Arrimaha horyaalla guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

Mohamud Ali Yusuf

Xigashada Sawirka, AFP

Todobaadkan horraantiisii waxa magaalada Addis Ababa ka dhacay doorashada gudoomiyaha midowga Afrika, waxaana u tartamay seddex murashax oo ka akala socday Kenya Soomaaliya iyo Madagascar, waxaana wareegyadii dambe oo aad u kululaa isugu soo haray jabuti iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa wareeggii 7aad ku guulaystay inuu helo 33 cod oo dalalka Afrika ah, wuxuuna sidaa ku helay 3 meelood oo laba aqlabiyadda, wuxuuna noqday guddoomiyaha midowga Afrika ee beddelaya Moussa Faki Mahamat.

Ku xigeenka guddoomiyaha ayaa ayadana waxaa lo doortay Selma Malika Haddadi oo u dhalatay dalka Algeria.

Haddaba guddoonka cusub ee hay'adda ugu sarraysa qaaradda ee uu hogaaminayo Maxamuud Cali Yuusuf waxaa horyaalla qodobbo aad xasaasi u ah oo loo baahan yahay in looga gudbo bisayl diblomaasiyadeed, xeelad iyo aqoon.

Kuwooda u baahan xeeladda iyo aqoonta waxaa ka mid ah isbeddelka midowga Afrika dhexdiisa gaaritaanka hadafka midowga Afrika ee 2063 ee ah in Afrika ay noqoto awood dunida la tartanta, dhaqangelinta aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda, maaraynta dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada, abaaraha iyo cudurrada, wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale ee caqabadda ku ah horumarka qaaradda iyo qaar kale.

Qodobbada kale ee guddoomiyaha cusub horyaalla waxaa ugu weyn xasaradaha.

Mohamud Ali Yusuf

Xigashada Sawirka, AFP

Dagaallada

Inkastoo Midowga Afrika uu hawlo wax ku ool ah qabtay, misna waxaa horyaalla mushkilado ka aloosan gobolka harooyinka waaweyn, geeska Afrika iyo Saaxil, kuwaasoo qaarkoodna mushkiladahooda ay dagaallo toos ah ay noqdeen, kuwa kalena ay u xuubsiiban rabaan dagaallo lagu hoobto.

Bishii July ee kal hore dalalka uu milaterigu hogaamiyo ee Mali, Burkina Faso iyo Niger waxay ka baxen urur goboleedka ECOWAS, ayadoo ka door biday urur goboleed hor leh oo la magac baxay isbahaysiga dalalka Saaxil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suudaan, Gabon, Guinea iyo Chad waxaa ayagana sannadihii dhawaa soo maray inqilaabyo. Dalalka Zimbabwe, Tunisia iyo Comoros waxaa ayagana soo maray doorashooyin loo arkay in aysan ahayn kuwo dimoqaraadi ah.

Xiisadaha qaaradda muddada dheer ka taagan waxaa ka mid ah gooni u goosatada galbeedka Saxaarahga, ayadoo saxraawiyiintu doonayaan inay toos uga madax banaanaadaan Morocco.

Laakinse qodobka xasaasiga ah ee hadda miiska u saaran guddoomiyaha midowga Afrika ayaa ah dagaalka ka socda bariga jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo.

Dr Bob Wekesa oo ah Barafasoor ka tirsan jaamacadda Howard University wuxuu qabaa in xujada weyn ee hortaalla ay tahay inuu hogaamiyo wadaxaajood ay qayb ka tahay Rwanda oo lagu eedeeyo inay taageerto falaagada M23 iyo xukuumadda DRC oo Rwanda ku eedeynaysa inay dhulkeeda kala goynayso.

Waa markaas marka aad loogu baahan doono xirfadda diblomaasiyadeed ee Maxamuud Cali Yuusuf, asagoo ka fogaanaya in loo arko inuu dhinac la safan yahay. Xiisaddan ayaa ah mid saamaynaysa dalalka bariga qaaradda ee (EAC) iyo kuwa xubnaha ka ah urur goboleedka koofuyrta oo DRC-na ay qayab ka tahay (SADC).

Dhanka kale, dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda dhowrka sano ayaa ah caqabad lugaha kula jirta meelo ka baxsan qaaradda. Qiyaasaha waxay sheegayaan in tiro ka badan 60,000 lagu dilay, ayadoo aysan muuqan ifafaale la xiriira inuu dhawaan soo afjarmi doono dagaalka.

Soomaaliya oo muddo dheer xaaladeedu aysan degganayn ayaa ah hawlgalkii ugu balaarnaa ee nabad ilaalineed ee midowga Afrika uu qaaradda ka fuliyo muddo 18 sano ah. Kaalintii midowga Afrika ee hawlgalka ayaa hadda isku beddeshay "kala guur". Muddo labaatan sano gaareysa waxaa Soomaaliya ka socday dagaallo u dhaxeeyey urur-diimeedyo iyo maamuladii dalaka ka jiray, taasoo keentay in midowga Afrika uu soo fara geliyo.

Arrimaha caalamka

Dr Bob Wakesa wuxuu aaminsan yahay dhanka arrimaha caalamka marka la eego in laba dhinac loo kala qadi karo "midi waa ku guul darraysiga midowga Afrika ee ah in ay dhaqaale ahaan dabaraan barnaamijyadooda, taasoo ku hogaamisay inay ku tiirsanaadaan quwadaha dunida sida Shiinaha, midowga Yurub, Maraykanka iyo qaar kale" ayuu yiri.

Midda labaadna, wuxuu aaminsan yahay in dalalka qaaradda qaarkood oo doorbidaya inay toos ula macaamilaan quwadaha waaweyn ay xagal daacisay qorshihii midowga Afrika uu kula macaamili lahaa quwadahaas.

Inkastoo Maxamuud Cali Yuusuf aysan hor oollin caqabado muuqda oo shaqsi ah, misna wuxuu haystaa fursad uu ku qancin karo inta badan dalalaka qaaradda, gaar ahaan marka la eego khibardiisa diblomaasiyadda, iyo tan dhaqanka iyo luqadaha qaaradda looga hadlo oo uu si fiican u yaqaanno.