaar ahaan sheeybaarka. Waxa uu BBC-da u sheegay in sababta ku dhalisay inuu dhanka caafimaadka u weecdo ay ahayd inuu wax badan ka ogaado xanuunka dabeysha ee naafada ka dhigay.
"Waxaa igu dhaliyay maaddaamaa aan naafo ahay, naafadana aanan ku dhalanin inaan fahamo cudurkii aniga iyo dad badan oo saageyga ah sidaan ka dhigay."
Waxa uu sheegay in hadda uu sameeyo waci gelin la xiriirta xanuunka dabeysha maaddaamaa uu soo arkayay dhibaatadiisa.
"Qof walba oo waalid ah waxaan ku wacyi-geliyaa tallaalka nooc kasta uu yahay gaar ahaan kan loo adeegsado cudurka dabeysha sababtoo ah tallaalka hadda si fudud ayaa lagu helaa oo guryaha ayaa loogu geeyaa dadka iyadoo sidaas ay tahayna dad badan wey diidaan iyagoo aaminsan inuu cudur u keenayo laakiin waxaan u sheegayaa in tallaalka uusan cudur ahayn ee cudurka difaaco," ayuu yiri Ismaaciil.
Muxuu yahay tallaalka dabeysha?
Tallaalka looga hortago dabeysha ayaa hada sahlay in la ciribtiro cudurka dabeesha. Tallaalka waa mid afka laga qaato kaas oo siiya qofka difaaca dabeysha. Inta badan waa dhibco afka laga qaato taasina waxa sahal ka dhigeysaa in fudud lagu gaarsiiyo meelaha aan laheyn qalabka wax lagu keydiyo.
1988-kii ayaa adduunka laga bilaabay ololala ciribtirka dabeysha waxaana laga gaaray guul weyn kaddib markii kiisaska cudurka dabeysha adduunka ay yaraadeen.
Waa tallaal si fudud lagu maareyn karo iyadoo ay fududahay in dad badan hal mar la tallaalo taasna waxay keentay in carruur badan laga badbaadiyo cudurka.
Maxaa sababa cudurka dabaysha (polio)?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dabaysha waxaa keena mid ka mid ah saddexda nooc ee fayraska dabaysha. Badanaa wuxuu ku fidaa taabashada saxarada cudurka qabta awgeed. Tani waxay badanaa ka dhalataa nadaafadda liidata sida in aanu qofku gacmaha si joogta ah u dhaqan oo kale.
Waxaa kaloo sababi kara, cunista ama cabbitaanka cunto ama biyo wasakhaysan. Waxa kale oo lagu faafin karaa marka qof cudurka qaba uu qufaco ama ku hindhiso hawada taas oo qaadaysa dadka kalena gaarsiinaysa unugyo cudurku la socdo. Kuwa qaba fayraskan waxa uu saxaradooda kasoo dhex bixi karaa dhowr toddobaad markii ay qabaan dabaysha.
Dadku aad ayay u kala qaadaan cudurkan maadaama uu fayruus yahay oo uu dabaysha raaco isla markaaba ka hor inta aanay astaamuhu bilaabmin iyo isla marka ay soo baxaanba.
Astaamaha lagu garto cudurkan
Calaamadaha cudurka dabaysha way kala duwan yihiin. Inta badan dadka uu ku dhaoc haba yaraatee ma laha calaamado muujinaya in ay qabaan cudurka. Tan waxa loo yaqaan caabuq aan muuqan. Noocyada kale ee dabaysha waxaa la kala dhahaa abortive, nonparalytic, iyo paralytic.
Kuwa soo socda waa calaamadaha ugu caansan ee dabaysha. Laakin qof walba waxa uu yeelan karaa calaamado kala duwan.
Kuwa soo socda waa calaamadaha nooca ugu caansan ee dabaysha (abortive). Laakin qof walba waxa uu yeelan karaa calaamado kala duwan kuwa kale.
Abortive
Cudurka dabaysha ee abortive waa cudur fudud oo gaaban oo leh 1 ama in ka badan oo calaamadahan hoose ah:
Qandho
Cunto-cunka oo yaraada
Lalabbo iyo/ama matag
Cune xanuun
Xasilooni darro guud
Calool istaag
Calool xanuun
Nonparalytic
Calaamadaha cudurka dabaysha ee nonparalytic waa sida abortive oo kale. Qofka cudurka qaba waxaa laga yaabaa inuu xanuun dareemo dhowr maalmood. Dabadeed, waxa laga yaabaa in uu u muuqdo qof ka soo raynaya ka hor intaanay mar kale la jiran calaamadahan:
Xanuunka muruqyada qoorta, jirriddada, gacmaha, iyo lugaha
Qallafsanaanta qoorta iyo dhinaca laf dhabarta
Paralytic
Calaamadaha lagu garto dabaysha paralytic waa sida 2da nooc ee kale. Waxaa dheer, calaamadahan hoos ku xusan oo laga yaabo in qofka lagu arko:
Daciifnimada murqaha oo dhan
Calool istaag daran
Murqaha oo luma/caato
Neefsashada oo daciifta
Dhibaato dhanka jidiinka ah/liqidda
Curyaamowga murqaha (waxaa laga yaabaa in ay tani joogto noqoto)
Dhareerin badan













